Soyaalkii Mufakarkii weynaa Hassan sheikh Muumin

Maha'dhoyinkii Mufakarkii, philosopher-kii iyo abwaan Hassan sheikh muumin 

Abwaan Hassan sheikh muumin 


Hordhac.

Xasuustii iyo mahadhoyinkii mar-laragii soo maray somalida badh-tamihii qarnigii 20th iyo horaantii qarnigan 21th, Hasan sheikh muumin waxa lagu tilmaami karaa inuu ahaa Figta sare ee laanta geedka kaga taal marka loo barbar dhigo abwaanada kale ee wax-tiriya, Intaynan hore ugu galin murtidii iyo sugaantisii bal hal kudhigyadan yar yar ee Hasan sheikh muumin curiyay aan eegno si aan kugu sii qisho qofka aan ka hadlaayo qofka uu yahay !!
"DUNIDU MASKAX BAY MAGAN UTAHAY" "CAQLIGII WANAAGSANI ITAAL INUU KAROON YAHAY BAL EEGOO UFIIRSADDA" "DAB HADUU DHAXAMOODO MAXA LAGU DIIRIYA"  

Abwaan, mufeker, curiye riwayadeed iyo naqdiye dhaqan ayaa la'oran karaa inuu isku darsaday Hassan sheikh muumin taaso u suuro galisay ayaa la'orankara inuu ka duwanaado amaba uuna ka magac dheerado abawanada kale ee somaliyeed ee wax curiya ama alifa. Kaliya hadad daawato muuqalkiisa uu kaga hadlaayo dhaqanka soomalida iyo dhaqanka Bisada/ Yayuurta qofba siduu uqaan xirirka ka dhexeeya iyo siday isu shsbahaan waxa aad ogaaneysa heerka wax naqdin ee uu gaadhay Hasan sheikh muumin.

Bisada iyo Somalida.


Soyalkiisi nololeed

Hassan sheikh muumin waxa uu ku dhashtay magalada Saylac qiyaastii 1930, halkaas ayuu quraan kagalay iyo waxabarshadisii school, Hasan sheikh muumin waxa dhalay wadad sheikh ah Sheikh muumin waxa uuna kasoo jeeday qoys diineed, Hasan sheikh muumin waxa uu usoo wareegay mugdisho halkaas oo u kashaqo bilaabay Radio mugdisho oo lagu bartay, Hasan sheikh muumin waxa ay dadku sifiican ubarteen oo uu soo shacbaxay intii u dhaxeysay 1965-8, kadib markiii uu curiyay riwayadii aadka u shaac-baxday ee looyaqaan (Shabeel Nagood) riyadaas oo aad u qabsatay guud ahaan wadanka gadhayna heer ay  ka talaabto xududaha ilaa ay  gadhay in Af-ingiriisi loo turjumo.


Murtidii iyo dhaxalkii suganeed ee Hasan sheikh muumin

Hassan sheikh muumin waxa uu alifay amaba curiyay murti iyo sugaan aad utiro baddan oo aanan halkan kusoo kuubi kareen dhamantood, lakin waxaan isku dayay inan hal iyo labo kasoo qaato sugaantiisi cajiibka hayd. Riwayadihii uu curiyay Hasan sheikh muumin waxaan ka xusi karnaa (Hubsiimo Halbaa lasiista) (Garaa Bidhaan) (Shabeel Nagood) iyo (Ehelu Naarka dunida)

Dhanka sugaanta heesaha hadaan eegno waa badd lakin aan wuxuun ka taabano si aan u ogaano heerka ay gadhsiisneyd wax curintii Hasan sheikh muumin.

A) Ardday baan ahayoo arday baan ahayoo!! Mohamed mooge libaan.
  • ardaybaan ahayoo
  • ubixii wadankaan ahayo
  • waxan u ordayaa
  • dugsiyada u aadaa
  • inan aqoon korodhsado
  • dalkayga anfacee
  • dadaalkii la imade
  • alahayow ii gargaar
B) Caqligii Wanagsani itaal inuu karoon yahay bal eego ufiirsadda!! Hibo nuura.

  • Gorayadu ilmaheed
  • aroori bay dhigtaayoo
  • aboodigu ku laayaa,
  • shimbirtuna aroosay
  • ilaxidhoo ammaana bay
  • ubadkeeda seexisaa.
  • Kala awran labaduye
  • edebtiyo aqoontiyo
  • asluubtay isku dhaafeen.
  • Caqligii wanaagsani
  • itaal in uu ka roon yahay
  • bal eegoo u fiirsada.
C)  Macalinku Waa Maskaxdii Dunida oo Malasan!! Hasan aadan samatar 
  • macalinku waa
  • waa maskaxdii
  • dunidoo malaasan
  • mawjadaheeda
  • kala miirtay
  • ee macnaysay
  • maarkii qarsoona
  • waa misbaaxi
  • kaahiisu maanka
  • u maciinee
  • mugdigii ka maydhay
  • murtida dhuux
  • aqoontiisa baro
  • lagama maarme
  • ha moogaanin
  • taarikhda macalimiinyahay
 D) Marxab Marxab Yaa Rabadaan yaa marxababika yaa ramadaan!! Qasiido.

  •  Marxab marxab yaa Rabadaan 
  • Yaa marxababika yaa ramadaan 
  • Bishii magceedu bilaha umudnaa 
  • Macbuud ku aamanay yaa ramadaan 
  • Marxab marxab yaa Rabadaan 
  • Yaa marxababika yaa ramadaan 

Dhamaad.

Abwaan Hassan sheikh muumin waxa aan ku tilmaami karaa qof isaga oo kale ahi inuusan soo marin somaalida dhawanahan waxana igu dhaliyay inan qormadan ka qoro si aan loo ilaawin murtidiisi iyo sugaantisii taaso dhaxal ah uu uga tagay somalida waxana ku doodi karaa in Hasan sheikh muumin uu waxbadan afka somaliga kusoo kordhiayay qayb weyna uu ka ciyaaray horumarkiisa. Ilahy haunaxristo Hasan sheikh muumin 2008 ayuu ku geeriyoodey dalka Norway halkaas uu konaala wixii ka danbeyay burburkii kadib.

Comments

Popular posts from this blog

Sanad guuradii mamulka Galmudug 14-August

Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Sameyntii dagalkii qabooba ee African gar'ahaan Somalia iyo Congo DRC