Sanad guuradii mamulka Galmudug 14-August

Milicsi 18-sano kadib asaskii Mamulka galmudug iyo tariikhdii macan iyo qadhadh ee soo martay.

Calanka mamulka Galmudug

Asaskii iyo bilowgii Galmudug 

Sanadkii 2006 ayaa mamulka lagaga dhawaqay dhanka koonfureed ee magalada galkacayo waxana madaxweyne loo doortay AUN rugcada-diplomasiyaded mudane Maxamed Warsame Cali (Kiimiko) oo somaliya safiir uga ahaan jiray qaramada midoobe sanadkii 1977, Sidokale Amb: maxamed warsame cali (kiimiko) waxa uu hore u ahaa safiirkii Somaliya ufadhiyi jiray Washington sanadkii 1980.

Amb Maxamed Warsame Cali kiimiko 

Kadib doorashdii amb. Maxamed warsame cali (kiimiko) galmudug waxa ay ahyd kaliya magac-uyaal oo dhulka intiisa badan ee maanta galmudug kataliso waxa gacanta ku hayay mamaulo kale sida mamulkii (Xibin iyo Xeeb) ee cadaado iyo culimadii (Ahlusuna waljameca) ee fadhigoodu ahaa dhusamareeb iyo qaybo kamida oo al-shabab uu haysta, duruftaas iyadoo ay ku sugan tahay mamulkii uu madaxweynaha ka ahaa AUN mohamed warsame cali (kiimiko) ayaa uu u-tagay dawladii kumeeel garka ahayd ee fadhigeedu ahaa (Baydhabo) sanadkii 2006 ee uu madaxweynaha ka ahaa cabdilaahi Yusuf lakin Amb: mohamed warsame cali (kiimiko) wax farxad galiya kalama uusan kulmin kulankaas uu (Baydhabo) kula-yeshay cabdilaahi Yusuf, Sida uu buugisa xasuusqurka ee (Halgan iyo Hagardamo) uu ku xusay cabdilaahi Yusuf wax uu yidhi  "marnaba haba yaratee nagama suurta galeyso ama madhacayso in Galkacayo labo mamul ay kawada taliyaan"

Sanadkii 2009 ayaa doorasho khilaaf badan dhalisay oo ka dhacaday madaxtooyadii waqtigaas ee mamulka Galmudug ee galkacayo ayaa waxa lagu doortay maxamed axmed (caalim) waxa uuna xilkii kala wareegay amb: mohamed warsame cali (kiimiko) waxbadan mahayn madaxweyne axmed maxamed caalim waxbadana uma qabsoomin mudo xileedkisina waa uu ka dhamaday.
sanadkii 2012 ayaa doorasho ka dhacaday galkacayo lagu doortay General cabdi xasan cawaale (Qaybdiid) waxbadan ayuu mamulka kusoo kordhiyay General cabdi Qaybdiid taaso keentay iney midooban labadii mamul ee (xibin iyo xeeb) ee cadado iyo mamulkii galmudug ee (galkacayo) kadhisnaa waxana arintaas aad ugashaqeyay Madaxweyne xasan sheikh maxamud oo juhdi badan ku bixiyay sidii mamulka galmudug loo dhisi lahaa, gudiyo badan oo looxil saray dib uheshisinta iyo isku darka mamulkii galkacayo ka dhisnaa iyo mamulkii (xibin iyo xeeb) waxa gudoomiye u ahayd Xaliim ismaciil ibraahim (Xalimo yarey), arintaas ayaa guul kusoo dhamatay ugu danbeyntii, Waxana galmudug loo aqoonsaday mamul buuxa sanadkii 2014-kii oo katirsan mamul gobeeled yadda kale, waxan madaxweyne loo doortay abdikarim hussien Gulled madaxweynaha Galmudug sanadkii 2014-ka, lakin mamulka puntland oo uu madaxweyne ka haa cabdiwali cali gaas ayaa xirirka ujaray dawala dhexe ee Somaliya isagoo sheegay ineysan aqbali Karin mamulkaas galmudug ee ladhisay.



Maxay tahay sababta ay rer puntland udiidanayeen ugana horyimadeen dhisida Galmudug?

(Afeef)

Waxaan ka afeefanaya inta aan ku gudo jiro ka jawabida su'aasha xagasare aan kusoo xusay hadii aan boogo tariikheed aan taabto oo ay ila gasho jawaabta aan uradinayo su'aasha xaga sare kusoo xusay yaan sikale loo arkin dhib majirtee suaashaa uunban ka jawabaya.

Rer puntland iyo rer galmudug waa dad ehel iyo xidid amaba abtiyaal ah oo daris ah dadkana iskaga dhow lakin wax jirtay waqtiyo hore colaado qabiiliyiya oo dhexmaray labada dad ee kasoo kala jeeda puntland iyo galmudug taasoo laga-soo bilaabi Karo xiligii gumeystihii Talyaaniga iyo saldanadii Hobyo oo dagaalo badan dhexmareen suldankii Hobyo ee Yusuf (keynandiid) iyo suldaan Ducaale Kaahiye Maxamud, dagaalada dhexmaray labadaa oday kadib waxa saldanadii Hobyo lawareegay Suldaan Ducaale Kaahiye maxamud!! waana tii uu abwaan Salaan Carabay uu ku-lahaa silsiladii Guba "Hubso dhaha Hartigu waa og-yahay harihii muduge"  

dawladii dakhiliga ee cabdilaahi ciise uu madaxda ka ahaa 1941-1960 ayaa waxa mucaarad kala horyimid siyasiyiin kasoo jeeda puntland oo ay kamid ahayeen, Cabdirashiid cali sharmarke iyo cabdirisaq xaaji Xuseen wax ayna labadoodab reysalwasaarayal kasoo noqday somaliya xornimadii kadib, xornimadii kadib loolan adag oo ka dhex dhacay ururkii SYL ayaa wax kadhacday dood ah yaa xornimada kadib somaliya madaxweyne kanoqonaya oo loo doorta, reysalwasaare cabdilaahi ciise oo xorimada kahor ahaa reysalwasaare degaan ahana kasoo jeeday galmudug sumcadna kuhelay xornimo keenidii ayaa noqday qofka usoo istagay inuu noqda madaxweyne kadib xornimada lakin rag odayaal ah oo ay kamid ahayeen Cabdirashiid cali sharmarke, cabdirisaq xaaji Xuseen iyo xaaji muuse boqor ayaa loolan adag kadib ku guuleystay iney dhafiyaan oo Aden Cadde loo doorto musharax ururka SYL, sababtuna waxa ay ahayd iyadoo ay ka cabsi qabeen siyasiyiinta rer puntland hadii uu soo baxo Cabdulahi ciise inuu jagada reysalwasaare uu heli doono Maxamed ibraahim cigaal oo ay waayi donan, 

Buburkii kadib iyo dagaladii sokeeye ee ka dhacay wadanka wax jiray dhowar dagaal oo kadhacay mudug gar'ahaan galkacayo, sanadkii 1991 ayaa jamhadii USC ay qabsatay magalada galkacayo halkaas oo ay mudo haysatay, dagaal badan oo kadanbeyay ayaa aynoqotay in galkacayo lawada dago oo nabad laguwada noolado, mudo yar kadib ayaa waxa deeganada looyaqan puntland ka dhacay dagalkii udhaxeyay Al-itihad oo uu hogaaminayay Sheikh Hasan dahir aweys oo degaan ahaan kasoo jeeda galmudug iyo ururkii SSDF halkaas oo dagaalo lagu riiqmay uu kadhacay,

Sanadkii 2001 doorashadii madaxweyne abdiqasin salaad Hasan kadib ayaa waxa ka dhacay puntland qalalase siyasadeed oo keenay burbur kasoo udhaxeyay cabdilaahi Yusuf iyo jamac cali jamac inkastoo la'oran karo khilaafkan waxa keenay dhibatooyin kajiray puntland lakin rer puntland badan oo aan la sheekeystay waxa ay ii sheegen in dawalad cabdiqasin salaad xasan ee uu cali khaliif reysalwasaaraha ka ahaa ay ku lug lahayeen sida uu cabdilaahi Yusuf uu buugisa ku sheegay isaguba inkastoo anan xaqiijin karin warkaas.


GUNAANAD.

Ugudanbeyn Galmudug waa ay dhisantay oo hanaqaday caqa-badooyin badana waa ay kasoo gudubtay. Galmudug maanta waxa ay xukunta dhaman dhulka ay mamul ahaan dastuurkeed ugu qoran, Dawlada galmudug waxa ay madaxtooyadeda kutaala magala madaxada gobolka galgaduud ee dhusamareeb, halka mamulada koonfur galbeed iyo jublan ay wali kuyalan madaxtoyoyinkooda magaloyin kumeel-gaar ah, galmudug horumaro tirabadan ayaa kasocda oo mudan kudayasho waxbadana waa ay qabsadeen lakin fari kama qod-na wali.

Comments

Popular posts from this blog

Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Safiirkii Nabadda Abdiqadir Yahye Ali

Sameyntii dagalkii qabooba ee African gar'ahaan Somalia iyo Congo DRC