JARIMOOYINKII AMXARAD AY KA GEYSTEEN MUGDISHO IYO AIDEN HARTLEY WAXUU MUGDISHO KU SOO ARKAY 2008
(Post overthrew Islamic court of union) markii midowgii maxkamadaha meesha lagasaray ee mugdisho Amxaradu qabsatay iyo dawladii TFG iyo gabood faladii ka dhacay mugdisho.
Gogoldhig.
Qormadan waxa ay qiimeynaysa xaladii mugdisho gar'ahaan waqtigii Axmaxaradda soo galeen somaliya 2006, labo sano kadib soogalitankii amxarada sanadkii 2008 ayaa mugdisho waxa badhitaan xaqiiqo radin ah utagay wariye Aidan Hartley oo ka socday wargeyska ama TV Channel 4, hoos kaga bogo wuxuu kusoo arkay mugdisho.
Aiden Hartley iyo wuxuu mugdisho kusoo arkay 2008
Document-gan waxa diyariyay wariye Adian Hartley oo uu si-qotodheer diradda usaray gabood faladii ay geysatay dawladii TFG "transitional federal government" dawladii federalka ee ku meel-garka ahyd, taaso madaxweyne uu ka ahaa qabqale Cabdilaahi Yuusuf Ahmed document waxa ku jira afar nin oo dawladii waqtigaas ahaa ragii ugu awooda badanaa oo lagu eedeyay danbiyo ka dhan ah xuquuqda adanaha oo ka dhacay mugdisho, Afartaas nin waxa ka mid ahaa 1) kornel: Cabdulahi yuusuf Axmed madaxweyne 2) Genral: Maxamed darwiish talyihii sirdoonka (NSA) 3) Axmed Taajir talyihii police-ka 4) Guleed Gacma-dheere wasiirkii arimaha gudaha. Afrtan nin 3 kamida waxa ay ahayeen muwadinin haysta passport-ka dawalada UK sida ku cad Document, Waxa intaa dheer in madaxweyne Cabdulahi yuusuf Axmed uu si joogta u booqan jirey hospital lagu magacaabo Cromwell Hospital oo ku yaalay London UK. sidokale dawalada ingiriis-ka iyo midowga Europe ayaa aha "Donors" kuwaas oo bixinayay musha-haradooda iyo musharada ciidmadii dawladii waqtigaas, sidokale amniga dawlada waxa gacanta ku hayay safarada Ethiopia ee mugdisho oo General Gabre u ahayd xarun sida warbixinta ku cad.
Mugdisho waxa ay marti galisay 2006-8 dagaalo aad uqadhaadh oo ay ku nafwayeen kumanan shacab ah oo aan hubeysnayn hubka ka mamnuuc ah in loo isticmaalo goobaha rayidka ah sid PM-ka Kaaraha ayay isticmaleen Amxardii iyo maleyshiyadii qabqable Abdilaahi Yusuf uu kasoo ururiyay puntland ee amxarada ka cawinayay dhibteynta shacabkii mugdisho
Soo Ifbixii iyo Curashadii Al shabab.
dagaalkii Ethiopia iyo midowgii maxkamadaha markii uu dhamaday ee midowgii maxkamadaha la-jabiyay taaso keentay iney midowgii maxkamadaha labo qolo ukala jabaan, 1) qolo ay kamid ahayeen sheikh Sharif iyo xasan daahir aways, Prof Adow iyo niman kale oo u badan aqoonyahano iyo bulshada rayidka ah waxa ay xarun ka sameysteen Asmara erteria, halkaas oo ay ku sameyeen ururkii dib uxoreynta Somaliya (Alliance for the Re-liberation of Somalia) ilaa 2008 laga gadhayo iyo shirkii Djibouti ee ay ka soo qayb galeen oo sheikh Sharif madaxweyne loogu dooranayo Waxa ay joogeen Asmara erteria. qoloda kale (2) waa al shabab iyo niman xag-jir ah oo bilaabay dagaal ah ku-dhufo oo ka dhaqaaq (Guerrilla war and insurgency) qolodan waxa hogaaminayay Adan Xaaji Cayrow, Axmed Godane, Sheikh Mukhtar Robow etc. Dagaalkii dhexmaray dawladii TFG iyo al-shabab oo markaas soo if-baxay waxa uu sababay khasaaro aad u baladhan oo rayid ah. ilaa maantana dagaalkii waqtigaas bilowday waa uu socdaa khasarihii rayidkana wali waa uu jiraa.
Adian Hartley.
Document waxa diyariyay Adian Hartley oo ah wariye Kenyan-British ah ka soo ilaa 1991 somaliya ka hawal galayay markaas oo uu Reuters u shaqaynayay kadib uu Chanel 4 uwareegay ayuu document Somaliya ka diyariyay sanadkii 2008 kasoo oo uu ugu magac-daray (Somalia Warlords Next Door) sidokale Aiden Hartley waxa uu Somaliya ka diyariyay isla waqtigaas document-yadan
- Al Qaeda's new heaven (2005)
- Heart minds and holy war (2006)
- Warlords next door (2008)
- The master chef of mugdisho (2012)
Comments