SOYAALKII ABWAAN AXMED ISMACIIL DIIRIYE OO KUMAGAC DHERAA (QAASIM)
Tariikhdii abwaan Axmed ismaciil diiriye (Qaasim) iyo sugaantisii qiimaha lahayd.
Ummad waliba waxay leedahay geesiyaal caan ka ah bulshada dhexdeeda. Balse waxaad mooddaa in bulshada soomaalidu ay ka simantahay inaanay geesiyaashooda xusin oo soo hadalqaadin inta ay noolyihiin. Waxa jira geesiyaal farabadan oo maanta nool. Abwaan Axmed Ismaciil Diiriye "Qaasim" Wuxuu ka midyahay geesiyaasha caanka ah ee bulshada dhexdeed ku leh magac. Qaasim waa nin abwaan ah, balse abwaanimadiisu maaha oo keliya inuu tiriyo maanso quruxbadan ee maansooyinkiisu waxay xanbaarsanyihiin dareen shacbi oo dhab ah. Wuxuu sawir ka bixinayaa dareenka dadka iyo qallooca jira iyo weliba sida looga baxayo. Dhanka kale qaabka iyo habdhaca maansooyinkiisu waa kuwo aad odhan karto waxay si farshaxxanimo ku dheehantahay u gelayaan maanka qofka. bal aynu soo qaadano gabayga la magacbaxay "Macaan iyo qadhaah, baydadkiisa hore.
Macaan iyo qadhaadh.
Dacartuba marbay malab dhashaa muudsataa dhabaqe
Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wadayaalle
Midig-tayda iyo bidixday-du waa laba mataanoode
Midi waa martida soora iyo maata daadihise
Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe
Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye.
Macaan iyo qadhaadh oo uu naftiisa kaga hadlayey, haddaynu dhaafno aynu milicsanno halgankii iyo dareenkii uu u soo gudbiyey bulshada. Waxaan ku bilaabayaa maansada la magacbaxday "Farriin". Maansadaa wuxuu tiriyey 26 June 1960. Wuxuu dareenkiisa gaadhsiinayaa bulshada, isagoo ku soo halqabsanaya Maxamed Cabdulle Xasan. Waxaana ka mid ahaa gabaygaas:
"Aloow yaa darwiishkii, farriin debécsan gaadhsiiya. Aloow yaa dadkaagii yidhaa, dawladnimo qaaday, Aloow yaa dabbaaldeg iyo faras kala dul eedaama. Aloow yaa duleedada Taleex uga damaashaada" .
Dareenkaas wadaninimo, ee soomaalinimadu ku dheehnayd waxa dilay oo bedelay maamulkii u kala danbeeyey Jamhuuriyaddii soomaaliyeed. Gaar ahaan maamulkii keligii taliyihii muddada dheer dalka ka talinayey. Mar uu Qaasim ka hadlayey dhibkii soo gaadhay bulshadii reer Somaliland oo uu si gaar ah uga hadlay Hargeysa ayuu maanso la yidhaahdo Hargeysa ka tiriyey 1984-kii wuxuuna yidhi:
Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene
Halaq iyo abees kuma gam'een hadhacyadaadiiye
Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaamsadaye
Hantidaada muu weerareen halaq wax-boobaaye
Carruurtiyo haweenkaad lahayd lama halgaadeene
Hadhaa laguma sheegeen raggii noo horrayn jiraye
Hoos looma eegeen kuwii hawl-karka ahaaye
Hoosaasiyaal uma shireen horumarkaagiiye
Hootada afaysani boqnaha igama heerteene
Dhammaan hoobaladii may-qaxeen hibadu saarrayde
Hayeeshee habeen guule-baad heli habeen dhowe
Had' aan sii fogayn waxaad fishaa heego iyo roobe
Hillaac caafimaad baa ku mari hogol daruureede
Heeryada ragbaa kaaga furi hub iyo baaruude
Hor ilaahay waan kaa xorayn hawsha kuu timiye
Insha'llah hoy nabad gelyaa lagugu soo hoyne.
Gabaygaa Qaasim wuxuu tiriyey 1984. Waxaad u fiirsataa farxaddii 1960 ee uu ku farxay calankii ugu horreeyey ee dhul soomaaliyeed laga taago iyo dareenka maansada Hargeysa oo uu tiriyey 24 sannadood ka dib. Labada maansoba waxay taabanayaan dareenkii markaa jiray. Kamuu gabban ee wuu toogtay labada jeerba. Maansada "Mugdi" oo uu abwaanku tiriyey 1964-kii bal aynu eegno dareenkii xilligaa jiray iyo sida uu uga hadlayo. Farshaxannimada heerka sare ah ee uu abwaanku adeegsaday bal si dhugmo leh u eeg oo dhuux qaabka uu u sawirayo iyo dareenka uu gudbinayo. Tusaalayaasha uu soo qaadanayo ayaa ah kuwo inoo caddaynaya miisaanka gabayga iyo macnaha uu xanbaarsanyahay.
Mugdibaan ka gacan haadiyaa Maxamed Kaydoowe
Geelbaan maqaarkaw sidaa midi ka dhiiqayne
Soomaali midab doorsantay-baan meeday leeyahaye
Murti samada lagu laalaybaan muhindisaayaaye
Dad musbaar dhegaha kaga jiraan maqal ka tuugaaye
Mawdkii adoogay dilay-baan meel dhow ka arkaaye
Mindidii boqnaha iga jartaa madaxa ii taale
Noloshuba macaan maleh haddanad magac ka reebayne.
Milicsiga maansooyinkii Abwaan Qaasim
Dayaxaa la kala boobayaa iyo dirirkii cawleede
Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray'e
Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa daafe
Duqii samada lagu sheegayiyo dide cirjiidhiiye
Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro'e
Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye
Daruuraha la weeraray nin ogi dib uga faallooye
U fiirso tusaalayaasha runta ah ee uu abwaanku inna tusinayo. Wuxuu dadka u sheegayaa 1964-kii in Ruushku samada u socdo, in rag badan oo kalena ay xiddiga higsanayaan. Waxaynu xasuusannahay "Dagaalkii xidigaha" ee siddeetamaadkii dhexmaray Ruushka iyo Maraykanka. Hadaba aragtida Abwaan, Qaasim oo xilligaa ahaa nin dhallinyaro ah, wuxuu doonayey in raggaa lala tartamo, waana guubaabo ilaa maanta nool. Intaa marka uu dhaafo ayuu qeexayaa halka isaga iyo dadkiisii ay taagan yihiin.
Nin da'dii halkaa gaadhay oo daallanbaan ahaye
Hayeeshee dabkeedu ha ba'ee doqoni waa mooge
Daab godina sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geeddi yahay deyiba maayaane
Umaddii daryeel weli mahelin daacadda ahaaye
Sidii bay u dooyeysantahay damashii weyneyde
Sidii bay duleedada dharli'i ugu dabjeexaane
Sidii baa du'dada aar dhiciyo dacaw u joogaaye
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha'e
Sidii bay docu aqalladii uga daloolaane
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaaye
Sidii baa degmadu ceelashii ugu darleeftaaye
Sidii baa ducaaloow! biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay u daba goosi tahay haradii Dooloode
Oo weliba dibindaabyo-iyo diriri joogtaaye
Waakaa dareersaday Axmaar dayr cadkii dhalaye
Danbi ku hadli maayo'e ma'arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal'e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan deyeysanahay miyaan dawgii ka habaabay
Waxba hadalku yuu iladurkine waxan ku soo duubay
Mar uunbuu dafsoo odhan nabsigii diinku soo sidaye
Mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiye
Dirridaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiye
Dibjirkiyo reer miyigu marbay daasadaa qubiye
Mar uunbuu digiigixan raggii daalanaan jiraye
Dibnihii shakaallaa marbaa dooda loo furiye
Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonaaye.
Abwaan, Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasim" wuxuu gabaygaa ku sheegay meesha dunidu ku socoto iyo halka aynu xilligaa taagnayn (42sannadood dabadeed weli halkii baynu joognaa). Abwaanku muu rajo dhigin ee wuxuu gabayga ku soo gunaanaday rajo wanaagsan. Ilaa maantana rajadaas baynu qabnaa. Sannadihii lixdamaadkii ayuu Qaasim si aad u qiimo badan u soo gudbiyey gabayo aan ilaa maanta qaar u dhigma lahayn. Sida gabayga kor ku xusan oo kale waa gabay, bixinaya cashar oo aad ka dhex arkayso ujeedada oo dhan. Hadii ay dhalliil tahay, haddii ay wax-sheegtahay iyo inaan la quusan. Waxaan ku soo afmeerayaa milicsigii maansooyinka Abwaan Qaasim Gabaygan hoosta ku qoran oo uu abwaanku curiyey 1960kii, waana maanso la magacbaxday "Gobaad".
Hashaan gaaxinayaan lahaa gorofka way buuxin
Geyaxa hashaan kaga xidhxidhay gabantii nuugaysay
Geedkii magoolaba hashaan uga garaacaayey
Gaaroodi iyo Hawd hashii laba gardaaqaysay
Wax-layidhi haddaa goodirkii lagu gabraartaaye
Waxla yidhi golbaa lagu dabraa geed-waraabe leh'e
Wax-layidhi gujaa lagu lisaa labada gooroode
Wax-la yidhi gal daayeer cabbaa habari geysaaye
Golqaniinna waa loogu daraa yaanay gaagixine
Wax-layidhi gomode naasihii giigsanaan jiraye
Gobaad waxay la daaqdaa sagaal goroyocaw-loode
Googooye! iyo wiil xunbaa gaawahaw sido'e
Wallee ama gumooboo sidaa layga gallad haysay
Walle ama rag ways gaadayaa gacan ku ciil beelay.
Waxa hubaal ah in dhallinyaro badan oo maanta joogta, haddii ay gabayadaa akhriyaan aanay waxba ka fahmaynin. Waa ayaan darro oo afkaagii iyo sarbeebtaadii afkaagu lahaa oo aad garan weydaa waa nacasnimo. Xataa dad badan oo aan ku korin qurbaha oo maanta dalkii hooyo ku sagan ayaan garanayn ujeedada iyo macnaha gabayadaasi xanbaarsanyihiin. Hasha uu Qaasim ka hadlayaa waa tee. Gobaad waa tuma. Neefkan geela ah ee darxumada ku nool ee uu abwaanka u doodayaa waa maxay. Runtii abwaan Qaasim qaabka uu u dhigayo gabayadiisu waa mid soo jiidanaysa dareenka qofka fahmaya. Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye "Qaasim" wuxuu innaga mudanyahay billad geesi. Wuxuu innaga mudanyahay in la qoro maansooyin-kiisii oo si qoto dheer loo qeexo erayada adag ee ku jira gabayada. In ujeedada maansadu xanbaarsantahay la dooxo oo sharraxaad qofkastaaba fahmi karo lagu qoro.
Dhammaad.
Comments