Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Geedigii la dagalanka argagixisada ee somaliya Somali flag Hordhac . Qormadan waxa ay qiimeynesa soo bixii argagixisadii iyo sameyntii ay Somaliya ku yeesheen siyaasadda ahaan iyo amni ahaan-ba, sidokale waxa ay qormadani dul istaagi doonta sameyntii ay Ethiopia iyo erteria ay ku lahayeen Somaliya iyadoo aad loogu tunsana in erteria ay xirir kala dhexeyay ururkii maxkamadaha islamiga ee fadhigoodu ahaa mugdisho, Somaliya sanadkii 2001-5 waxa aad looga cabsi qabay Somaliya iney isu badasho Xarun ama gabaad ay argagixisada calamiga ah ay ku dhumaleystaan kadib markii mareykanka uu Afghanistan uu ku duulay 2001 uuna meesha kasaray oo jabiyay ururkii Taliban ee looga shakiga qabay inuu al Qaeda uu xirir la lahaa kuna badalay dawaladii Hamid Karzia uu madaxweynaha ka ahaa. Dawlada mareykanka waxa ay aad uga walacsaneyd in baxsadkii iyo firidhkii hogamiyayashii al Qaeda sida osma binu laden iyo Ayman Al-zawahri oo uu mareykanku Afghanistan ku soo jabiyay ay gabaad iyo hoy c...