Posts

Sanad guuradii mamulka Galmudug 14-August

Image
Milicsi 18-sano kadib asaskii Mamulka galmudug iyo tariikhdii macan iyo qadhadh ee soo martay. Calanka mamulka Galmudug Asaskii iyo bilowgii Galmudug   Sanadkii 2006 ayaa mamulka lagaga dhawaqay dhanka koonfureed ee magalada galkacayo waxana madaxweyne loo doortay AUN rugcada-diplomasiyaded mudane Maxamed Warsame Cali (Kiimiko) oo somaliya safiir uga ahaan jiray qaramada midoobe sanadkii 1977, Sidokale Amb: maxamed warsame cali (kiimiko) waxa uu hore u ahaa safiirkii Somaliya ufadhiyi jiray Washington sanadkii 1980. Amb Maxamed Warsame Cali kiimiko  Kadib doorashdii amb. Maxamed warsame cali (kiimiko) galmudug waxa ay ahyd kaliya magac-uyaal oo dhulka intiisa badan ee maanta galmudug kataliso waxa gacanta ku hayay mamaulo kale sida mamulkii (Xibin iyo Xeeb) ee cadaado iyo culimadii (Ahlusuna waljameca) ee fadhigoodu ahaa dhusamareeb iyo qaybo kamida oo al-shabab uu haysta, duruftaas iyadoo ay ku sugan tahay mamulkii uu madaxweynaha ka ahaa AUN mohamed warsame cali (kii...

Labo iskumida dhanka kalitalisnimada lakin kala dhaxal duwan Sheikh Hasina iyo maxamed Siyad Barre

Image
  Labadii kaligii talaye ee kala talada fiicnaa Sheikh Hasina reyslawasaraha Bangladesh iyo Mohammed Said Barre madaxweynihii hore ee Somaliya. Reysalwasaarihii Bangladesh oo si dhuumasho ah ugu baxsanaysa diyaarad military   Malmihii ugu danbeyay taliskii maxamed siyad Barre iyo dhacdadii loyaqaan jimca madow (Balck Friday) 1989 iyo fursadii ugu danbeysay ee Somaliya lagu badbadin kari lahaa bayankii (Manifesto) Mugdisho waxa kadhacay sanadkii 1989 dhacdo loo bixiyay jimcihii madooba(black Friday) shacabkii kunoola mugdisho iyo cimadada kofiyad cast ee ilalada khaaska ah ee madaxweyne Maxamed Siyad Barre iskuna qoys ahayeen ayaa iska hor-imaad ku dhexmaray magalada gar'ahaan masjidka sheikh cali suufi, hayadaha xuququl isanka wax ay shegeen qiyaastii 400 oo qof iney ku dhinteen dhacdadan halka 1000 ku dhawacmeen, isla dhowar malin kadib ayaa waxa dhacday xasuuqii looyaqanay (Jazeera genocide) oo cidmadii maxamed siyad Barre ay ku dileen 40 nin oo hayb ahaan loo soo xulay oo k...

Sameyntii dagalkii qabooba ee African gar'ahaan Somalia iyo Congo DRC

Image
Sameyntii xumeed ee dagaalkii qabooba ku yeeshay Africa, isbarbardhig dilalkii Abdirashid Ali sharmarke madaxweynihii Somaliya iyo Patrice lumumba reysalwasaarihii Congo DRC. ARAAR. Dagalkii qabooba ee udhaxeyay dawaladii waaweyna ee kala hogaminayay xolufadooda ee kala ahaa mareykanka iyo Soviet union (USSR) waxa uu bilowday dhamadkii dagalkii 2aad ee aduunka 1945 waxa uuuna dhamaday sanadkii 1989 kadib markii uu burburay midowgii Soviet oo uu xogahayaha guud uu ka ahaa Mikhail Gorbachev. Dagalkii 2aad ee aduunka markii uu dhamaday ee laga adkaday kooxdii (Axis powers) ee kala ahaa Germany, Italy, Japan iyo xolufadoodi ayaa guuleystayshii dagalkii 2aad ee aduunka (alliance powers) oo ay gadhwadeen ka ahayeen dawlada kala ah, mareykanka, Soviet union, ingiriis-ka iyo France, ayaa waxa dhacay 2 shir oo u dhaxeyay dawaladihii ku guuleystay dagaalkii 2aad ee aduunka shirarkas waxa lakala odhan jiray (YALTA CONFERENCE) iyo (POSTDOM CONFERENCE) labaadas shir waxa ay daranayeen sidii ...

Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Image
  Geedigii la dagalanka argagixisada ee somaliya Somali flag  Hordhac . Qormadan waxa ay qiimeynesa soo bixii argagixisadii iyo sameyntii ay Somaliya ku yeesheen siyaasadda ahaan iyo amni ahaan-ba, sidokale waxa ay qormadani dul istaagi doonta sameyntii ay Ethiopia iyo erteria ay ku lahayeen Somaliya iyadoo aad loogu tunsana in erteria ay xirir kala dhexeyay ururkii maxkamadaha islamiga ee fadhigoodu ahaa mugdisho, Somaliya sanadkii 2001-5 waxa aad looga cabsi qabay Somaliya iney isu badasho Xarun ama gabaad ay argagixisada calamiga ah ay ku dhumaleystaan kadib markii mareykanka uu Afghanistan uu ku duulay 2001 uuna meesha kasaray oo jabiyay ururkii Taliban ee looga shakiga qabay inuu al Qaeda uu xirir la lahaa kuna badalay dawaladii Hamid Karzia uu madaxweynaha ka ahaa. Dawlada mareykanka waxa ay aad uga walacsaneyd in baxsadkii iyo firidhkii hogamiyayashii al Qaeda sida osma binu laden iyo Ayman Al-zawahri oo uu  mareykanku Afghanistan ku soo jabiyay ay gabaad iyo hoy c...

Hooyo Qaran Dr. Hawo Cabdi Dhiblawe

Image
  Xasuustii Halgamaa qaran Dr. Hawo abdi Dhiblawe Dr. Hawo abdi Dhiblawe  Halyeeyadii Qaranka Dr. Hawo Abdi Dhiblawe waxa ay ahayd halyeeyd qaran taaso dadkeeda iyo dalkeeda ugu adeegtay heerkii ugu sareyay ee qof muwadin ah uu awoodu inuu ugu adeego wadankiisa, xiligii ugu adkaa ee somaliya gar'ahaan dagaladii sokeeye iyo halagii ka dhacay somaliya aad ayay u adkeed in lagu noolado wadanka dad badan oo somaliyeed-na waa ay ka yaaceen wadanka gar'ahaan dadkii waxbartay noocey doonanba haysugu jireene, lakin wax jirey qof diiday inuu wadankiisa ka qaxo amaba ka cararo oo uu ucararo wadan shisheeye taas badalkiisna uu wax laqabo dadkiisa dhibateysan uuna qayb ka qaato sama-bixinta iyo badbadinta dadka nugul gar'ahaan dadka ubaahan cafimaad iyo daawo qofkaasina waa Dr. Hawo Abdi Dhiblawe alle-haunaxristo.  Horaantii noloshii iyo waxbarashadii Dr. Hawo Abdi Dhiblawe. Dr. hawo abdi Dhiblawe waxa ay ku dhalatay magalada mugdisho waxayna ku soo barbartay koonfurta somaliya, mark...

Abwaankii abwanadda Cali sugule (duncarbeed)

Image
Xusuustii suganeed ee abwaan Cali Sugule (Duncarbeed) Cali sugule duncarbeed   Hordhac Abwaanka aan abanadda ugu jeclahay Abwaan cali sugule duncarbeed waxa lagu xasuusan karaa sugantiisi uu qaybta weyn kaga qaatay halgankii gumeysi ladirirka iyo xornimadii 1960-kii, cali sugule duncarbeed sugantiisa hadii aad ufiirsato waxa aad dareemaysa heerkiisa farshaxanimo ee sugaaneed, suuganta cali sugule duncarbeed waxa la'oran karaa iney kaga duwantahay sugaanada kale habka iyo jandhaca oo qof walba uu fahmi Karo mid yar mid weyn iyo ku waxbartay iyo mid aan waxbaran, Marka uu leyahay cali sugule " Dab iyo dhax laykuma dhuftee kala dhowara" "Afqalad Aqoont miyaa" "Nin lagu seexdow haseexan" Maxaan ka naqaan cali sugule . Cali Sugulle Cigaal “Dun-carbeed” wuxu ku dhashay magaalada Oodweyne 1939kii. Hooyadii waxay ahayd Dhool Xasan Xirsi. Wuxu ku barbaaray magaalada Berbera oo uu ka galay malcaamad Quraan. Markii uu dhammaystay Dugsiga Hoose, wuxu Dugsiga Dhe...

Soyaalkii Mufakarkii weynaa Hassan sheikh Muumin

Image
Maha'dhoyinkii Mufakarkii, philosopher-kii iyo abwaan Hassan sheikh muumin  Abwaan Hassan sheikh muumin  Hordhac . Xasuustii iyo mahadhoyinkii mar-laragii soo maray somalida badh-tamihii qarnigii 20th iyo horaantii qarnigan 21th, Hasan sheikh muumin waxa lagu tilmaami karaa inuu ahaa Figta sare ee laanta geedka kaga taal marka loo barbar dhigo abwaanada kale ee wax-tiriya, Intaynan hore ugu galin murtidii iyo sugaantisii bal hal kudhigyadan yar yar ee Hasan sheikh muumin curiyay aan eegno si aan kugu sii qisho qofka aan ka hadlaayo qofka uu yahay !! " DUNIDU MASKAX BAY MAGAN UTAHAY" "CAQLIGII WANAAGSANI ITAAL INUU KAROON YAHAY BAL EEGOO UFIIRSADDA" "DAB HADUU DHAXAMOODO MAXA LAGU DIIRIYA"   Abwaan, mufeker, curiye riwayadeed iyo naqdiye dhaqan ayaa la'oran karaa inuu isku darsaday Hassan sheikh muumin taaso u suuro galisay ayaa la'orankara inuu ka duwanaado amaba uuna ka magac dheerado abawanada kale ee somaliyeed ee wax curiya ama alifa. Kaliy...