Buuga ama Qisadda (AYAAN DARAN)
(AYAAN DARAN)
![]() |
Ayaan Daran |
Kusabsan Ayaan Daran
Qisadda sheekaddaa dhabta ah ee la'ga qoray buuga loogu magac-daray "AYAAN DARAN" ee uu qoray Qoraa Dr. Cabdullaahi Sh. Xuseen (Hantiwadaag) ee soo baxday 70-yadii Laguna dabacay wargeeskii loyiqiin (XIIDIGTA OCTOBER) waa midii igu sameynta badneyd abid intii aan sheeko ama dhigane laqoray aan akhrinayay dareenka iyo fariinta ay xanbarsan tahayna waxa ay igu dhalisay Dareen aad uqoto-dheer.
Casharka aan kabaran karno qisada (AYAAN DARAN)
Buugan laga qoray qisada dhabta ah ee loogu magac-daray "AYAAN DARAN" ee ku dhacday Asli oo ahayd gabadh aad iyo u dhowarsoneyd ahydna gabadh akhalaq fiicneyd oo dhalin-yaro ah taaso ilduuf ku dhacay kadibna uur-qaday, waxa lagayaba in leys-weydiiyo markaan leyahay gabadh akhalaq fiican misana uur qaday oo bilaa mehera!! Horaa loo yiri "Waxwalba utoogo hay" oo looga jeedo waxwalba waa macquul waxase lagayaba iney itmixaan aduunyo ay tahay, dib aan ugu sonoqono qisadii Asli, uur kadib Asli waxa ay dhadhamisay nolol runtii aad uqalafsan oo u qadhaadh taaso ay kala kulantay ugu horeen qoyskeedii sida hoyadeed, abeheed, jaarkeedii, iyo guud ahaan bulshadii ay ku dhex nooleydd oo tokooray.
GUNAANAD.
Afar (4) darsin ayaa kabaran karna qisadda Asli oo kusocota A) gabdhaha B) qoysaska C) bulshadda D) wiilasha
A) hadan ku hormarno casharka ay gabadh-kasta ay kabaran karto qisadda Asli ee "AYAAN DARAN" waa ineysan aminin amaba rumeysan dhalanteetka iyo hadalada af-gobaadsiga leh ee wiilashu ku leeyihin gabdhaha kasoo ah sasabasho ujeedkiisuna uu yahay in sida Asli ku dhacday ku dhacdo hadhow-na lagaga dhaqaaqo wadadda.
B) Qoyasaska gabadhaha waa iney markasta kawar qabaan gar'ahaan abaha iyo hooyadu waa iney caruurtooda saxiib layihiin si ay ugawar qabaan, hadii ay timaado xaladda Asli ku dhacday oo kale waa ineysay ku dhaqaqin amaba aysan sameyn wax arinta ugasii daraya oo khalad aysan khalad ku sixin kana fogadan iney sameeyan sidii Asli ay ku sameeyeen hooyadeed iyo abeheed.
C) Bulshadu aad ugama baraarugsana sameynta qalbi ama maskexeed ay kuyeelaneysi qofka bulshadda kamidka ah marka uu khalad kadhaco in khaladkiisa laga-madeysto amaba qofka laga-faafiyo warar kuturi-kuteen ah oo aan sal iyo baartoona lahayn, tasoo lagayaabe in qofka ay ka dhigi karaan maxbuus xabsi kujira oo aan bananka usoobixi kareyn.
D) Taladda Wiilasha, Dulmi iyo karahiyo kaweyn majirto in aad qofka waxkayar halsaac aad noloshiisa oo dhan aad ku burburiso adigoo eeganaya adiga dantaada oo kaliya, Qisada Asli ee shakadan waxa ay ku weyday hal habeen nolosheedi oo dhan oo ay kamid tahay qoyskeedii, waxbarashadedi, sumcadeedi, iyo shaqsiyadeedi qofeeed.
Comments