Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya
Geedigii la dagalanka argagixisada ee somaliya
![]() |
Somali flag |
Hordhac.
Qormadan waxa ay qiimeynesa soo bixii argagixisadii iyo sameyntii ay Somaliya ku yeesheen siyaasadda ahaan iyo amni ahaan-ba, sidokale waxa ay qormadani dul istaagi doonta sameyntii ay Ethiopia iyo erteria ay ku lahayeen Somaliya iyadoo aad loogu tunsana in erteria ay xirir kala dhexeyay ururkii maxkamadaha islamiga ee fadhigoodu ahaa mugdisho,
Somaliya sanadkii 2001-5 waxa aad looga cabsi qabay Somaliya iney isu badasho Xarun ama gabaad ay argagixisada calamiga ah ay ku dhumaleystaan kadib markii mareykanka uu Afghanistan uu ku duulay 2001 uuna meesha kasaray oo jabiyay ururkii Taliban ee looga shakiga qabay inuu al Qaeda uu xirir la lahaa kuna badalay dawaladii Hamid Karzia uu madaxweynaha ka ahaa. Dawlada mareykanka waxa ay aad uga walacsaneyd in baxsadkii iyo firidhkii hogamiyayashii al Qaeda sida osma binu laden iyo Ayman Al-zawahri oo uu mareykanku Afghanistan ku soo jabiyay ay gabaad iyo hoy cusub ay ka dhigtaan, taas isagoo kaduulaya ayaa mareykanku waxa uu tuhunsana sida ay shegeen xoga sirdoon in nimankaasi ay Somaliya kasoo galikaraan dhanka Gacanka Cadmeed, mareykanku waxa uu marakiibtisa dagalka uu waqtigaas u daabulay Gacanka Cadmeed iyo badda cas ee Somaliya iyo Bariga-dhexe isku xira si uu ugu sameeyo (Containment) halgalkaas isagana sida ay sheegtay dawalad mareykanka billion dollar ayaa uu ku kacay.
Iftimin guud isbadalkii nidamka aduunka ee dhamadkii dagalkii qabooba iyo curashadii dagalka calamiga ah ee ka dhanka ah Argagixisadda.
Sanadkii 1989 waxa aduunka ka dhacay isbadal aad uweyn oo dhanka Nidaamka Awooda Aduunka sameyay "Global order" waxa sanadkii 1989 Burburay awoodi midowgii Soviet ee tartanka kula jirey mareykanka iyo galbeedka gar'ahaan dhanka Falsafadda dhaqalaha, siyasada iyo dhanka hubka "Nuclear Race" iyo Hawada sare, burburkaasi waxa uu keenay in nidaamkii aduunka uu isbadal ku yimaado halkii markii hore intusan burburin midowga Soviet uu nimanka aduunka ahaa (Bipolar system) nidaam labo awoodod isu dheli-tirayaan, lakin burburkii kadib nidaamka aduunka waxa uu noqday (Unipolar system) awood hal dhinac oo kaliya iney aduunka maamusho waana Mareykanka. Sibadalkaas aduunka ku yimid 1991 aqoonyahano badan oo dhanka siyaasada "political scientists" ayaa wax ka-qoray, aqoonyahinitas waxa kamid ah, prof. Francis fukuyama iyo prof. Huntington, prof. Francis fukuyama ayaa waxa uu qoray buug uu ugu magac-daray "THE END OF HISTORY AND THE LAST MAN" (dhamaadkii tariikhda iyo ninkii ugu danbeyay) prof. Francis fukuyama waxa uu ku doodaya in tariikhda aduunka ay dhamatay cid danbe oo mareykanka iyo rer-galbeedka kahor imaneysa ineysan jiri doonin amaba tartan danbe lagaleysa dhan dhaqaale, siyaasad, Hub amaba technology. Lakin macalinkiisi ka weyna ee jamacada Harvard, prof. Huntington ayaa u-jawaabay ardaygiisi hore isagoo tusaya inuu il-duufay waxa uuna qoray buug uu ugu magac-daray (CLASH OF CIVILIZATION) "isku dhaca xadaradaha" prof. Huntington waxa uu leyahay hada wixii kadanbeya waxa laysku diriraayo waxa ay salka ku hayaan Diin, Dhaqan, halkii markii hore dowlad dawlad iyo afkaar siyaasiya laysku dirirayay, sida a) liberal iyo fascist dagaalkii 2 lagu diriray, b) liberal Democracy iyo socialism lagu diraray dagaalkii qabooba. Prof. Huntington waxa uu ku doodaya in hada wixii kadanbeysa "post cold war era" waxa lagu diriraya uu noqon doono Diin iyo Dhaqan. Walina uusan dhamaan tartankii lagula jirey rer galbeedka. Waxa xusid mudan in sida uu sheegay prof. Huntington ay dhacday oo aan aragnay dagaalka ka dhex qarxay mareykanka iyo ururada islamiga ah, dhacdadii 11 September 2001 Ka-dib aduunka waxa uu galay dagaal uu mareykanku cilaamiyay oo uu ugu magac-daray (War on terror) mareykanku waxa uu ku-duulay Afghanistan iyo wadamo badan oo islam ah oo uu ku eedeyay iney gacan-sar la leyihiin argagixisada.
Soo ifbixii ururadii islamiga ee Somaliya kadib burburkii.
Burburkii Somaliya 1991 waxa ay Somaliya isu badashay meel aan dawladi kajirin oo ah "stateless nation" taaso xududaheeda dhuleed badeed ay noqdeen kuwo iskafuran oo ay sahlan tahay in cidwalba ay isticmaasho bilaa sharci, burburkii dawladii kadib waxa soo ifbaxay jamahado iyo dagalo qabiil ku saleysan waxaa sidokale soo ifbaxay urur looyiqiin al-itahaad kasoo ahaa urur islamiya oo qabay aragti siyaasiya kasoo ahaa in shareecada lagu xukumo wadanka ururkan Al-itihad waxa ubadna niman asalkoodu kayimid AFGHANISTAN oo ka qeyb galay dagalkii (MUJAHIDIDNTII AFGHANISTAN) ee la-dagalamayay midowgii Soviet kadib markii midowgii Soviet laga adkaday MUJAHIDIDNTII dalalka Muslim-ka kazoo gurmadah waxa ay noqotay iney wadamadoodi ay dib ugu noqdaan halkaasna ay ka bilaaban dhaqdhaqaqa islamiga ah,
Nimankii Afghanistan kasoo noqday ayaa asasay Al-itihad kadibna isku dayay iney Somaliya ka hirgaliyaan dawlad islmiya lakin waxa ay isku dhaceen qaba'iladii iyo ururadii hubeysnaa ee waqtigaas sida Gen, caydiid iyo dagaalkii gobolada bari ee Somaliya, sidokale waxa xusid mudan in Al-itihad iyo Ethiopia uu kadhex qarxay dhowar dagaal kasoo salka kuhayay dhaqdhaqaq islmiga ah ee Ethiopia u arkaysay khatar amni.
Tuhunkii iyo shakigii dawlada mareykanka ee argagixisada somaliya
Bishii September 11 sanadkii 2001 waxa dhacday dhacdadii lagu qarxiyay labadii Mataanod ee dhaqalaha mareykanka (centeral trade Twin Towers of Us) dhacdadaas waxa ay keentay dagaalka uu mareykanku ugu magac-daray dagalka ka dhanka ah Argagixisadda (A war against terrorists)
Somaliya waqtigaas waxa ka jirtay dawladii TFG ee uu Abdiqasin Salaad Hasan uu madaxweynaha ka ahaa taaso fadhigeedu ahaa magalada mugdisho inkastoo aysan haysan awood aad ubuuran, lakin dawladaas waxa ay haysatay aqoonsi calamiya sida jamacada Carbat iyo midowga Africa, lakin waxa xusid mudan in dawladaasi uusan aqoonsanin dawlada mareykanka waxa ayna sabab uga dhigeen iney xirir la lahayd dawladii abdiqasin ururkii Al-itihad ururkaas oo uu mareykanku ku daray liiska ururada argagixisada, isla waqtigaas waxa xusid mudan in dawlada mareykanka oo uu madaxweyne uu ka ahaa junior Bush uu xiyaraad kusoo rugay xawaldii Al-Barakat waxkale uu isla waqtigaas liiska argagixisada lagu daray Hasan dahir Aweys oo hore u ahaa madaxii ururkii Al-itihad kasoo dagaalo badan oo ururku lagalay Ethiopia iyo gobolada bari ee Somaliya ee looyaqaan puntland maanta uu door ku lahaa xasan dahir aweys.
Doorkii dawlada Ethiopia ee malgalnta hogaamiye kooxeedyadii somaliya 2001
Dawlada Ethiopia waxa ay markasta khatar amni u arkaysay ururkii Al-itihad oo dhowar dagaal ku dhexmaray gudaha Ethiopia iyo Somaliya, labo khatarood ayay ka baqeysay dawlada Ethiopia oo uu ururka Al-itihad uu kawaday gudaha Ethiopia iyo Somaliya, labaad waxa ay ahayeen 1) soo noleyntii qadiyadii gobolkii looyiqiin Ogden region ee Ethiopia, ururkii Al-itihad waxa uu dadkii daganaa gobolka loyaqaan Ogden uu ku beeray iney sameeyan dhaqdhaqaq islamiya oo kasoo horjeeda dawlada Christian-ka ah ee Ethiopia taasna waxa halis uarkayay dawlada Ethiopia oo aan marnaba ogoleen in wadankeeda lagu faafiyo arimo islmaiya, Arinka kale ee Ethiopia khatarta amni u arkaysay waxa uu ahaa 2) kicintii iyo dhirigalintii uu ururku usameeyay mucaradkii Ethiopia Ethiopia gaar'ah jamhadii Oromada iyo jamahadii kale ee ONLF kuwaaso kasoo horjeeday dawalada Ethiopia ee waqtigaas.
Iyadoo taas kaduuleysa ayay dawladii Ethiopia ee uu reysalwasaaraha uu ka ahaa Males Zenawi ay isku dayday iney dawaladii Somaliya ee TG (transitional Government) ay ku furto mucaarad hubeysan oo kasoo horjeeda dawladii TG uu madaxweyne ka ahaa abdiqasin salaad Hasan oo xirir fiican la laheyd ururkii Al-itihad oo xubno sare oo ururka ah ay xubno muhiim ah ay dawlada ka ahayeen,
Dawlada Ethiopia waxa ay urur usameysay hogaamiye kooxeedyadii somalida si ay u curyamiyaan dawladii abdiqasin, waxayna usameysay ururkii looyiqiin SOMALI RECONCILIATION COUNCIL (SRRC) raga ugu tunka weyn ee ururkan ku jirey waxa kamidka ahaa Hussein aidid iyo Abdulahi Yusuf iyo hogaamiye kooxeedyo kale oo tiro badan.
Doorkii dawlaldii Kenya iyo loolankii dawaldaha Ethiopia iyo erteria ee Somaliya
Dawladii abdiqasin iyo ururkii hogaamiye kooxeedyadii markii uu khilaafkoodi uu dhaman wayay ayaa dawladii Kenya isku dayday iney dhexdhexadiso labadda dhinac, waxana bilowday (shirkii Eltore-ta) 2002, mudo dheer kadib waxa lagu heshiyay in labada dhinac ay dawalad ay udhan yihiin ay dhistaan oo awood qebsiga ay ku heshiyaan, waqtigaas isaga ah waxa mudo xileedkiisi gababsi ahaa madaxweynihii waqtigaas abdiqasin, waxyna dawlada kenya dhabrka uridatay iney Somalida doorsho uqabato iyadoo uga wakiil ah urur goboleedka (IGAD) taas waxa ka biyo diiday dawalada erteria oo arkaysay sida ay wax usocdaan ineysan xalal ahyn gar'ahaan fargalinta Ethiopia ee nimaamkii ay dawlad Kenya waday ee ahaa uqabashada doorasho somalida, dawlada erteria waxa ay go'aansatay iney xubin-nimadii ururka IGAD ay iska casishay,
Sanadkii 2004 ayaa kenya doorasho kadhacday uu kusoo wabaxay abdilahi Yusuf oo hore u ahaa xubin katir-naa ururkii labaxay (SRRC) kasoo ay Ethiopia usameysay si ay ugu curyaamiso dawladii abdiqasin 2001,doorashadii Abdilaahi Yusuf wax loo arkayay oo lagu tirinayay iney Ethiopia wadato,
Maxkamdihii islmiga iyo hogaamiye kooxyadii CIA mareykanka ay Malgalisay.
Tuhunkii mareykanka ee uu kaqabay iney Somaliya noqotay Afghanistan Africa ayaa marba marka kadanbeysa soo xoo geysanayay kadib markii ururkii maxkamadaha islamiga uu u magacabay Hasan dahir aweys hogaanka sare ee maxkamadaha islamiga tasina Waxa ay xaqijisay tuhunkii mareykanka, sida aan hore usoo sheegay Hasan dahir aweys waxa ay dawlada mareykanka ay ku dartay isaga iyo ururkii Al-itihad ee uu mar madax ka ahaa liiska argagixisada, sidokale dawalad Ethiopia oo iyadana dagaal kula jirtay ururkii Al-itihad oo uu mar hogaminayay Hassan dahir aweys waa aragtay waxa meesha kasocda ee ay wadaan ururkii (maxkamadaha islamiga)
Waxakale oo jirtay iyaduna oo dawalada mareykanka ay tuhun kaqabtay iney somaliya joogan oo ay midowgii maxkamadaha ay hayaan niman baxsad ah oo katirsana al Qaeda oo soo qarxiyay safaradihii mareykanka ee Tanzania iyo keneya,ragaas mareykanku radinayay waxa kamid ahaa 1) Abu Falh al sudane oo dhalashadiisu ahyd Sudani, 2) Fasul Abdulla mohamed oo dhalshadiisi ahyd Cameron, iyo 3) Salah Ali Salah Nabhun oo dhalashadiisu ahyd Kenyan.
Dawalad mareykanka waxa ay xirir lasameysay hogaamiye kooxyadii somalida ee mugdisho kusugnaa si ay uga cawiyaan iney gacanta usoo galiyaan ragaas dhumashada kusoo galay somaliya, CIA mareykanka ayaa kumanan dollar kubixisay sooqabashada nimankaas iyadoo isticmaleysa hogaamiye kooxeedyadii somalida oo waqtigaas loo baxshay mugdisho-na looga yaqanay (Ashahaado ladirir) iyaguse isu bixiyeen Alliance for the Restoration of Peace and Counter-Terrorism (ARPCT) isbahaysiga nabada socelinta iyo la-dagalanka argagixisada, ururkan raga ku midoboy waxa kamid ahaa Maxamed Qanyare Afrax, Botaan Calin Ciise, Cumar Finish, Cabdi cawale qeybdid, Maxamed Dheere iyo Muuse Suudi Yalaxow,
Midowgii maxkamadaha iyo hogaamiye kooxeedyadas Aan kor kaga soo hadlay ayaa dagaal kudhex maray magalada mugdisho waxaana guushu raacday oo u gacan u gashay magalada mugdisho maxkamadihii islamiga, waana markii ugu horeysay ee magalada mugdisho tan iyo burburkii ay hal gacan gasho,
Fashilkii hogaamiye kooxyadii iyo sogalitankii ciidmadii Ethiopia mugdisho.
Fashilkii hogaamiye kooxyadii ee dagaalkii ay lagaleen midowgii maxkamadaha ayaa keentay iney dawalada Ethiopia oo markii horeba aad u tuhun saneed iney mucaradkii dawlada Ethiopia sida ururkii ONLF iyo oromada ay qeyb kayihiin midowgii maxkamadaha iyo dhaqdhaqa mugdisho kasocda, keentay iney Ethiopia ciidmadeeda ay soogalan somaliya iyadoo qiil ka dhiganeysa dawlada Somaliya ee TFG oo fadhigeedu ahaa Badio ayaa naweydisatay ciidan,
Sidokale waxa xusid mudan iney qayb weyn ka ahayd soo galitankii ciidmada Ethiopia colaadi ka dhexeysay Ethiopia iyo ururkii Al-itihad oo dhowar jeer dagaal dhexmaray dawlada Ethiopia oo hada qeyb ka ah midowga maxkamadaha sida hogaamiyaheedi hore Hasan dahir aweys oo hadda ah madaxdda ugu sareysa midowga maxkamadaha,
Ciidmadii Ethiopia waxa ay soogaleen somaliya waxaan ka dhacay dagaal aad u qadhadh kasoo dhexmaray midowgii maxkamadaha iyo al shabab oo markaas kamid ahaa midowgii maxkamadaha lakinse ahaa garabkii ciidnaka iyo amniga halka garabka siyasadda ay ahayeen qoladda aan xagjirka ahyn oo uu hogaamiye uu ahaa sida sheikh Sharif.
Dawlada erteria waxa lagu eedeyay gar'ahaan qaramada midoobe, mareykanka iyo dawlada Ethiopia iney hub iyo saanad siisay maxkamadihii islamiga, lakin eedeyntas dawlada erteria waa ay beenisay.
Soo galitankii ciidmadii Ethiopia iyo jabkii midowgii maxkamadaha waxa bilowday dagaal kudhofo oo ka dhaqaq ah (Hit and Run) kasoo ay gadhwadeen ka ahayeen (Muqamuwadii) oo ugu danbeyn al shabab kubiyo shubtay.
Tixraac.
- counter terrorism in somalia losing mind and heart. 2001
- al-itihaad was placed on a us list of organizations designated for asset freezes on september 23, 2001. sheikh aweys was named on the same us list on november 7, 2001. see us department of the treasury, office of foreign assets control, “executive order 13224—blocking property and prohibiting transactions with persons who commit, threaten to commit, or support terrorism
- “Premier claims Somali ‘victory,’” BBC News Online, April 26, 2007
- “Ethiopian troops kill 3 people in Somalia,” Associated Press, January 23, 200
- A war of miscalculation,” Hiiraan.com, December 2006,
- “Looming Somali war menaces whole region,” Guardian (London), December 14, 2006,
- somali islamists give ultimatum to ethiopia, Reuters.
- can somalia's crisis contained: International Crisis Group (ICG)
Comments