Safarkii Henery Kissinger ee mugdisho

 Booqashadii wasiirkii arimaha dibadda ee mareykanka Henery Kissinger.

Former USA secretary of state Henry Kissinger 


Kumuu ahaa Henery Kissinger

Soyaalkii iyo tariikhdii amaba shaqooyinkii Henery Kissinger uu sooqabtay waa adagtahay in hal qormo lagu soo koobo lakin waxan isku dayayaa inaan dulmaro si akhristayshu wuxuun uga fahamay qofka aan ka hadlayo qofka uu yahay, waa dhif iyo nadir inaadan maqlin amaba aadan arkin magaca henery Kissinger hadii aad wax uun ka-akhrisay amaba aad kala-socotid (International politics) gar'ahaan intii lagu guda jirey dagalkii qabooba 1945 ilaa 1989-kii, henery Kissinger waxa uu ahaa ayaa la'odhan karaa qabeeyihii iyo maskaxdii dagalkii qabooba gar'ahaan xakameyntii isticmaalka nuclear-ka oo uu waxbadan ka qorey, henery Kissinger waxa lagu xasuusan karaa dhexdhexdintii Israel iyo carabta gar'ahaan dagalkii 1973 markaas oo u adeegsaday orahda caan baxday ee ah (Shuttle diplomacy), waxkale oo uu henery Kissinger ku guuleystay inuu xirirkii mareykanka iyo China uu dib usooceliyo ku dhawaad 20 sano oo colaad dhex taalay mareykanka iyo China, sidokle henery Kissinger waxa lagu tixgaliyaa inuu ahaa ninkii dagalkii ugu dheera ee uu mareykanku galay uu soo af-jaray kasoo u dhaxeyay mareykanka iyo Vietnam, waxana henery Kissinger lagu abaal mariyay biladda (Nopal peace prize)

Henery Kissinger waxa uu ahaa sidokale qoraa iyo aqoonyahn darajada PHD ka qaatay jamacada Harvard halkaas oo uu markii danbe professor ka noqday tan iyo markii uu wasiirka arimaha dibadda ee mareykanka uu ka noqonayay iyo la-talyahay amniga qaranka ee madaxweynaha mareykanka Richard Nixon. Henery Kissinger waxa uu ahaa asal ahaan yuhuudi kasoo kasoo qaxay amaba kasoo cararay xasuuqii uu Hitler ku hayay dadkii yuhuuda ahaa (holocaust Jewish)


Imanshihii Henery Kissinger ee Mugdisho 

Sanadkii 1980 ayaa xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee mareykanka ee dhawan geeriyoodey uu booqday soomaliya, isagoo howal-gab ah oo aan wax xil ah aan haynin, Henry Kissinger waxa uu diyaarad nooca looyaqan "private airplane" kasoo qatay wadanka Egypt uu ku sugnaa waqtigaas, markii uu soo gaaray magalada mugdisho waxa uu la kul-may madaxweynihii waqtigaas ee Somaliya maxamed siyaad Barre oo xukunkiisi malmihii qadhadha ku jirey, wadanka meelo badan ay dagaalo iyo jamhado ay ka dilaaceen. Henery Kissinger socdaalkiisa Somaliya waxa uu daranaa inuu uga mahad celiyo Somaliya iyo madaxdeeda go'aankii geesinimada lahaa ee Somaliya ku taagertay dawlada Masar, markii dawaladihii carabta ay xirirka u-jareen wadanka Masar, sidokale ay jamacdii carabta ka wareejiyeen Masar, kadib markii dawalad Masar oo uu waqtigaas madaxweyne ka ahaa "Anwar Al-Sadat" uu xirir iyo xeshiis lagalay dawalad Israel kadib dagaalkii dhexmaray Israel iyo Masar ee looyaqanay (Yom Kipper War) sanadkii 1973, henery Kissinger waqtigaas waxa uu ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee mareykanka asal ahaana ahaa yuhuudi waxa uuna doorweyn kaqatay joojinta dagaalkas, dagaalkii dhexmaray Israel iyo Masar markuu dhamaday kadib ayaa heshiis dhexmaray Israel iyo Masar heshiiskas oo uu garwadeen ka ahaa henery Kissinger waxaana looyiqiinay heshiiskas magaciisa (Comp David Accord) heshiiskas markii uu dhacay ayaa wadamadii jamacada carabta ay xirirka ujareen wadanka Masar saan horeba usoo sheegay, lakin Somaliya oo xubin ka ahayd "Jamacada Carabta" waa ay diiday iney Masar xirirka ujarto taas badalkeedna Somaliya taagero ayay umuujisay dawlada Masar. Waatan sababta keentay inuu Henery Kissinger uu mugdisho kasoo dago sanadii 1980, madaxweyne Maxamed siyad Barre waxa uu ka codsaday henery Kissinger inuu ku qanciyo maamulkii waqtigaas ee Ronald Reagan iney Somaliya muhiimada uleedahay mareykanka marka la-eego meesha ay Somaliya ku taalo, henery Kissinger waxa uu ka-balanqaday mamulkii Siyad Barre inuu balantaas ofindoono, waxa xusid mudan in waqtigaas 1980 ay ahayd markii dunida oo dhan ay Million dollar ku bixinayeen sidii ay ula saxiibi lahayeen Washington, sababtoo ah waa markii uu (Soviet union) uu sii dhacayay. Dawalad mareykankuna xiiso saas uma ayqabin iney saaxibo cusub hada kadib sameysato marhadii uu dhamaday dagaalkii qabooba. Nasiib wanaag henery Kissinger markii uu mareykanka ku laabtay mudo 1 sano kadib ayaa madaxweyne maxamed siyaad Barre casumaad kahelay madaxweyne Ronald Reagan iyo Aqalka Cad. Kulankaas kadib nimadkii waqtigaas ee Siyad Barre waxa uu kahelay dawlada mareykanka dhowar million oo dollar iyo sanad ciidan, sidookale dawalad mareykanka waxa ay saldhig ka sameysatay dakada BarBara.


Ronald Reagan iyo said Barre 


Ronald Reagan and Amb. Abdilahi Axmed adow


Dhamaad.

Sawirka 1: maxamed Siyad Barre iyo Ronald Reagan "Oval office at white house" 


Sawirka 2: Ronald Reagan iyo safiirkii Somaliya ee mareykanka Amb. cabdilaahi Axmed Cadow oo xidid la-ahaa maxamed siyad Barre.





Comments

Popular posts from this blog

Sanad guuradii mamulka Galmudug 14-August

Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Sameyntii dagalkii qabooba ee African gar'ahaan Somalia iyo Congo DRC