Posts

Buuga ama Qisadda (AYAAN DARAN)

Image
 ( AYAAN DARAN) Ayaan Daran Kusabsan Ayaan Daran  Qisadda sheekaddaa dhabta ah ee la'ga qoray buuga  loogu magac-daray "AYAAN DARAN" ee uu qoray Qoraa Dr. Cabdullaahi Sh. Xuseen (Hantiwadaag) ee soo baxday 70-yadii Laguna dabacay wargeeskii loyiqiin (XIIDIGTA OCTOBER) waa midii igu sameynta badneyd abid intii aan sheeko ama dhigane laqoray aan akhrinayay dareenka iyo fariinta ay xanbarsan tahayna waxa ay igu dhalisay Dareen aad uqoto-dheer.  Casharka aan kabaran karno qisada (AYAAN DARAN) Buugan laga qoray qisada dhabta ah ee loogu magac-daray "AYAAN DARAN" ee ku dhacday Asli oo ahayd gabadh aad iyo u dhowarsoneyd ahydna gabadh akhalaq fiicneyd oo dhalin-yaro ah taaso ilduuf ku dhacay kadibna uur-qaday, waxa lagayaba in leys-weydiiyo markaan leyahay gabadh akhalaq fiican misana uur qaday oo bilaa mehera!! Horaa loo yiri  "Waxwalba utoogo hay" oo looga jeedo waxwalba waa macquul waxase lagayaba iney itmixaan aduunyo ay tahay, dib aan ugu sonoqono qisadi...

Safiirkii Nabadda Abdiqadir Yahye Ali

Image
Xasuus safiirkii nabadda Abdiqadir Yahye Ali Abdiqadir Yahye Ali Hordhac Burburkii Somaliya iyo DAGALADII sokeeye ee ka dhacay Somaliya waxa ay dadkii somaliyeed ukala qeyb sameen labo kooxod 1) koox DAGALADII sokeeye ee halaga ahaa kamid noqota oo ka qayb qadatay dagalkii iyo burburkii Somaliya iyo 2) koox alle subaxanahu watacaala uu ka badbadiyay dhigii sokeeye ee dadkii somaliyeed ee muslimka ahaa ee qubanayay, Abdiqadir yahye Ali waxa uu kamid ka ahaa dadkii fara ku-tiriska ahaa ee alle ka badbadiyay DAGALADII sokeeye waxa uuna taas badalkeeda u tafaxaytay inuu nabadda Somaliya uu raadiyo ilaa markii ugu danbeysay lagu dilay. Waa kuma Abdiqadir yahye ali. Abdiqadir yahye Ali waxa uu ku dhashtay magalada mugdisho gar'ahaan Martin Hospital  sanadkii 1975, Abdiqadir waxa dhalay abbe Shaqadiisu ay ahayd macalinimo, abdiqadir waxabarshadisii waxa uu ka bilabay (Fort Sheikh elementary school) kasoo ku yaalay dhanka koonfur galbeed ee dhismihii Barlamaanka ee degamada Holwadaag. Yahy...

SOYAALKII ABWAAN AXMED ISMACIIL DIIRIYE OO KUMAGAC DHERAA (QAASIM)

Image
Tariikhdii abwaan Axmed ismaciil diiriye (Qaasim) iyo sugaantisii qiimaha lahayd.     Abwaan Axmed Ismaciil Diiriye Ummad waliba waxay leedahay geesiyaal caan ka ah bulshada dhexdeeda. Balse waxaad mooddaa in bulshada soomaalidu ay ka simantahay inaanay geesiyaashooda xusin oo soo hadalqaadin inta ay noolyihiin. Waxa jira geesiyaal farabadan oo maanta nool. Abwaan Axmed Ismaciil Diiriye "Qaasim" Wuxuu ka midyahay geesiyaasha caanka ah ee bulshada dhexdeed ku leh magac. Qaasim waa nin abwaan ah, balse abwaanimadiisu maaha oo keliya inuu tiriyo maanso quruxbadan ee maansooyinkiisu waxay xanbaarsanyihiin dareen shacbi oo dhab ah. Wuxuu sawir ka bixinayaa dareenka dadka iyo qallooca jira iyo weliba sida looga baxayo. Dhanka kale qaabka iyo habdhaca maansooyinkiisu waa kuwo aad odhan karto waxay si farshaxxanimo ku dheehantahay u gelayaan maanka qofka. bal aynu soo qaadano gabayga la magacbaxay "Macaan iyo qadhaah, baydadkiisa hore.   ...

Safarkii Henery Kissinger ee mugdisho

Image
  Booqashadii wasiirkii arimaha dibadda ee mareykanka Henery Kissinger. Former USA secretary of state Henry Kissinger  Kumuu ahaa Henery Kissinger Soyaalkii iyo tariikhdii amaba shaqooyinkii Henery Kissinger uu sooqabtay waa adagtahay in hal qormo lagu soo koobo lakin waxan isku dayayaa inaan dulmaro si akhristayshu wuxuun uga fahamay qofka aan ka hadlayo qofka uu yahay, waa dhif iyo nadir inaadan maqlin amaba aadan arkin magaca henery Kissinger hadii aad wax uun ka-akhrisay amaba aad kala-socotid (International politics) gar'ahaan intii lagu guda jirey dagalkii qabooba 1945 ilaa 1989-kii, henery Kissinger waxa uu ahaa ayaa la'odhan karaa qabeeyihii iyo maskaxdii dagalkii qabooba gar'ahaan xakameyntii isticmaalka nuclear-ka oo uu waxbadan ka qorey, henery Kissinger waxa lagu xasuusan karaa dhexdhexdintii Israel iyo carabta gar'ahaan dagalkii 1973 markaas oo u adeegsaday orahda caan baxday ee ah (Shuttle diplomacy), waxkale oo uu henery Kissinger ku guuleystay inuu xirir...

JARIMOOYINKII AMXARAD AY KA GEYSTEEN MUGDISHO IYO AIDEN HARTLEY WAXUU MUGDISHO KU SOO ARKAY 2008

Image
(Post overthrew Islamic court of union) markii midowgii maxkamadaha meesha lagasaray ee mugdisho Amxaradu qabsatay iyo dawladii TFG iyo gabood faladii ka dhacay mugdisho. Kornel abdilahi Yusuf, Talye Axmed Taajir, Gen. Darwiish iyo  Gulled Gacmadheere . Gogoldhig. Qormadan waxa ay qiimeynaysa xaladii mugdisho gar'ahaan waqtigii Axmaxaradda soo galeen somaliya 2006, labo sano kadib soogalitankii amxarada sanadkii 2008 ayaa mugdisho waxa badhitaan xaqiiqo radin ah utagay wariye Aidan Hartley oo ka socday wargeyska ama TV Channel 4, hoos kaga bogo wuxuu kusoo arkay mugdisho. Aiden Hartley iyo wuxuu mugdisho kusoo arkay 2008 Document-gan waxa diyariyay wariye Adian Hartley oo uu si-qotodheer diradda usaray gabood faladii ay geysatay dawladii TFG "transitional federal government" dawladii federalka ee ku meel-garka ahyd, taaso madaxweyne uu ka ahaa qabqale Cabdilaahi Yuusuf Ahmed document waxa ku jira afar nin oo dawladii waqtigaas ahaa ragii ugu awooda badanaa oo lagu eedeyay...

La-macamilkii dawlada mareykanka Hogaamiye Kooxyadii somalida

Image
Siyaasadii dawlada mareykanka ee ku wajahnayd somaliya iyadoo adeeg-saneysa hogaamiye Kooxdyada iyo Ethiopia  "USA's dirty policy toward Somalia through warlords and Ethiopia" Adeegsigii hogaamiye Kooxyadii ee dawlada mareykanka iyo guul-daradii hawlgalkaas. Dawlada mareykanka iyadoo adeeg saneysa Hogaamiye Kooxdyo iyo Qabqablayaal dagaal kuwaas oo lamagac baxay (Alliance for the Restoration of Peace and Counter-Terrorism) isbahysiga rajo soo celinta iyo Ladagalanka Argagixisada, Ururkan waxa ku mideys-naa ganacsato iyo qabqablayaal, ay kamid ahayeen Botaan Cise Calin, Mohamed Dheere, Maxamed Qaynyare Afrax, Muuse Suudi, Abdi Hasan Awale Qaybdiid, Omar finish. Nimankan qar-kamida waxa ay wasiiro ka ahayeen Dawaladii TFG. Waxa ayna toos ugu xirnayeen CIA mareykanka oo lacag lagu qiyaasay $ 100,000 ilaa 150,000 dollar Bile usiin jirtay, sida ay sheegatay hayadda calamiga ah ee xasaradaha aduunka (ICG) international Crisis group. Hogaamiye Kooxdyada waxa ay dagaal lagaleen m...

Isbadalka Juguraafi siyasaded ee Aduunka Iyo Sameynta Geeska Africa (Geopolitical flashpoint)

Image
Isbadalka juquraafi siyasadeed ee aduunka ee Ethiopia dooneyso iney qayb ka noqoto taaso ku khasbaysa Ethiopia iney hesho badd (geopolitical flashpoint) Sanadkan cusub ee 2024 waxa ay Ethiopia ku biirtay ururka loo soo gabiyo (BRICS) kaaso ay ku midoobeen wadamo ay kamid yihiin China, Russia, India, south Africa, Brazil, ururkan hadafkiisa iyo ujeedadiisa siyasadeed ayaa ah 2 arrimood 1) in lasameeyo nidaam dhaqaale oo u dhigma G7 ama hayaddaha dhaqalaha ee rer galbeedka sida IMF iyo World bank si meesha looga saaro isticmaalka lacagta dollar-ka ee aduunka qabsaday "de-dollarization" nidaamka dhaqaale ee ururka Brics uu abuuray waxa looyaqana (New Development Bank)  2) ujeedka labaad ee ururka BRICS waa in la'abuuro nidaam kaas oo uu horkacaayo dawalad China, nidaamkas waxa looyaqana "Belt and Road Initiative" waa mashruuc uu wadanka China doonaayo inuu aduunka oo dhan isku xiro (AfroEuroasia) oo uu sameyn ku yeesho aduunka oo dhan, hindisahan waxa lasheega inuu...