La-macamilkii dawlada mareykanka Hogaamiye Kooxyadii somalida

Siyaasadii dawlada mareykanka ee ku wajahnayd somaliya iyadoo adeeg-saneysa hogaamiye Kooxdyada iyo Ethiopia  "USA's dirty policy toward Somalia through warlords and Ethiopia"




Adeegsigii hogaamiye Kooxyadii ee dawlada mareykanka iyo guul-daradii hawlgalkaas.

Dawlada mareykanka iyadoo adeeg saneysa Hogaamiye Kooxdyo iyo Qabqablayaal dagaal kuwaas oo lamagac baxay (Alliance for the Restoration of Peace and Counter-Terrorism) isbahysiga rajo soo celinta iyo Ladagalanka Argagixisada, Ururkan waxa ku mideys-naa ganacsato iyo qabqablayaal, ay kamid ahayeen Botaan Cise Calin, Mohamed Dheere, Maxamed Qaynyare Afrax, Muuse Suudi, Abdi Hasan Awale Qaybdiid, Omar finish. Nimankan qar-kamida waxa ay wasiiro ka ahayeen Dawaladii TFG. Waxa ayna toos ugu xirnayeen CIA mareykanka oo lacag lagu qiyaasay $ 100,000 ilaa 150,000 dollar Bile usiin jirtay, sida ay sheegatay hayadda calamiga ah ee xasaradaha aduunka (ICG) international Crisis group.

Hogaamiye Kooxdyada waxa ay dagaal lagaleen midowgii maxkamadaha oo mudo gaban socday lakin waa laga adkaday ilaa ay ka baxsadaan magalada mugdisho qarkoodna ay xoodadaha ka Talaaben ugu danbeyn.


Fashilkii hawlgalkii hogaamiye Kooxdyada kadib, dawlada mareykanka waxa ay dhabarka kasoo tabatay dawlada Ethiopia markale.


Males Zenawi reysalwasaarihii hore ee Ethiopia iyo mamulkii Bush waxa ay islaqateen in aysan ka-fursaneyn in Somalia ay Ethiopia ku duusho oo ay maxkamadaha meesha ka saarto, bishii December 2006 dawalada Ethiopia waxa ay dagaal lagashay midowgii maxkamadaha, ciidamo lagu qiyaasay wadarta guud 400,000 ilaa 500,000 oo Ethiopian ah ayaa xududka ka soo talabay si ay meesha uga saran maxkamadaha, doorkii dawlada mareykanka waxa uu Noqday in laga difaaco Ethiopia go'aanada kasoo baxaya Qaramada midoobe iyo caalamka ee ka dhanka ah duulanka Ethiopia ee Somaliya, sidokle dawalad mareykanka waxa ay Ethiopia ka caawisey Dayax-gacmeedada wax basaasa iyo Drones-ka duqeymaha loo adeegsado ee casriga ah.


Gunaanad.


Faragalintii Ethiopia waxa ka dhashtay malayiin qof oo  shacab ah oo barakacay iyo kumanan qof oo ku dhintay dagaladii Ethiopia iyo midowgii maxkamadaha, iyo dhalashadii al-Shabaab oo ka fa'iideystay dareenkii dadka ee ahaa dawalad Christian ah ayaa wadanka ku soo duushay waa in lala dagaalamo leyskuna qarxiyo (Crusade war)

Comments

Popular posts from this blog

Sanad guuradii mamulka Galmudug 14-August

Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Sameyntii dagalkii qabooba ee African gar'ahaan Somalia iyo Congo DRC