Labo iskumida dhanka kalitalisnimada lakin kala dhaxal duwan Sheikh Hasina iyo maxamed Siyad Barre
Labadii kaligii talaye ee kala talada fiicnaa Sheikh Hasina reyslawasaraha Bangladesh iyo Mohammed Said Barre madaxweynihii hore ee Somaliya.
![]() |
Reysalwasaarihii Bangladesh oo si dhuumasho ah ugu baxsanaysa diyaarad military |
Malmihii ugu danbeyay taliskii maxamed siyad Barre iyo dhacdadii loyaqaan jimca madow (Balck Friday) 1989 iyo fursadii ugu danbeysay ee Somaliya lagu badbadin kari lahaa bayankii (Manifesto)
Mugdisho waxa kadhacay sanadkii 1989 dhacdo loo bixiyay jimcihii madooba(black Friday) shacabkii kunoola mugdisho iyo cimadada kofiyad cast ee ilalada khaaska ah ee madaxweyne Maxamed Siyad Barre iskuna qoys ahayeen ayaa iska hor-imaad ku dhexmaray magalada gar'ahaan masjidka sheikh cali suufi, hayadaha xuququl isanka wax ay shegeen qiyaastii 400 oo qof iney ku dhinteen dhacdadan halka 1000 ku dhawacmeen, isla dhowar malin kadib ayaa waxa dhacday xasuuqii looyaqanay (Jazeera genocide) oo cidmadii maxamed siyad Barre ay ku dileen 40 nin oo hayb ahaan loo soo xulay oo kasoo jeeday qabiilka isaaq. Isla-waqtigaas waxa sidokale mugdisho lagu dilay wadad talyaani ahaa oo kinisad kutaal mugdisho wadad ka ahaa oo Somaliya kunola ilaa iyo gumeystihii oo la odhan jirey Salvatore Colombo,
Bayaan ay siwad-jira usoo sareen odayashii usoo halgamay xuruyida Somaliya oo uu ugu weyna Adan abdule Osman ayaa maxamed siyad Barre loo diray oo lagu leyahay xilka banee oo wadanka bad-baadi oo xilka kuwareeji Cumar carte ama Xuseen Kulmiye Afrax, waxakale oo loo sojediyay sidookale inuu meesha kasaaro hayadaha uu usameystay inuu dadka ku caburiyo sidda NSS, Hangash, Dhabarjabinta, Maxkamada Bad-badada iyo Guul-wadayasha, nasiib daro maxamed siyaad Barre waa uu ku gacan sayray Taladan.
Magalda mugdisho kahor intii uusan kabaxsan maxamed siyad Barre oo wadanka 21 sano katalinayay ayaa markii uu wadanku uu godka kusii dhacayay waxa mugdisho yimid wariyayal calamiya oo uyimid iney tabiyaan xalada kala guurka ah ee Somaliya waqtigaas mareysay, wariyaashas waxakamid ahaa Aiden Hartley oo Reuters katirsana, Peter Bils oo katirsana Guardian, Neir Henry oo katirsanyad Washingtonpost, Jane perlez oo katirsana New-York Times, Ried Miller oo katirsana Associate press (AP) David Chazan oo katirsana AFP.
Warbixinooyinkii ay wariyashasi ka qorayeen somaliya hadad dib ugu noqoto iyo wixii ay Somaliya ka qorayeen waqtigaas waxa ay dib isoo xasuusiyeen dhacdada maanta ka dhacaday camasimadda Dhaka ee wadanka Bangladesh, mid kamida warbixinoyinkii maxamed siyad Barre lagaqorey oo ku sabsaneed sidii uu maxamed siyaad Barre uga baxsaday mugdisho 26 July 1991
"Hogaamiyihii hore ee Somaliya maxamed siyad Barre oo Somaliya katalinayay mudo 21 ayaa kabaxsaday magalada mugdisho iyo Villa Somalia isagoo kujira baburta dagaalka waxa uuna ubaxsaday magaladii uu ku dhashtay isagoo ay lasocdan wardiyayal ay isku rer yihiin oo ah Marexaan iyo wiilkii uu sodoga u ahaa ee General Morgan"
Sheikh Hassina iyo waxaan ugu yeeray jimcihii madooba black Friday,
Isbuuci lasoo dhafay ayaa waxa ka bilowday wadanka Bangladesh oo aan daganaahay banan baxyo ay ardaydu gadhwadeen ka ahayeen waxayna banan baxayshasi isu badaleen rabshado iyo qalalse, wadanka waxalagu soorogay bandow 6 malin ah oo internet-kii hawadda lagasaray, lixaas maalin inkabadan 300 oo shacabkii banan baxayay ayaa lagu dilay in lagu qiyaasay 1000 waa lagu dhawacay, dhowar malin kadib arintii hoos ayay udhacday lakin shalay ayay soo laba kaclaysay markale heer ay keentay in reysalwasaarihii wadanka uu xilka iska caliso wadanakana iskaga baxo, sheikh Hasina waxa ay ahayed gabadhii uu dhalay asasihii iyo abihii Bangladesh Sheikh Mujibur Rahman oo inqilaab xilka looga tuuray hadda kahor qoyskiisi oo dhana lalayay marka lagareebo labo gabdhood uu dhalay oo kabad badbaday oo midkamida ay tahay sheikh Hasina, wadanka wax foodo ah ama qalalse ah midna kama dhicin markii ay sheikh hasina wadanka kabaxaday talada wadanakna waxa la-wareegay ciidanka qaranak oo ku dhawaqay dowalad kumeel gar ah lakinse lama yaqaan iney ku dhamandoonto wadadii Sudan iyo in ay wadada cad cagta saridoonan.
Dhamaad.
Sheikh Hasina marka dhan laga fiiriyo waxa la'oran kara iney ahyd muwadin dhaba inkastoo ay ahayd kaligeed taliso manaxaan ah, Lakin taladii Seegtay maxamed siyad Barre ee ay usoo jediyeen ururkii manifesto ayay qadatay wadankeedina gacanteeda kuma uusan burburin, halka maxamed siyad waxkastau inta uu diiday markii mugdisho laga saaray uu dib isu soo ababulay isagoo wata ciidamo uu qabiil kusoo ururiyay dib isugu soodayay inuu mugdisho qabsado 1992, dagaalkii (Xadka iyo Xawaraha)
Comments