Abwaankii abwanadda Cali sugule (duncarbeed)
Xusuustii suganeed ee abwaan Cali Sugule (Duncarbeed)
![]() |
Cali sugule duncarbeed |
Hordhac
Abwaanka aan abanadda ugu jeclahay Abwaan cali sugule duncarbeed waxa lagu xasuusan karaa sugantiisi uu qaybta weyn kaga qaatay halgankii gumeysi ladirirka iyo xornimadii 1960-kii, cali sugule duncarbeed sugantiisa hadii aad ufiirsato waxa aad dareemaysa heerkiisa farshaxanimo ee sugaaneed, suuganta cali sugule duncarbeed waxa la'oran karaa iney kaga duwantahay sugaanada kale habka iyo jandhaca oo qof walba uu fahmi Karo mid yar mid weyn iyo ku waxbartay iyo mid aan waxbaran, Marka uu leyahay cali sugule "Dab iyo dhax laykuma dhuftee kala dhowara" "Afqalad Aqoont miyaa" "Nin lagu seexdow haseexan"Maxaan ka naqaan cali sugule.
Cali Sugulle Cigaal “Dun-carbeed” wuxu ku dhashay magaalada Oodweyne 1939kii. Hooyadii waxay ahayd Dhool Xasan Xirsi. Wuxu ku barbaaray magaalada Berbera oo uu ka galay malcaamad Quraan. Markii uu dhammaystay Dugsiga Hoose, wuxu Dugsiga Dhexe ka galay Sheekh 1949kii. Sannadku markii uu ahaa 1951kii ayaa laga eryay Dugsiga Dhexe ee Sheekh isaga oo lagu eedeeyay muddaaharaad uu abaabulay oo la xidhiidhay ciyaar kubbadeed. Saaxiibbadii la galay abaabulkaa oo kaga baxay waa kii ku lahaa:
“Saaxiibbadayoow intay sababteen,
Sanduuqiina mayla qaadi weydeen”,
Sugantii cali sugule duncarbeed
Cali sugule duncarbeed waxa uu curiyay amaba alifay riwaayado caan baxay iyo heeso hirgalay kuwaas oo saqiir iyo kabiir ay wadda xiftisan yihiin lakin nasiib daro aysan ogeyn amaba aysan aqoon maskaxdii ay kasoo maxdeen murtidaas qiimaha weyn.
Riwaayadaha Cali Sugulle waxa ka mid ah:
Riwaayadda iyo Sannadkii
1. Ayaa ila genbiya gumeysiga 1954kii
2. Darxumo 1955kii
3. Hayaay iyo haddaanan 1955kii
4. Himiladeenna 1958kii
5. Indho-sarcaad 1961kii
6. Xil-gobeed 1961kii
7. Ma-huraan 1965kii
8. Kala haab iyo kala haad 1966kii
9. Gobannimo 1967kii
10. Sheeg iyo Shareer 1968kii
11. Ma hadhin 1968kii
Heesihii uu curiyay cali sugule
- "Nin lagu seexdow haseexan"
- "Hidi Hidi diiyoy"
Haddana waayayoo hakaday,
Halyeey waayoo habraday,
Haween baan ahoo hamraday,
Hiil iyo midna hoo ma karo.
- " qoftay dhacday turunturatoy ayaad taqaan maxaad taqaan"
- "Waaba baray bilicsan arooryo suuban"
Bilicsan arooryo
Baxsan maalin
Boqran
Allaa buruud leh
Mahad badan leh
Baaxad iyo xoog leh
Bilicna inagaa leh
Kuwii bilaabee
Dabkan baxaayaa
Balalinaayaa waa
Baayadooda
Kuwii ka bayree
Bahdood kaleex-
Dee boqonta goyay
Waa baa'ba ooda
Gunaanad
Waxaan kusoo gunanadaya heesta aadka umacaan ee cali sugule duncarbeed uu alifay tasoo uu dadka su'aal aad u da'weyn oo madaxa dalinaysa uu weydiyay "Af qalaad aqoontu miyaa?
Xasuusin
Maclumadada iyo xogta qaar kamida waxaan kasoo xigtay qoraa Boobe yuusuf Ducaale iyo wikepedia.
Comments