Xasuustii Taliskii Saed Barre.
Xasuustii Taliskii Said-Barre Date 8/8/2020 M aqaalkan hadii alle-idmo waxaan kaga hadli doona qaybo-kamida dhalilihi iyo amantii taliskii said-barre. S ababta keentay inqilaabka, Afgambiga wuxuu ka dambeeyay dilkii madaxwaynihii Soomaaliya, Cabdi Rsahiid Cali sharma'arke, ee 15-kii bishii October sannaddii 1969 oo lagu dilay magaalada Laascaanood. Markii uu dilkaasi dhacayay waxaa dalka Raisul wasaare ka ahaa allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Cigaal waxaa xilligii uu dilka dhacayay uu ku sugnaa magaalada New York oo uu uga qayb galayay shirkii Qaramada Midoobay, wuxuuna markii uu dilka maqlay uu si degdeg ah ugu soo laabtay dalka. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markuu dalka ku soo laabtay wuxuu billaabay sidii loo dooran lahaa madaxwaynihii bad...