Buuga " Tariikhda afrikanka ee afrikanka" By Zainab badawi
Orahdayda ku aadan Buugan (AN AFRICAN HISTORY OF AFRICAN) marka Af-Somali loo turjumana noqoneysa "Tariikhda African-ka" oo Bisha soosocota ee April ee sanadkan 2024 soo baxaya insha alah.
Gogal Dhig Yar ku Sabsan Qoraayada Buugan.
Buugan (AN AFRICAN HISTORY OF AFRICAN) waxa qortay wariyaha weyn ee Sudanese-British ee Zainab Badawi, waxa ay hore uga soo shaqeysay warbahinta ugu waaweyn ee rer galbeedka gar'aan UK, sida ITV, Channel 4 iyo BBC oo hadda joogto, Waxa ayna shahadad tariikhda "History study" ka qadatay Oxford university, zainab badawi waxa ay mudoyinkii danbe ku hawlaneyd tariikhdii Africa iyadoo "weekly program" barnaamij isbuucle ah oo ka-siidayn jirtay BBC, ka soo ku sabsanaa tariikhdii qadimiga ah ee Africa laga-soo bilaabo "prehistory" tariikhda-kahor. Waxaana ka cawiyay hayadda qaramada midoobe ee (UNESCO) oo ugu deeqaday Zainab badawi xogtii iyo maclumadkii ay UNESCO 1962 ilaa 1970 ay Africa ka kaydisay iyadoo ugu magac-dartay (General History Of African) UNESCO waxa ay uxilsartay aqoonyanadii waqtigaas ee Africa iney tariikhdooda dayacantay ay wax ka soo qoraan si loodiwaan galiyo oo loo-keydiyo waana waqtii Africa badideed xorimada ka qateen gumeystihii rer Europe, waxa xusid mudan waqtigaas mutacalimiintii Africa waxa Somaliya ugu jirey oo UNESCO la-shaqeynayay Prof. Hussein Adden Tanzania oo ahaa abihii iyo as-asihii (Somali study Congress) markii danbe.
Iftiimin Si-guud tariikhda.
culimada tariikhda gar'ahaan kuwa rer galbeedka waxa ay tariikhda gud-ahaan ukala qaybiyaan 5 xili tariikheed (Five Terminological Periods of History) oo kala ah (1) pre-history period (2) ancient period (3) medieval period (4) modern period (5) contemporary period. Xilli tariikheed yadan midkasta xogteeda iyo macluumadkeeda iyadoo si-cilmiyaysan ayaa aad kaheleysa meel-walba oo aqoon lagu barto waxaana la'odhan karaa waxa surta galiyay ayaa ah dawladaha rer galbeedka ah iyo dadkooda aqoonyahnka ah, waxa runtii aad xiiso uleh in maanta dunida ay waxka qoreyso ama cilmi-baadhisyo laga sameenayo 5 million oo sano kahor (5 million years ago in pre-history period) iyadoo la-isticmaalayo cilmiyada kala ah Archeology iyo Anthropology.
Mishkiladaha dhanka tariikhda ee Africa kaheysata ee keentay coladaha iyo masiiboyinka u horseeday horumar la,aanta dadka African-ka.
Sida aan wada ognahay tariikhda Africa inta baddan waa adagtahay in wax laga ogaado wixii ka horeyay gumeystihii (pre-colonial history of Africa) sababtuna waxa ay tahay tariikhda oo aan la-kaydin amaba aan wax badan laga qorin taaso keentay inan waxaba laga xasuusan tariikhdii wixii kahoreyay gumeystihii rer Europe, waxaase nasiib daro aad uweyn ah inan dadka iyo qarada Africa ee mishkilada ka-haysato dhanka tariikhdooda ay yihiin (ASALKA BIL-ADANKU UU KASOO JEEDO EE TARIIKHDU KA BILAABANTAY) culimadda Archeology, Anthropology iyo History waxa ay qarnigii dhamaday ee 20th ay soo gaba-gabeyeen dood mudo soconeysay oo ku sabsaneyd meesha asal ahaan BIL-ADANKU kasoo jeedo, Waxa ayna noqotay Africa meesha BIL-ADANKU kasoo jeedo. Cajiib!
Coladaha, horumar la,aanta iyo dawlad xumida meelo badan oo africa kajira waxa asal u ah mushkilada dhanka tariikhda ka haysta dadka Africa-ka ah. Waxa aan dhalinyarada jamiciyiinta iyo qofkasta ku bararujinyaa inuu buugan akhristo si uu uga baxo Walahowga dhanka tariikhdiisa ka-haysta.
Gunaanad
Wangari mathaai oo ahyd Kenya oo ku guleystay abaal-marinta (nopal peace prize) waxa ay tidhi!👇
"Ma adoonsan kartid caqli kaaso isyaqaan ama isgaraneya, oo is-qiimeynaya naftiisa, oo is-fahmeya naftiisa"
Wangari mathaai said whom was Kenyan nopal peace prize winner!👇
"YOU CANNOT ENSLAVE A MIND THAT KNOWS ITSELF THAT VALUE ITSELF THAT UNDERSTANDS ITSELF"
Comments