Safiirkii Nabadda Abdiqadir Yahye Ali
Xasuus safiirkii nabadda Abdiqadir Yahye Ali
Abdiqadir Yahye Ali
Hordhac
Burburkii Somaliya iyo DAGALADII sokeeye ee ka dhacay Somaliya waxa ay dadkii somaliyeed ukala qeyb sameen labo kooxod 1) koox DAGALADII sokeeye ee halaga ahaa kamid noqota oo ka qayb qadatay dagalkii iyo burburkii Somaliya iyo 2) koox alle subaxanahu watacaala uu ka badbadiyay dhigii sokeeye ee dadkii somaliyeed ee muslimka ahaa ee qubanayay, Abdiqadir yahye Ali waxa uu kamid ka ahaa dadkii fara ku-tiriska ahaa ee alle ka badbadiyay DAGALADII sokeeye waxa uuna taas badalkeeda u tafaxaytay inuu nabadda Somaliya uu raadiyo ilaa markii ugu danbeysay lagu dilay.
Waa kuma Abdiqadir yahye ali.
Abdiqadir yahye Ali waxa uu ku dhashtay magalada mugdisho gar'ahaan Martin Hospital sanadkii 1975, Abdiqadir waxa dhalay abbe Shaqadiisu ay ahayd macalinimo, abdiqadir waxabarshadisii waxa uu ka bilabay (Fort Sheikh elementary school) kasoo ku yaalay dhanka koonfur galbeed ee dhismihii Barlamaanka ee degamada Holwadaag. Yahye Ali markii uu dhameystay elementary school-kii waxa uu uwareegay (Afgooye agriculture high school) oo ku yaalay magalada Afgooye oo Mugdisho 30 km ujirta. Halkaas oo uu abihii macalin ka ahaa ugu danbeyn abdiqadir yahye halkaas ayuu waxabarshadisii secondary kuqatay.
Sanadkii 1978 markii uu abdiqadir yahye uu kasoo qalin jabiyay dugsiga (Afgoye Agricultural high secondary) waxa loodirey shaqo magalada jilib halkaas oo uu mudo ka shaqeynayay mashruucii Sonkorta ee faanole iyo mareeray. Abdiqadir waxa uu dib ugu soo labtay mugdisho halkaas uu dib uga bilaabay waxbarashadiisi jamacadeed,
Abdiqadir yahye waxa uu 80s shaqo kahelay safaradii mareykanka ee mugdisho waqtigaas isagoo jagadiisu ahayd dhanka "protocol-ka" Habmamuska ee safarada, waxakale oo ay shaqadiisi ahayd inuu udhaxeeyo Somalida iyo safarada.
Burburkii kadib iyo soo shacbixii Abdiqadir.
Abdiqadir yahye waxa uu ahaa dadkii aadka ugu dhawaa dawlada mareykanka waqtigii mareykanka uu soogalay somaliya gar'ahaan howlgalkii rajo soo celinta (Restore Hope) abdiqadir waxa uu soo joogay heshiisyadii Gen. Caydiid iyo Cali Mahdi ee qaramada midoobe iyo mareykanku ay gadhwadeenka ka ahayeen. Sanadkii 2000 iyo ilaa 2005 Abdiqadir yahye ali waxa uu ka shaqeynayay sidii nabad loogu soo dabali lahaa mugdisho hubkana looga dhigi lahaa shacabka, waxa uu furay Abdiqadir yahye maxadd cilmi-bariseed kasoo loyaan (Xarunta Dhexe ee Cilmibaadhasta iyo wadahadalka) (CENTER FOR RESEARCH AND DIALOGUE) ujeedada Maxadkana waxa ay ahayd si loo ogaado Xalka coladaha somalida, maxadkaas waxa ka soo shaqeyay Madaxweynaha hadda ee Somaliya Dr. Hassan sheikh maxamud oo ay saxiibo dhow hayeen Abdiqadir yahye iyo safiirka Somaliya ee kenya Ambassador Jibriil oo isaguna la shaqeyn jirey labdadoodub waxa ay sheegen mar ay ka qayb galayeen xus loosameyay Abdiqadir yahye inuu u ahaa "Mentor" macalin.
Abdiqadir yahye waxa uu maray meelo badan oo wadanka ah isagoo ku jira cilmibaadhisyo kuwaas oo daranaa sidii dadka loo heshisiin lahaa.
Dilkii abdiqadir yahye iyo Tacsidii Koffi Anan
Abdiqadir yahye waxa ladilay sanadkii 2005 markaas oo uu joogay mugdisho waxana ladilay isagoo xaskiisa lajiifa sida warbahintu sheegtay waxana sariirtiisa ku toogtay dabley hubeysan oo aan haybtooda ilaa hadda aan cidina aqoonsanin inkastoo tuhuno ay jiraan. Abdiqadir Yahye waxa uu aad ugasoo horjeeday in ciidamo Ethiopian ah ay wadanka sogalaan meelo badan oo fagaare ahna waa uu ka sheegay dal iyo dibadda-ba, Geeridii Abdiqadir yahye aad ayaa looga dareemay gudaha wadnka iyo dibadda waxana taasi usoodirey Xoghayaha Qarmada midoobe oo waqtigaas ahaa Koffi Anan, waxkale oo geerida abdiqadir yahye kasoo tacsiyadeyay ururo badan oo calamiya oo dhank samaafalka ah iyo xarumo cilmi-badhiseedyo ah.
Warqadii Tacsida ee KOFFI ANAN General secretary of United nations.
Comments