Hooyo Qaran Dr. Hawo Cabdi Dhiblawe
Xasuustii Halgamaa qaran Dr. Hawo abdi Dhiblawe
![]() |
Dr. Hawo abdi Dhiblawe |
Halyeeyadii Qaranka
Dr. Hawo Abdi Dhiblawe waxa ay ahayd halyeeyd qaran taaso dadkeeda iyo dalkeeda ugu adeegtay heerkii ugu sareyay ee qof muwadin ah uu awoodu inuu ugu adeego wadankiisa, xiligii ugu adkaa ee somaliya gar'ahaan dagaladii sokeeye iyo halagii ka dhacay somaliya aad ayay u adkeed in lagu noolado wadanka dad badan oo somaliyeed-na waa ay ka yaaceen wadanka gar'ahaan dadkii waxbartay noocey doonanba haysugu jireene, lakin wax jirey qof diiday inuu wadankiisa ka qaxo amaba ka cararo oo uu ucararo wadan shisheeye taas badalkiisna uu wax laqabo dadkiisa dhibateysan uuna qayb ka qaato sama-bixinta iyo badbadinta dadka nugul gar'ahaan dadka ubaahan cafimaad iyo daawo qofkaasina waa Dr. Hawo Abdi Dhiblawe alle-haunaxristo.
Horaantii noloshii iyo waxbarashadii Dr. Hawo Abdi Dhiblawe.
Dr. hawo abdi Dhiblawe waxa ay ku dhalatay magalada mugdisho waxayna ku soo barbartay koonfurta somaliya, markii ay jirtay 12 sano ayay hooyadeed geeryootay dr. Hawo Abdi iyo 4 walaleheed ah ayaa qoyska laga waday, Dr. Hawo abdi abeheed waxa uu ahaa xirfadle kasoo ka shaqeyn jirey Dakada mugdisho, Dr. hawo abdi waxa ay gashay dugsiga hoose, Dhexe iyo sare, kadib ayaa Dr. Hawo abdi ka heshay scholarship wadankii looyaqan Soviet union 1964, Kiev medical institute ayay Dr. hawo abdi ka qalin jabisay sanadkii 1971. Sanadkii xigah waxa ay kabilowday jamacada umadda somaliyeed iney ka dhigato sharciga,
Shaqooyinkii iyo dhaxalkii Hawo abdi Dhiblawe
Sanadkii 1983 ayay Dr. Hawo abdi Dhiblawe furtay hayadd looyiqiin (Rural healthy development organization) tasoo ku tiilay sheebelaha hoose halkaas oo ay dr. Hawo abdi ay dadka kunool degaankas ay ku daween jirtay, waxa ayna ku bilowday shaqadedi hal qol oo malintii ay qabili jirtay 24 haween ah ilaa markii danbe ay gadheen 400.
Markii dagalkii sokeeye uu Somaliya ka qarxay waxa ay Dr. Hawo abdi go'aan satay iney wadanka ku hadho oo ay caawiso dadkeedi somaliyeed ee aadka u tabalesnaa, waxa ay dr. Hawo abdi furtay school iyo xarun cafimaad ay dadka soo barakacay iyo agoonta ay ugu talagashay iney gabaad ka dhigtaan, waxaana igu maqaalo ah in madaxweynihii hore ee mareykanka George H W Bush uu booqday xaruntii Dr. Hawo abdi markii uu Somaliya soo booqaday 1993, isagoo diiday inuu la kulmo gohamiyayshii mugdisho ku dagalamayay Gen. Caydiid iyo Cali Mahdi.
![]() |
George H W Bush visited refugee camp in mugdisho |
Xaruntii dr. Hawo abdi ee looyiqiin (Rural healthy development organization) magacii ayaa laga badalay waxana loo bixiyay (Hawo abdi Foundation) sanadkii 2007, xaruntaas daryeelka dadka nugul aad iyo aad ayay u baladhatay, abartii sanadkii 2012 ku dhawaad 90,000 oo qof ayaa gabaad ka dhigtay oo ilahy ku badbadiyay.
Waxakale oo xusid mudan in markii amxaaradu mugdisho soogaleen ee ku dhawad 1 million oo qof ay ku barakaceen iney hooy iyo gabaad ka dhigteen xaruntii Dr. Hawo abdi oo ilahy kubad badiyay.
Abal-marimoyinkii heer calami ee la'godon siyay Dr Hawo abdi Dhiblawe.
- Glamour magazine aya Dr. Hawo abdi iyo labo gabdhood ay dhashay u aqoonsaday sanadkii 2010 ( women of the year)
- Dr. Hawo abdi waxa loo magacabay Nopal peace prize.
- Dr. Hawo abdi waxa lagudoonsiyay (The women impact award) waxa gudoonsiyay WITW Foundation.
- Dr. Hawo abdi waxa ay heshay Roosevelt Four freedom award netherland.
- Dr. Hawo abdi waxa la gudoonsiyay Pilosio building peace award
- Dr. Hawo abdi waxa lagu sharfay shahadada (doctorate of science) jamacada Pennsylvania
- Dr. Hawo abdi waxa sidokle lagu sharfay Doctor of law jamacada Harvard.
GUNAANAD
Ilahy haunaxristo Dr. Hawo abdi waxa ay ahyd halyeeyad qaran oo mudan in taalo loo dhiso si ay unoqoto tusaale nool dadka kale looguna daydo shaqadii nafhurnimada lahayd ee ay u qabatay dadkeeda iyadoo aan fa'iido iyo macaash doon ahayn. Wadada isku xirta Afgooye iyo mugdisho ayaa loo baxshay Xaawo abdi.
Comments