Xusus siyasadedkii somalida "Political memory of Somalia"
Qaybta: 1aad
Curashadii
ururka syl 1.1
Fikrad kasta oo lagu hormaro
waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu asaasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo
hawlwadeen ka ahaa Allaha u naxariiste Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke oo
mudan in si gaar ah loo xuso,
Yaasiin wuxuu ahaa nin fiiro dheer oo aqoon
yahan lagu tilmaami karo inkastoo uusan dhigan dugsi rasmi ah, wuxuu ahaa nin leh
wacyi iyo maskax siyaasadeed iyadoo aan waqtigaas dadku u bislayn siyaasadda yaasiin
wuxuu si fiican u yiqiin afka Talyaaniga, wuxuu kaloo yiqiin afafka Carabiga
iyo Ingiriiska, dadaalka Yaasiin ka sokoow curashada fikradda waxaa saaciday
arrimo dhawr ah ooy ka mid ahaayeen:
Waqtigii la unkay xisbiga
wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga
Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey
Fashiistadii Talyaaniga, Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida
ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato
xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba, xukun-kaas markuu dhacayna
waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo
waa cusub.
Waxaa waagaas dalalka “Aasiya
iyo Afrika” ka jirtay naacoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray
Soomaaliya,waxaa waagaas magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka
tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa
dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay
cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku
kulmaan. Yaasiin wuxuu saaxiib la ahaa qaar ka mid ah nimankaas, ooy is
dhaafsan jireey fikradaha.
Yaasiin wuxuu bilaabay inuu
fikradda gobanima-doonka la qaybsado bulshada,wuxuu si gaar ah u abbaaray
dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin. Waxaa dadkaas ka mid ahaa garaaniyaasha
dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm.
Maalin maalmaha ka mid
ah,ayuuYaasiin shir ugu qabtay gurigiisa dhalinayaro7 ama 8 lagu qiyaaso,wuxuu
usoo jeediyey talo ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed.
Wuxuu
ku wargeliyay Yaasin dhalinyaradii in afarta dawladood ee waaweeyn oo xulufada
ah kuna guuleystay dagaalkii labaad
,
·
Amerika
·
Ingiriiska
·
Ruusha
·
Faransiiku
Ay ka tashanayaan aayaha dalalkii Talyaanigu
gumeeysan jirey oo hadda gacantiisa ka wareegay. Dalalkaasi waxay ahaayeen
Soomaaliya, Eritrea iyo Libiya, wuxuu dhalinayardii ku guubaabiyay iney fadhiga
ka kacaan oo ay dhisaan urur ka tarjuma danaha bulshada Soomaaliyed oo ah
gobanimo iyo horumar, wuxuu sidokale Yaasin uu dhalinyardii ka codsaday in qof
waliba uu casumo qof uu ku kalsoon yahay oo ka mid noqda asaasayaasha ururka.
Waxaan bilaabnay dhaqdhaqaaq, nin waliba wuxuu
la xiriiray qofkuu yiqiin una ku kalsoonaa, inata laga xausto Dahir waxa uu casumay
Cabdulqaadir Sakhaawuddiin oo ay saxiibo ahayeen, Allaha u naxariistee. Xaaji
Maxamad Xuseenna wuxuu casumay Dheere Xaaji Dheere, labadoodaba Allaha u
naxariisto.
Muddo bilo ah gudohood ayay
dhalinyaradii isku uruursadeen 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan
xisbiga, una babacdhigaan halganka gobanimadoonka,
Dhismihii
xisbiga 1.2
Sidaan qeybtii hore ku
xusay, waxey dhalinyardii isku heleen 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay
noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL. Haddaba, magacyadii dhallinyaradaasi waa
kuwaan.
1. Yaasiin Xaaji Cismaan
2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin
3. Maxamad Cismaan Baarbe
4. Maxamad Faarax Hilowle
5. Sayidiin Xirsi Nuur
6. Maxamad Cali Nuur
7. Daahir Xaaji Cismaan
8. Xaaji Maxamad Xuseen
9. Khaliif Huudow Macallin
·
Cismaan
Geedi Raage
·
Dheere
Xaaji Dheere
·
Maxamad
Cabdalla Xayeesi
·
Cali
Xasan Maxamad “Verdura
Ugu horreeyntii, waxay
dhalinayradii qol ay ku shiraan ka kiraysteen waddada “via Roma” ee Muqdisho. Shirar
iyo tabaabusho ka bacdi,waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi
lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga, habeenkii taariikhdu ahaymd 15ka Maajo
1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan soo hordhigay dhalinayardii barnaamijkii
Xibiga oo ka kooban 13 qodob.
Qodobadaas waxaa ka mid ahaa
intaan inata muhiimka ah,
·
In loo halgamo, lana
xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
·
In shanta Soomaaliyeed
la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
·
In xoog la saaro
tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la
aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed.
·
In af Soomaaliga la qoro
oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay
mid waddani ah.
·
In shacabka lagu
baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
·
In la tirtiro
caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga,
iskala takoorka iwm.
Kuwaas ayey ahaayeen
qodobadii ugu muhimsanaa, qodobada haray waxay badi ku saabsanaayeen
xeer-hoosaadka iyo maamulka xisbiga, qodobada dhammaan waa la isku wada waafaqay,
Yaasiin wuxuu kaloo soo jeediyey in la
doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye-xigeen.
Wuxuu ku taliyey in labadaas
jago aan loo magacaabin xubno ka soo jeeda qabaa’ilka waaweeyn si looga hortago
tartan iyo awood-sheegasho qabiil oo mustaqbalka wiiqda xisbiga, halgankana
curyaamisa, Iyadoo taladaas la tixgalinayo waxaa la doortyay labadaan mudane:
·
Cabdulqaadir Shiikh
Sakhaawodiin – Guddoomiye
·
Xaaji Maxamad Xuseen –
Guddoomiye-xigeen
Yaasiin Xaaji Cismaan isaga qudhiisa waxaa loo doortay xoghaye
guud, waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada
siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo, Sidaas daradeed waxaa xisbiga
loo bixiyey magaca ah “Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada
Soomaaliyeed, waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga
inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga
gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa.
Subaxdii 15 Maajo 1943 waxaa
sharaf ahayd iney tagaan xafiiskii
Dhiinsiga Ingiriiska iyagoo wata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada
naadiga,codsiga waxaa u qadimay Dhiinsiga mudane Cabdulqadir Shiikh
Sakhaawodiin oo ah guddomiyaha xisbiga.
Dhiinsigii Ingiriisku markuu
akhristay codsiga wuxu yiri, waa idiin oggolaaday inaad Naadiga furataan, waayo
annagu waxaan nahay dawlad dimuqaraadi ah, waxaanse idiinkaga digayaa inaad
sameeysaan haba yaraatee wax allaale iyo wixii dhibaato u keeni kara amniga iyo
xasillonida dalka iyadoo hadda lagu jiro xilli dagaal oo xasaasi ah”
dhalinyaradii waxa aydhaheen hawraarsan.
Alle Mahaddii ayay yidhah-deen
dhalinyardii markii loo diiwaangeliyey
xisbiga. Isla markiiba wax ay ku
dhaqaaqeen hawshii baaxadda weeyneyd ee sugeeysay. Waxay afar qol ka
kireeysteen daar u dhow Afarirdoodkii Xamar, afartaas qol waxay u adeegsadeeen fasallo lagu barto farta Soomaaliga, Afka
Carabiga iyo Ingiriiska.
Waxay dhalinayradii qorateen
macalin Sudaani ah oo duruusta Carabiga iyo Ingiriiska bixiya. Waxay kaloo
qolalkaas u isticmaali jireen xarunta Xisbiga iyo makhaayad shaah iyo Kafee oo
lacag jaban lagaga gado xubnaha xisbiga iyo weliba meel lagu dhageeysto
Raadiyaha, laguna akhristo jaraa’idka si loola socdo akhbaarta adduunka.
Waxaan kaloo qaadnay
tillaabooyin ku aadan nidaamka iyo maamulka xisbiga,waxaa la hirgeliyey calanka
iyo astaanta xisbiga, waxaa kaloo la daabacay kaaraka xubinimada (membership
card) iyo qorallo qeexaya mabaadii’da Xisbiga.
Waxaa xubnaha lagu qoray
tabarucaad joogto ah si loo daboolo kharashka maamulka. Dadka shaqeeya,waxay ku
qoreen iney bixiyaan 20% mushaharkooda,habeenka axadda waxaa loogu talagalay in
la baraarujiyo xubnaha iyo dadweeynaha iyo in lala qaybsado wixii war ahoo
cusub iyo qorshe ah ee soo aadan.
Magac badelidii xisbiga syc-syl 1.3
Bishii Maajo 1947 ayaa
waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo
awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:
Xisbiga oo xidideeystey oo
shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin.
Damaca gumeeystayaasha,
Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo
Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii,axsaab Soomaali ah
oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga
laga horkeenay.
Galab ayaa Xisbigu qabtay
shir lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas khudbad ka jeediyey,
isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in
Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi siyaasi ah, oo
dagaal ba’an kula jira gumeeysiga.
Ayaamo ka dib amar Ilaahay
waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan xanuun loo maleyay
inuu ahaa Duumo (malaria) Yaasiin wuu dardaarmay ka dib markuu dareemay in
jirradiisu tahay mid halis ah,
Wuxuu ka dardaarmay in jaga
Xoghayaha Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax ka aha
faraca Xisbiga ee Beledweyne,ayna wada shaqeeyn jireen. Rag dhawar ah oo
katirsan syl ayaa tagay Beledweeyne oo Cabdullaahi u soo raacay Xamar. Cabdullahi
wuxuu la kulmay Yaasiin,wuuna aqbalay taladiisii, maalmo ka dib Yaasiin wuu
geriyooday Allaha u naxariistee, waxana gudoomiye noqday suu dardaranku aha
C/laahi Ciise Maxamuud,
Cabdullaahi Ciise allaha u
naxariistee meeshii ayuu hawshii ka sii waday, wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo
Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad ah Soomaalinimo wuxuuna guulo ka soo
hoyey gudahaba iyo dibeddaba Cabdullaahi wuxuu noqday Raiisulwasaarihii ugu
horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii 1956.
Dhagaxtuur iyo dhimashadii xawo tako 1.4
bishii Juun 1946 uu Wasiir
Dibadeedka Dawladda Ingriisku, mudane Bevin soo jeediyey in gayiga
Soomaaliyeed oo idil, oo Jabuuti maahee inta kale Ingriisku gacanta ku hayey,
la isu geeyo hal maamul oo Ingiriiska hoos yimaada, Qaramada Midobayna kor ka
ilaaliyaan loo dhiibo.
Waxaa qorshaha Ingiriiska ka
soo horjeestay Ruuushka iyo Maraykanka, leegadu aad ayey ugu riyaaqday hindisahaas
oo waafaqsanaa himilada iyo bartilmaameedka siyaasadeed ee leegada. Dhanka kale
Talyaaniga oo ka ficil qaadanaya hindisaha Ingiriiska damacweeyna ka qabay
Soomaaliya ayaa dardar cusub gelieyey dadaalkuu ugu jirey inuu carriga Soomaaliya
mar kale gacanta ku dhigo,
Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948
dhammaadkii 1947, ayaa waxaa nalaku wargeliey inuu magaalada Xamar imaanayo
Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo
Ruushka) “Four Power Commission”. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis
iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka
Soomaaliyeed .
Intaan guddigu imaan,
Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee
gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula dhigo
mawqifka Leegada ee ku aadan Guddigaas. Wadatashi iyo dood dheer ka dib,
Leegadu waxay go’aansatay in la codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan
Afarta Quwadood. Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah:
Inaan marnaba la aqbali
karin in la soo celiyo Talyaaniga oo la ogyahay maamulxumadiisa iyo waliba
dhibaatda uu u geeystay ummadda Soomaaliyeed.
Inkastoo Ingiriisku ku
dhawaaqay inuu Soomaalida oo idil meel isugu keenayo, loona riyaaqay oraahdaas
haddana waxaa la istusay inaan la aamini Karin Ingiriiska. Leegadu waxay
Ingiriiska u aragtay Dawlad weeyn oo mustacmir ah oo aan la iska kicin Karin
mar hadday kugu habsato.
Guddugii wuxuu yimid Xamar
6dii Jannaayo 1948, waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro
Guddiga hortiisa oo ah halka Hotel Curuuba hadda ka dhisan yahay, wagaasna ahayd
xarunta Guddoomiya Ingiriiska, waxaa buuq, sawaxan iyo dhoolatus isku daray
axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyey oo meel kasta la maray
calamo Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya Talyaani, Talyaani.
Leegadu waxay codsatay in
maalin gaar ah la siiyo ooy cududooda muujiyaan, waxaan ay kaw warheleen
xubnihii “SYL” in la rabo in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska
Leegada. Leegadu markay darastay xaaladda, waxay go’aansatay in haddii la
carqaladeeyo ay weerar ku qaado oo abbaarto Talyaaniga oo ah kan soo diraya
kooxaha Soomaaliyeed,
Subaxdii 11 Jannnayo 1948,
naadiga waxay ku reebneen 5 dhalin yaro
horseed ah iyo qaar dumar ah. Intii kale waxay abaabuleen bannaabaxii, iyagoo ku
gudajira hawshii, waxaa soo gaartay qaylodhaamo in la soo weeraray Naadiga ooy
soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu soo diray, ka dib wey isqeybiyeen
qaar waxay u dirneen Naadiga inay difaacaan, intii kale waxay weerar ku qaadeen
Talyaaniga, halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah, waxaana lagu dhaawacay 55,
Dhanka somalida waxaa la dilay
Xaawo Cismaan (Xaawo Taako) waxaa leegada gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee
Ingiriiska u shaqeeynayey oo hoos Leego ka ahaa, naadigu wuxuu ku yiil ka soo
horjeedka meesha laga dhisay taallada Xaawo taako.
Xaawo Cismaan Xaawo Taako
Dhacdadii dhagaxtuur bishii
Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay,
Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu
gumeeysan jirey ooy Soomaaliya ka mid ahayd.
Leegadu waxay New York u
dirtay Mudane Cabdullahi Ciise si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta
Quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo
10 sano ah iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani,waxaa xusid mudan in
kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday
dahabkoodii,
Intii aanu dhoofin ra’iisalwasare C/laahi Isse maxamuud waxa dhacday qisadan, R\wasaare
c\laahi ciise intii aanu wadanka kadhoofin waxaa la damcey in talaal sun ah
lagu dhufto laakiin markii xog la heley waxaa bedelkiisii galey wadani ay isku
eekaayeen waxa muwadaankaas layiraahada magaciisa maxamed yusuf muure oo isugu
ku tala galey in isaga dhinto intii uu dhiman lahaa masuulkaas oo waqtigaa
shaqo badan u taalo, mudane maxamuud yusuf muure amar alle ma uusan dhiman
balse caafimaad kiisii ayey irbadii wax u dhintey oo wuxuu noqdey nin aan
dhalin, bal isu eeg heerka maalintaas iyo manta faraqa u dhexeya, ogow dalku
weli muwaadin waa u baahan yahey xaaladuna meeshii waa ka xun tahey,
Maxamud
yusuf muure
Bishii Oktoobar horrankeedii
waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga.
5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey
goobta loo yaqaan Dhagaxtuur.
Ingiriiska wuxuu soo diray
askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku
kala dareeraan. Haseyeeshee lagama yeelin balse waxaa loogu jawaabay dhagax
lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey, Waa sababta goobtaas loogu baxshay
Dhagaxtuur.
Askartii waxay dadkii ku
fureen xabbado, waxaa halkaas ku dhintay laba qof swaxaana ku dhaawacmay 50. afar
booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.
Ingiriisku intaas kuma ekaan
ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda Leegada. Daahir , Mohamud
Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.
Sonoqoshadii mamulkii talyaniga 1949 1.5
21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay
soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10
sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii
Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, maamulkaas
oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal Masar,
Filibiin iyo Kolumbiya oo wakiil ka ah Qaramada
Midoobay ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.
Ka dib markuu soo noqday
Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto. Wuxuu isku dayey inuu
kala qaybiyo Soomaalida kala gado qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho abuuro
axsaab uu ku adeegto Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu
dheereeysto muddada isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto qorshahas waxaa
si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey.
Waxaan jeclahay inaan inala yar
wadaago sheeko yar oo dhexmartay daahir oo katirsanaa ururka iyo Xubintii Filibiin
ee Qaramada Midoobay. Waxay uruku dareemen in wakiilka Filibiin uu u nugul
yahay Leegada, daahir oo af Ingiriiska xoogaa ku fiicnaa ayaay Leegadu udirtay
inuu xirir hoosaad la sameeyo wakiilka filibiin wakiilkii waa ay isbarteen
daahir, aad ayuu wakiilku u taageeray ururka isagoo siin jiray xog iyo akhbaar
muhim ah.
Waxayse ugu darnayd daahir
suu sheeg maalintii uu wakiilki filiban yiri ma iisiin kartaa billawihii aad ku
disheen talyaanig, aad ayuu uganaxay daahir, daahir oo argagaxsan ayaan ku yiri
wakiilkii wax qalab ah oo aan hayno ma jiro,runtii waxay ahad arin aad u adag
daahir iyo leegadu waxa ay umaleeyen in wakiilkaas laftigiisa uu wadankiisu
kujiray halgan xornimo doon ah,
Waxaa dhacday in Talyaanigu
xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952. Leegadu
waxay sameeysey mudaharaad. Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah, leegadu
waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay doroshooyinkii dawladaha
Hoose ee 1954.
Markaas ayaa Talyaanigu quustay
oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada,
waxaa farxad iyo raynrayn ahayd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka
Soomaaliyeed, Calankaas farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u
naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda Leegada.
qaybta 2aad
(Haud
and reseve area iyo nfd)
Bixintii
ingiriiskahaud and reserve area
5 January 1955kii ayay dawlada ingiriiska London
kaga dhawaqday war murugo leh kuna
saabsan heshiis “agreement” bishii November 1954 la gashay dawaladda Ethiopia
oo ay kuwarejisay “Haud and Reserve Area”
laga bilaabo 28 February 1955
dawaladda ingiriiska waxay heshiiskas u cuskatay “mucahado” labadda dawladood
ingiriiska iyo Ethiopia dhex’maray dabayaqadii qarnigii 19aad 1898,
Dhawaaqi lama filaanka ahaa ee kasoo yedhay
dawaladda ingiriiska amankaag iyo jahwarer ay kuriday dadkii somaliyeed mudo
haraad balaadhan ayaa laga abaabulay dalka oo dhan rag iyo haween yar iyo weyn
weer cad ayaa madaxa laguwadda xidhay, madaxadii dalka oo dhan hargiesa ayay
isugu yimadeen waxa la,go’aan saday in la-asaso jabhad aan hubeysanen oo
mushtamaca Somaliland mideysa kana hortagta masiibadii dalka lasoo daristay
waxaana jabhadaas lagu magacabay NATIONAL
UNITED FRONT (NUF) qarnigii 19 dabayaqadiisi 1884-86 dawladda
ingiriiska waxa ay qaba’ilka Somaliland lagashay heshiisyo “agreements” ay ku
balan qadeyso in ay ilaaliso iyaga iyo deeganadoodaba, shacbiga Somaliland waxa
ay dawladda ingiriiska ku edeyeen in ay heshiisyadaas ku balan furtay, waxa la
go’aamiyay in dawaladda ingiriiska loo diro wafti ka codsadda in ay ballan
furkaas ka noqodaan,
Waftigaasi waxa uu ka koobna,
I.
Michael mariano
II.
Gudomiye dubbe cali yare
III.
Suldaan abdulahi suldaan diriye
IV.
Suldaan abdirahman suldan diirirye
Gidigood alle’haunaxristee, weftigaasu markii uu
London gaadhay waxa lagu dajiyay hotel can ah oo kuyaaala magaladda badhtankeda
laguna magacaabo Cumberland hotel waftigii qareeno “layers” ingiriisi ah ayey
qabsadeen, dood ba’an oo circa isku sharertay ayaa arintii weftigu la socday ka
aloosantay aqalka hoose ee barlamaanka ingiriiska (HOUSE OF COMMONS)
Marlabaad waxa lago’aansaday in uu waftigu u safro
magaalada new-york si-arinta loo hor geeyo qaramadda midoobe waxa waftiga kusoo
biray suldaan bixii fooley oo ahaa somali, hase yeehse qaramadda midoobe
waalagu soo hungobey waxana lagala kulmay waji gabax,
Dagaalkii
anglo Ethiopia iyo Italy
Haud and reserve area oo ay dagan yihiin beelaha Somaliland iyo beelaha ogeden qaar kamid ah, siiba rer isxaaq dawaladda ingiriiska ayaa gacanta kuhaysay kadib markii dawaladda talyaaniga dib looga qabsaday dalka Ethiopia 1941dii, sida lawadda ogayahay xukuumahadii talyaaniga ee Mussolini ayaa Ethiopia ku duulay 1935tii oo qabsatay oo muddo shan sanadodna haysatay, boqor xayle Selassie mudadaas wuxuu deganaa dalka ingiriiiska magaladda xeebta ah ee path
Xayle
Salassie iyo haud and reseve area
30kii april 1960kii wafti uu hogaaminayay maxamed
xaaji ibraahim igaal oo ka koobna isaga iyo sadix wasiir oo kala ahaa Cali
garaad jamaac Axmed xaaji duale iyo
xaaji ibraahim nuuur ayaa London usafaray, weftigu wuxuu usocday in uu
dalwaladda ingiriiska ka codsado madaxbananida Somaliland ka hor 1dii july 1960
kii si tariikhdas ay Somaliland ay ula-midowdo somaliya, 5tii may 1960 ayaa
shir labo geesod ah lagu qabatay xafiiskii wasiirkii mustacmaradka, mr Ian
macleod waxaana lagu heshiyay madaxnbananida Somaliland laga bilaabo 26kii june
1960kii, Harlod mcmilan reysal-wasarihii ingiriiska ayaa barlamankiii hortisa
kashegay in wefti Somaliland ay London joogan, wuxuu weftigu dawladda
ingiriiska kacodsaday in aynu madaxbananida u ogolaano ka hor 1da july, anagu
hadanu nahay dawaladda ingiriiska
arinkaas waxba kama qabno lakin anagu mab-da a ah somaliweyn Pansmalism mataagereno,
19kii may 1960kii maxamed haji ibarahim igal iyo
sadixdii wasiir iyo ahmed mahamed qaybe oo London kasoracay ay uso abambaxeen
adisabab Ethiopia ujeedada safarkani waxa uu ahaa in boqorka xayle salassie in
lag codsado soo celinta “haud and reserve area” borkii qasrigiisi ayuu waftigii
kuqabilay, dhinaca midigtiisa waxa fadhiyay reysal wasarihii ato akilo hapte
walde, iyo dhowr wasiir uu kamid ahaa wasiirki arimaha gudaha uu boqorku sodog
u ahaa dhinaca bidixdda waxa fadhiyay danjire qaybe iyo wasiiradii Somaliland,
labada geesod waxa turjumaan ahaan ufadhiyay oo boqorka kasoo horjeday C/rahman
sayid maxamed cabdile xasan wasiir kuxigeenki arimaha gudaha ee Ethiopia shirka
waxa kaloo fadhiyay xaaji farax xayd, xaaji faarax khaalid,
Sodhaweyntii boqorku sodhaweyay kadib, waxa hadalkii
qatay Maxamed haji Ibrahim igal wuxuu hadlkiisi kufuray amaan balaadhan uu
boqorku amaanay waxa uu isla markaas boqorka kacodsaday in uu indho naxariisleh
ku eego baahida ay qabailka somaliyeed
uqaban (haud and reserve area) sadixdii kale ee wasiir hadalkii ay iska
dabaqateen oo hadalkii Igaal ayay sii xojiyeen, dhinaca Ethiopia waxa uun
hadlay boqorka xalyle salassie wuxuna yidhi somalidu waa qomiyad katirsan
qowmiyadaha Ethiopia lakin uu isticmarkii dufsaday wuxu yidhi tusaale ahaan
xoghayihiina isaga oo farta ku fiiqay qaybe hadii uu galabta uu adisababa uu
dhexlugeeyo lagama garan karo dadka ethioian-ka,
Boqorku waxa
uu xusey oo halayeeyo Ethiopian ah kusheegay Sayid Mohamed abdulahi hasan,
cumar samatar iyo xaaji farax xayd, wuxuu boqorku intaas raciyay Haud and
reserve area idinka iyo xoolihiinu waad ku nolankartaan oo hashiinu ilaa
adisabab ayay daaqi kartaa waase dal Ethiopia katirsan gorgortana kama furna,
Boqorjku waxa uu kadalay Eritrea oo ay dawlada
talyaanigu gumeysanjirtay balse Ethiopia lamidawday 1952kii, waxa uu kudheraday
masharuucyadii uu ka fuliyay isaga oo kharirada eritrea farta ku fiiqaya,
Boqorku wuxuu nosojediyay in marka hore Somaliland iyo Ethiopia midooban
dabadedna ay somali weyn raadiyaan taas oo uu kushegay “our province banadir”
wasiiradii Somaliland hadalkoodi hore uun bey ku celiyeen halkaas markey
mareysay ayaa boqrku usojediyay in odayaal ogaden ah ay sugayaan boqorka marka
ay iska sii nastaan inta boqorku markale isusoolabanyaan haseyeeshe nasashadii
kadib waxa loo shegay waftigii somamliland in uu dhmaday shirkii,
Subaxdii danbe wargeska the “Ethiopian herald” ayaa
dabacay war kooban oo sheegaya boqorka oo qabiley afar mas’uul oo Somaliland
kayimid iyo karanigoodi “Four officials and their clerk” warkaas koban waxa ku
dul dabaacna arji dheer oo loo nisbeyay odayaal ogaden ah, kuwaas oo boqorka
kacodsaday in uu dadkooda iyo dalkooda uu uga badbaadiyo nimanka hororka ah ee
Somaliland kaso duulay, waxa ay ahayd arin lagasii shaqeyay kahor inata aan
weftiga Somaliland u dulin adisababa,
Intii aanu waftiga adisabab kalaaban aya Maxamed
Ibrahim igaal lakulamay safiirkii sudan ufadhiyay Ethiopia Jamal maxamed ahmed,
wuxu u usheegay war uu ka helay ilo looga qaateen ah siduu yidhi oo odhanaya in
ay Ethiopia isu diyaarinaysay werer ay Somaliland kuqabsato marka ingiriisku
kabaxo,
Igaal markii uu hargiesa kusolabtay ayuu dawladda
ingiriiska uqoray fariin ku sabsan arintan, naxdinta leh dawaladda ingiriisku
waxa ay kusoo jawaabatay in aysan dhicikareen iney Ethiopia kuso duusho Somaliland
isla markaana ay qabsato, iyadoo radkayagii qoyanayahy in laqabsado Somaliland
ma’aqbalayn.
Xusbiyadii
Somaliland protectarete
Tan iyo 1884 markii gumeystayashi yurub qaybsadeen
qaarada Africa halganada xoreynata ee isdaba jooga kuwo aan marna damin ayay
ahaayeen;
Qababka ayaa isbadelayaye qasdigu mid ayuu ahaa
madaxbanani qaran; maxmayadii Somaliland qaramadii hanqalka lakacay ayay kamid
ahayd.
Inaga oo soo kobeyna halgankii hubeysanaa ee sayid
Mohamed hasan waxa xigay dhadhqaaqyo siyaasaded ee maxamiyadii Somaliland
kahano qaday soddoneeyadii qarnigii 20d
Dhaqdhqaqyadaas oo ahaa laba nooc qaar qa’baila iyo
qaar madaniya oo ururo bulsho ku ururaya, qaybtas madniga waxa kasoodhex baxay
ururkii somali national society ee 1945 lagaga dhawaqay burco, afsomali waxuu
kunoqonayaa bulshadda somaliyeed ee wadaniga ah, waxana loosogabin jiray sns,
Sida aan xogta kuhelay ama waayihii barigaa ogaa snc
waxa ay kukoobneyd ururinta bulshada somaliyeed kahortaga qabyaladda iyo
gubabinta dadweynaha,
SOMALI NATIONAL LEAGUE SNL wuxuu ahaa xisbigii
siyaasiga ee horseedka unoqday halgangii maxmiyadii Somaliland protectrate,
Shacbiga intiisa badan waxay xisbiga waxa ay
uyaqaneen snl sidaana waalagu dhawaaqi jiray afka carabigaa waxa looyanay
raabidadda;
Snl waxa ay ahayd xarako wadaniya gumeysi diid ah
oon kamid ahayd dhaqdhaqaqyadii gobonimo doonkii ahaa ee kasocday Africa,
Snl oo kasoo xuub siibatay sns-tii waxalagaga
dhawaaqay shirweyne lagu qabtay burco 1951, abaabul siyasaded ayaa markale
istiqaaday oo ay umadu kuhilineysay amaba qaad cusub oo siyaasaded oo lagu
xaqiijinayay madaxbananida Somaliland,
shirweynayaashi snl aynu laba ka sooqadano’
A. Shirwyniihi
1aad ee snl oo lagu qabtay burco 1951 waxa lagu ogoladay sugantida asasiga ee
xisbiga waxana hogaanka loodortay
a. Sheikh
jamac warsame gudoomiye
b. Maxamuud
jamac uurdoox xoghayah guud
B. shirweyne kale waxalagu qabtay burco juun 1957
dib u’eegista sugananta xisbiga kusugnanta xisbiga kasakow waxalagu doortay
i.
Xaaji cumar faarax askar gudoomiye
ii.
Mohamed haji Ibrahim igal xoghaya guud
Ujeedoyinkii snl
Xusbiga snl sidii dhaqanka xisbiyadii lamidka ahaa
ay ahayeen wuxu lahaa barnaamij siyaasiya iyo dastuur uu ku kala waday
hawshiisa,
Ujeedoyinkii xisbiga waa ugu mudnaa
·
Ladagalinkii qabyalada iyo cuduradii
ijtimaaciga ahaa ee bulshada kala kaxenayay
·
Xoreynta dalka laga xoreynaayo
gumeysigii ingiriiska
·
Mideyntii dadka si awoododa loogu
jiheeyo ladgalanka gumeysiga
·
Xoreyntii iyo mideyntii shanta
somaliyeed
Joma
Kenyatta iyo nfd
1961kii ayaa loo-ga yeedhay mosco danjire ahmed
maxamed adden qaybe waxaa loo’diray nairobia, waqtigaa dawaladda somaliya ayaa
kudodeysay nfd in lagusoo daro inta ay Kenya xoriyadd qaddan,
Mahamed ali murjaan oo garyqaan ahaa oo hooyadii
somali ahayd ayaa arintaas kashaqenayay, abihii c/laahi cali murjaan wuxuu aha
Yemeni beydaani ah oo taajir ahaa,isaga iyo qoyskiisu xamar ayay degananjireen
intii aney nairobia uguurin kahor, markii ay somaliya xoriyadda qadatay ayay
isaga iyo xaskiisu ay u gureen nairobia,markii ay Kenya xoriyadii qadatay
c/laahi cali murjaan iyo rerkiisi waxay u gureen cadan, markii ay cadani
xoriyadii qadatay ayay London u wareegen,maxamed waxa uu aha garyaqaan kaga shaqeysan
jirey maxkamadaha Kenya,a qaybe waxaa Nairobi loogu diray in uu qadiyadda nfd
Mohamed cali murjaan uu kalataliyo,
Maxamed cali murjaan uu xirir lalahaa xoghayihii ingiriiska sir Evelyn Baring,
waraaqihii ay ingiriiska u qori jiranay ee arint nfd ayuu ugeynjiray xoghayihii
badhsabka oo qoralaas soosexijiray, waqtigaa waxa muqatay in ay badhsabkii
Evelyn Baring iyo wasiirka mustacmarka Reginald Maudling ay tageersanyeen in
nfd lamidowdo somaliya, shirlagu qabtay Lancaster House, oo loga hadlayay madaxbananida Kenya ayaa
somaliya loo ogoladay in ay wafti usodirsato, shirkaasi wuxu go’aamiyay labo
arimood oo kala ahaa,
·
In ay Kenya xoriyadda kaqadato 12-ka
December 1962.
·
In shacbiga NFD afti laga qaado.
Natiijadii aftida waxa
ay noqotay in 85% ay doorteen inay lamidooban somaliya, nasiib daro intii aan
natiijadas lafulin ayaa wasiirkii labedelay waxana lagu bedelay wasiirkale oo
laodhanjiray Duncan Sandy, MR. Duncan Sandys natiijadii aftidii ayuu iska indha
tiray, xiligaas 600 oo beeralay ingiriisi ah ayaa degenaa Kenya (highlands
Kenya) intii aan nairobia jooganay waxangu yimid alle haunaxariiste Sheikh Cali
Jimale oo ahaa wasiirkii arrimaha bulshadda iyo cafimaadka joomo Kenyatta oo
xabsiga laga soo dayay ayaan beertisi “gantundu” kuboqanay,
Sheikh ali jimale ayaa
ku yidhi nfd waa dhul somaliyeed oo ingiriisku Kenya kudaray ee noo ogolaadda
in ay somaliya sooracdo,
kenyentta wuxuu ugu
jawabay nfd waa dal Kenya kamida mana ogolin in aya godo, wuxu intaa kudaray
jubbada hoose wax ay ahaan jiratay dulkatirsan Kenya oo dagalkii 1aad ee
dunidaa ayaa dawaldii ingiriisku abaalmarin usisay dawaladda talyaaniga oo ay
xulufo ahaayen (reparation) anagu hatan kadoodimayno in Somaliya noo soceliso idinkuna
nfd iskadaaya
Qaybta: 3aad
Xoriyadii
1dii luulyo 1960kii
6dii june 1960kii wefti
ka koob’na Mudane Mohamed Ibarahim
Igaal, cali garaad jamac iyo ahmed Mohamed adden qaybe ayaa u anbabaxay
muqdishu, shirar ayay qateen S.N.L iyo U.S.P intii anu waftigu an-babixin
walagu amray in mideynta waqooyi iyo koonfur aan wax shorood ah lagu xidhin,
shirkaas Cali Garaad Jaamac ayaa kayidhi israaca labadda gobol aan mudo
lix-bailood ah aan dib udhigno, dadkii madasha joogay ayaa markaliya yidhi “La
yaa garaad” maya garaad, gudigii markii ay xamar ay tageen waxa ay lashireen
xukuumadii C/laahi ISSE, sidii weftiga lasoo faray waxa ay saxixen sharcigii
israaca labada dal “act of union”
Dabaaldegyadii
xornimadda,
Wa mid kamida hesihii
calanka lagu mamusayay iyo malintii qiimaha badneyd ee 26kii juun 1960kii
Waa malin muran iyo,
makeeki hadhe
Wa malin ilahay,
maansheeye
Aan malno hasheena,
maandeeq
Magowdo candhadii,
gollaha marisee
Aan malno hasheena
maandeeq
Dhaxan murugo iyo
haraad mudane
Maantay curutoo
mataaneysee
An maalno hasheena
maandeeqeey
Magawdo candhadi gollah
marise
Aan malno hasheena
maandeeqeey
Waa malin duciyo
bil-mawliidee
Waa malin ilahay, oo
magac lee,
Aan malno hasheena
maandeeqeey
Man jirto maanta midab-gumeysigiyoo
Waa malin caddoon
madoobryne
Aan malno hasheen
maandeeqeey
Aam malno hasheena
maandeeqeey
Magowodo candhadi
gollaha marisee
Aan malno hasheena
maandeeqeey
Habeenadii xoriyadda
laqadanayey ayuu Cabdulahi qaarshe alle’haunaxrisree ku luqeeyey heestana waxa
iska lahaa Saxardiid maxamed oo jabiye loo yaqaan
26kii juun waxa ay
dadka somaliyeed ku waberisteen necaw xornimo oo madaxbanani ah
Calankii ingiriiska
ayaa lasoo rogay, waxana lasaaray calankii buluuga ahaa ee Somaliya, dabaal
degas waxa uu kadhacay barxadii looyiqiin 26juun hargiessa, maanta waxa ka dhisan masjidka
ibraahim dheere, hogol roob ah ayaa galabtaas kuhooratay madashii xafladda
xornimadda, galabtaas waxa lagu xasuusta gabayagii jidhidhicada lahaa ee “kana
sib kana saar” ee uu tiriryay Cabdulahi Suldaan oo loyaqanay suldaan timacadde,
Gabeygaasi sidatanbuu
ahaa,
Indhaweyd’ba waa taan
sahalady sadaradadiye
Ma sifeen masooyankaan
sayidkaw helaye
Seerkuleer ayaamahan
mabixin soon fur dabadede
Subuucii dhamadaba mar
baan sari jiray luuqade
Side laqabsaduu
leeyahiyo subucyo dhadheere
Labadaba markuu seego
way kaa surgucantaaye
An sifeeyo mantana
tixday sihatay labtayduye
Anigoo sabiyoo
Sita leeb iyo qaanso oo
Siigadan isku asiyo
Sabad rer kafoganinoon
La ii aminin soofkiyo
Sacaan maanta an
joogniyo
Gabeygu waygu sugnaayo
Suxufiinta dhawaqdana
Anigawgu sareeye
Hadii ann sarsariigo
Ama aan sixi waayo
ama aan sarmo-seejo
ama aan kasal guuro
ama laygu saluugo
somalida imaqlaysay
I su’aala hadhawto
Ilahaan waxba seegine
Subiciisa qurankiyo
Sabbaxooyin ku
sheegayow
Saciira iyo naciima
Rabigii kala seerayoow
Markay suurtu
dhawaaqdee
Lasoo saaro makhluuqa
Shaqiga iyo saciidka
Malintaad kala soocdo
Dembigaan sameyanay
Rabiyow naga saamax
Subciyayoo ka dukeeyaye
Sowd kaleetona waa
somali oo calan taagata
saakay noogu horeysoo
insidayda tihiin iyo
in kalaanan
saxeynine
saddex wiik iyo maalmo
hadaan soor cuniwaayo
safrad laygama yaabo
sarina meyso naftayda
e’
saaxirkii kala guuraye
sareeyow ma nusqaamow
aan sidu yahay eegno
kaana siib kana saar
ka-siddeetan sabaan
calankanu sugeynayeen
sahankiisa ahaynayow
seerma weydo
hilaacdayow
sagal maanta daroorayow
sigadii naga meydhayoow
saq-dhexaanu ahyne
kii soosarayoow
cadceedow
samada kii u ee kaaye
xiddigaa mid la
siiyayoow
saxiirkii kala guuraye
sareeyow manusqaamow
aan sidu yahay eegno e’
kaana siib kana sar
1kii
sano ee kumeel-gadhka
Labadii gole ee
barlamaanka waqooyi iyo koonfur ayaa fadhiistay 1dii
Juulay 1960kii waxa
ayna madaxweyne u doorteen Mudane Adden Cabdulaahi Cusmaan,wuxu ahaa nin daacad
ah oo aan qabyaladda aqoon iyo qarabo kiilka nadiifna ha oo somali oo dhan
usimantay wuxuu kaloo ahaa hormuudka siyaasinta koonfur waqtigaas,waxa lagalay
hawashii lagu dooran lahaa reysalwasarihii,xisbigii syl waxa ay tageeren
C/laahi Ciise maxamud oo ahaa resal-wasariihii 10kii sano ee xukunkii
talyaaniga ama (AFFIS) ee qaramada midoobe kor ka’ilalineysay, dhanka kale
labadii xisbi ee SNL iyo USP ee waqooyigu ay tageeren Cabdirashiid Ali
Sharmarke, madaxwyene adden adde waxa uu u magacabay resalwasaare C/rashiid
cali sharmeke,
Cabdirashiid Cali
sharmarke 25kii julay `960 kii ayuu ku dhawaqay xukuumadii ama golihii
wasiirada (cabint councile) oo ka koobana
Magaca wasiiradda |
Wasaraddaha |
Cabdirashii
cali sharmarke |
Ra’iisal
wasaare wasiirka 1aad |
Cabdi
xasan buuni |
Ra’iisal
wasaare kuxigeen |
Ahmed
xaaji du’aale |
Wasiirka
beeraha |
Maxamed
xaaji ibraahim igal |
Wasiirka
gashandhiga |
Cali
garaad jamac |
Wasiirkii
tacliinta |
c/qadir
maxamed aadan |
Wasiirka
maliyadda |
Cabdulahi
ciise maxamud |
Wasiirkii
arimaha dibedda |
Sheikh
cali jimcaale |
Wasiirkii
cafimaadka iyo shaqalaha |
Sheokh
cabdulahi mahmud |
Wasiirkii
warshadaha iyo ganacsiga |
Cali
mahamed hiraabe |
Wasiirkii
warfaafinta |
c/risaaq xaaji xuseen |
Wasiirkii
arimaha gudaha |
Mahamud axmed
maxamed |
Wasiirka
cadaladda |
Dawladaas oo kumeel
gaar ahyed waxay soo diyaarineyeysay dastuurkii dalka, runtiina way ku
guuleysteen mudo hal sano ah iney kuso diyaariyaan, waxaaana gobalada dalka oo
dhan la gaarsiiyay sidii loogu codeyn lahaa dastuurka, bishii julay 20-1961dii
ayaa loo codeyay dastuurkii soomaliya ku dhaqmi lahyed,
Sidii loo codeyay iyo
percentage codeysay ama diiday waxa xusid mudan in waqtigaas uu wadanku
goboladiisu ahayeen 9 gobol oo kala ahaa labo gobol oo waqooyi ah, Waqooyi
galbeed hargeisa iyo Togdheer Burco halka koonfur ay ahayd lix-gobol oo kala
ahaa Banadir, Jabadda hoose, Jubadda sare, Hiran,mudug iyo mijerteeniya,
Doortay |
Codeeyay |
% |
Codeyay |
1,760,540 |
90.59 |
kasohoejestay |
182,911 |
9.41 |
xumaday |
− |
|
Guud ahan |
1,943,451 |
100 |
|
|
|
Source: African
Elections Database |
Doorshadii
1961dii
1961dii markii dawladii Adden adde ee kumelgarka
ahayd dhamaday mudadii 1ka sano ahayd ee lo igmadday soodiyaarinta dastuurka
iyo dhisida haydaha dawlada oo ay kacawinayeen khuburo qaramadda midoobe
kasocday,
Doorshadii 1961 ayaa waxa ku tartamay Adden Adde
gudoomiyihii hore ee barlamaanka ahaana madaxweynihii halkii sano ee kumeel
gadhka ahaa, Adden Adde wuxuu kasocday oo u caleema saratay inuu utartamo
xusbigii SYL isagoo Adden Adde uu aha xubin katirsanaa ururka SYL, halka
musharixii latartamay ee kasoo horjeeday Adden Adde uu ahaa Sheikh Cali Jimale oo
mar kasoo ahaa wasiir dawaldii dakhiliga ee C/laahi Ciise, markii danbana
Sheikh Cali Jimale wuxuu katirsanaa golihii wasiirada ee uu C/rashiid soo
magacabay halkii sano ee kumeel garka,
Sidookale Shiekh Cali Jimale wuxu katirsanaa xubina
ka ahaa ururkii syl ee xoriyadda udirirka ahaa, Adden Adde iyo Sheikh Cali
Jimale waxa dhexmaray hardan adag inkastoo ay isku rer ahaayen kana soo jeeden
koonfur waqtigaa warbahinta iyo jara’idaduba aaad ayay uga hadlayeen doorasha
waxana xusid mudan inhabeenkii doorshada aan magaladda mugdishu laga seexan,
Ugu danbeyn doorshadaasi waxaa kusoo baxay
alle-haunaxriiste Adden abdule cusam oo noqday madaxweynihii ugu horeyay ee
somaliya loona dhariyay mudo 6 sano ah waxayna doorashadaasi ku dhamatay nabad
iyo si democar-diya, waqtigaas waxa doorasho kadhacday mareykanka oo ay
udhaxeysay Democratic Party oo kasocday john f. kennedy iyo Richard Nixon oo ahaa “republican party”
Nixon wuxuu ahaa madaxweyhe kuxigeenkii Dwight D Eisenhower,
Adden adde
waxa uu usomagacabey reysal-wasaare C/rashiid Cali Sharmarke oo ahaa markii
hore reysal wasariihii 1sano ee kumeel gadhka ahayd,
C/rashiid wuxuu markale soo magacaabay gole wasiiro
oo ka kooban 11 xubnood, oo kuwii kumeel gaarka ahaa u badnaa intooda badanyed
wasaaradahoodi lagu so celiyay, kuwa yarna xilkoodi waayeen, 20kii july 1961kii
wuxu r/wasaaraha si rasmi ah ugu dhawaaqay liiskii golaha wasiirada oo kala ah,
Magacyadda wadiiradda |
Wasaraddaha |
c/laahi
ciise maxamud |
Arimaha
dibadda |
c/risaaq
xaaji xuseen |
Arimaha
gudaha |
Sheikh
cali Ismael |
Difaaca |
c/qaadir
soobe |
Maliyadda |
Mahamed
Ibrahim igaal |
Tacliinta
|
Cali
jimcale garaad |
Beeeraha
|
Sh
cali jimcaale |
Cafimaadka
|
Sh
c/llaahi max'ud |
Warshadaha
iyo ganacsiga |
Cali
max'd hiraabe |
Warfaafinta
|
Maxamud
maxamed |
Cadalada |
C/nur
max'd |
Arimaha
bulshada iyo isgarsiinta |
Inqilaabkii
1961 sarkiishi rer waqooyi
Bishii December
1961.ayaa sarakiil rer waqooyi ah ay damceen iney inqilabaan dawaladii somaliya
ee sanad ka hor noqotay dawalad madaxbanan oo xubina ka ah qaramadda midoobe
iyo ururo badan oo calamiya, sarkiisha inqilaabka isku dayday waxa ay
tirsanayeen “grevience” tabashoyin ka dhan ah koonfurta somaliya iyaga ay ku
eedenayeen in koonfuri ay wax-walba qadatay oo aysan waqooyigu wax fa’iido ah
aysan ka helin midowgii waqooyiga iyo koonfirta ee 1960kii markii labadda gobol
ay madaxbaninidoodi ay ka qaaten gumeysigii rer yurub ee qarnigii 19 yimid
Africa iyo asia ugu danbeyntiina qaradda Africa kala qaybsadeen sanadkii “1885
Berlin conference and Africa partition” markii ay sanadkii 1960kii ay xorobeen
koonfurta iyo waqooyiga waxa ay bilaaben iney midooban iyagoo maanka ku haya
mideenta somaliweyn waxaana taas ka markhaatiya dastuurkii 1961 aftida looqaday
waxa ku qornaa in dhulka somaliyeed ee gacmaha ugu jira wadmadda dariska ah aan
laga gorgortami Karin ayna tahay dastuuri in laraadiyo xoreynta dhulkaad maqan
oo ay kamid yihiin “Haud and Reserve Area” iyo “northern front district NFD”
Ugu danbeyn
sarakiishi iniqilaabka waday waa laqabqabtay lana xidhay inkastoo aan
cabashadodi aan ladhageysan hadana waqtigaas wadanka waxa kajirey dawladda
rayidda oo qofka muwaadinka u ugol in la’ilaaliyo xuquuqdisa iyo sharafkiisa,
mudo kadib sarkiishi waa la fasaxay, lakiin tani ma aaney dhacdeen hadii
dawladda “totalitarian” kalitalinimo ay wadanka kajirilahaydd sababtoo ah waxaan
ognahay in sanadkii 1972 ay laysay sarkiil sadixa dawladii kalitaliska ahaydd
ee Maxamed Sead Barre kadib markii lagu ee deyay iney qorsheenayeen inqilaab
military oo ka dhan ah xukunkii Sead Barre taaso ay ahayd kaliya tuhun aysan
ahayn wax cad sarkiishi lalayayna waxa kamid ahaa alle’haunaxriistee Salaad
Gabeyre kadiye, Ainashe kadiye iyo Dheeldheel, dhamantood waa lawadda togtay
waxan lagu dilay tuhun, halka siddan hore usoo xusnay ay dawladii rayidka uu
madaxweyne ka ahaa alle’haunaxriiste Adden Abdule Cusmaan uu sarakiishi
inqilaabka sameyay uu maxkamadda saaray akhirkiina lafasaxay oo xoriyadoodi loo
soceliyay, wataas farqiqa udhaxeya dawladda democradic ah ee ilalinaysa waxa ay
dadku ku heshiiyeen oo kamid ah dastuurka iyo xerarka kale, halka dawaldda
kalitaliska ah ay ku tutumato xuquuqda muwaadinka uu dawladiisa ku leyahay iyo
wajibaadka ka saran dawladda muwaadinka oo ay kamid tahay ilaalinta qof dhan
kast sida amnigiisa, cafimaadkiisa,
Magacyadii
sarkiishi inqilaabka isku dayay.
·
Laba
Xidigle Xasan-kayd Cabdille Walanwal
·
Laba
Xidigle Cabdillaahi Maxamed Adan Koongo
·
Laba
Xidigle Muxumed-Awr Cabdillaahi Rooble
·
Xidigle
Faysal Xaaji Jaamac Geedi
·
Xidigle
Cawil Cali Ducaale
·
Xidigle
Axmed Xaaji Diiriye
·
Xidigle
Cali Haaruun Rer Burco
·
Xidigle
Maxamed Sheikh Muuse
·
Xidigle
Cabdi Yusuf Abokar
·
Xidigle
Maxamed Cabdiraxmaan Xaaji Jaamac
·
Xidigle
Xuseen Maxamed Bulaale
·
Xidigle
Cabdillaahi Cabdi Faarax Dayr
·
Xidigle
Maxamed Maxamuud Raage
·
Xidigle
Cabdillaahi Saciid Caabi
·
Xidigle
Maxamed Maxamuud Saciid
·
Xidigle Yuusuf
Axmed
·
Xidigle
Saciid Oogle
·
Xidigle
Saciid Cali Giir
·
Xidigle
Cabdi Dhalac Cabdi
·
Xidigle
Cabdikarim Cashur
·
Xidigle
Cabdi-Xabashi Cali Xuseen
·
Xidigle
Maxamed Warsame
·
Xidigle
Daa’uud Cali Yaxye
qeybta : 4aad
Dagaalkii
somaliya iyo Ethiopia 1964
1964tii ayaa boqortoyadii Ethiopia oo ahaydda
boqortoyo mudo dheer jiratay oo ahaydda boqortooyo gaamurtay oo cudud ciidan
iyo cududu dhaqaale labadaba leh’
Halka Somaliy ay afsano ahayd dawladd ciidan iyo
dhaqalaba labadaba Somalia wey ka hooseysay Ethiopia wakhtigaas lakin dadka
somaliyeed waxay lahayeen niyadsami aad usareysal oo waxayalaha ay ku taamayen
waxa kamida ahaa mideynta shanta somaliyeed ee gumeysigii rer-yurub kala
gogoyay oo qaarna ku daray wadamadda Kenya, iyo Ethiopi,
Ethiopia waxay daagal ku qaday Somalia 1964tii
waxayna Somaliya kasowerartay dhanka waqooyi ee maanta loyaqaan Somaliland,
nasiib wanaag cidinka xooga dalka waa iska cabiyay wererkaas,
Markii uu dagaalkii dhamaday ay madaxdda qaranka oo
uu ugu horeyo madaxweynaha qaranak alle ahunaxariiste Adden C/laahi “Adden
Adde” iyo talyihii ciidanka wakhtigaas General Daud C/laahi Xirsi oo ahaa hormuudkii
ciidanka ay kudayanjireen wanaagisa Daud wuxuu ahaa talye ay jeclayeen ciidnka
xooga waxaana talye ku xigeen u ahaa Maxamed Siyaad Barre oo markii danbe
wadanka inqilaab ciidan ku qabsaday oo mudo 21sano uu katalinayay somaliya
markii danbe jabhado iyo kacdoon dadweyne meesha lagaga turay 1991,
Sarkiishi bilad sharafta ay gudoonsiyeen madaxwne
Adden Adde iyo talyihii ciidanka Daud C/laahi xirsi ayaa gudoonsiyay bilado
sharafeed ama bilado geesinimo waxa kamid ahaa dadkii lagudoonsiyay
1. korneel
c\llahi yusuf axmed
2. jenaraal
Salaad gabeyre kediye
3. koroneyl
cilmi nuur tarey
4. fanaanad
saynab xaaji baxsan
5. :mustafa
xaaji nuur oo wariye ahaa
Dagaalkas aan Ethiopia la galnay guulo waweyn ayay
ciidankii somaliyeed kasoo hoyeen waxa xusid mudan in ay dawalado ay
Massar kamid tahay ay inoogu deeqen hub iyo taagero dhankasta leh inakastoo aan
masar markii danbe aan u abaal gudnay markii ay dawaladaha carbata ay
godoomiyeen kadib markii ay Israel iyo Masar ay heshiiyeen taaso ay kadanbeysay
markii uu Anwar Alsadat oo ahaa madaxweyniihii Masar ee waqtigaas ayaa
markaliya kadagay Israel isaga mudo yar kahor uu dagal lagalay isaga iyo
Siiriya, Anawar Asadat iyo resalwasarihii Israel ee waqtigaa Menachem Begin iyo
madaxweynihii mareykanka jimmy Carter oo dhexdhexaad ka ahaa ay heshiiskii
looyiqiin “Camp David Accord” ku
saxeexdeen Washington dc sanadkii 1977.
Booqashadii
C/rashiid ee washtingon.
abdirashiid
Ali sharmarke iyo John F kennedy,
1962dii ra’isalawasaare Dr, C/rashiid Ali Sharmarke
ayaa booqosho rasmi ah ku tagey mareykanaka oo uu kulakulamay madaxweynihii
mareykanak john f kennedy,
Intii aanu xamar ka ambabixin ayuu lakulmay
hogaamiyihii peace acorps Mr, sergeanty shrevin,
Shriven oo ahaa Irish American ah oo qabay madxweyne
John F Kennedy walashii wuxuu shriven u sheegay madaxweyne C/rashiid Cali
Sharmarke in ay uqanan somalida “the irish man of africa” waxa uuna yidhi dadka
somaliyeed waa dad jecel madaxbanida iyo xoriyadda waana dad isla qabweyn, wuxu
intaa kudaray shriven hadii uu C/rashiid usheego kenndy uu waxa urabo kahelaayo waxana xusid mudan in
madaxeyne C/rashiid Cali Sharmarke uu mareykana kadoonayey hub-ka ciidanka si
loogu qalabeeyo ciidnka somaliiyeed oo waqtigaas hunkiisu iska yaraa sababtoo
ah labo sano kaliya ayaay xoriyad ahayd somaliyeed waxana jirtay waqtigaas
wixii la’odhanjiray somaliweyn “Pansomalism” oo wadanka oo dhan kajiray si
looga sosaaro gacanta wadamadda kale sida Ethiopia, Kenya iyo france oo
gumeysaneysay Djibouti,
C/rashiid Cali Sharmarke alle’haunacariiste markii
uu kadagay Washington dc ee uu john f
kennedy lakulmay wuxuu C/rashiid u gudbiyay kennedy codsigii ahaa
hub-ka’iibinta somaliya iyo ugu deeqida hub,
John f kennedy wuxuu ugu jawaabay C/rashiid Cali
Sharmarke Somaliya waxa ay u baahantay 6,000 oo hubka ka fudfud ee booliska
aysan somaliya ubahnen hub iyo ciidan tirobadan ruuntii C/rashiid wuxuu mareykanka
kalasoo laabtay waji gabax iyo diidmo taaso la odhankaro waa wixii markii danbe
C/rashiid uu uga dagey Mosscow midowgii soviet ee maanta looyaqan Russia,
Isagoo halkaas kulkulmay madaxweynihii midowga
soviet nikkit khrochove oo ahaa nin ku adadag mabda’a hantiwadaaga
“communism” sidoo kale ahaa ninkii lagu
xasuusto qalalasihii “cub missile crisis 1962” waxa ay ahayad xiisad udhaxeysay
labadii qowadood ee Galbeed iyo Barrie e dagaalkii qabooba, hal subax ayaa
aduunku kuwaabaristay madaxy nuclear ah inuu kurakibay cuba hogaamiyihii
midowga soviet nikkit khrochove taaso ka danabeysay markii mareykanku ay
jabhado iyo mucaarad kufureen saxibkii weynaa ee soviet-ka Fidel Costro
madaxweynihii cuba muddo yar kabacddi waalaxlayay isla hor’imaadkaas waxa ayna
ahayd markii ugu horeysay ee dagaalkii qabooba lagu digtay isticmaalka hubka
nuclear-ka lakin ilahay mahadi waa laga baaqsaday isticmaalka hubka nuclearka
kasoo aan oganahya isticmaalkiisa waxa kadhalan kara iyo “consequence”
kadhalankara inagoo aan ognahay wixii kadhay Hirshoma iyo Nikisaaki dhamaadkii
dagaalkii labaad ee aduunka.
Waxaana la’odhankara C/rashiid waxa uu ahaa
hogaamiyihii ugu horeyay ee kadaga mareykanaka kadib qalaalasihii nuclearka ee
mareykanak iyi soviet-ka udhaxeyey 1962.
C/rashiid
Cali Sharmarke iyo Mossco
Bishii march 1963dii waxa mosscow booqosho kutagay
wafti 10 mudane ka kooban oo kasocday dawalada somaliya, weftigaa waxa
hogaaminayay gudoomiyii barlaamanka Jamac Cabdulahi Qalib waxana mudanayshii
kale ee lascday weftiga laga xusi karaa mudane Cabdalle xaaji farax,
Re’iisalwasare Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa
gudomiyaha barlamaanka iyo cabdalla xaaji faarax fariin sir ah u faray
safiirkii Somaliya ee Moscow Danjir Ahmed Maxamed Qaybe,
Fariintu waxa ya ahayd in dawladda somaliya ay qalab
iyo saanad military ay soviet-ku somaliya ka’iibiyaan, danjire ahmed maxamed
qaybe suu buugisa “danjire qaybe iyo caalmak” ku xusay waxuu fariinti ugudbiyay
wasaradda arimaha dibadda, danjire qaybe iyo gudomiyihii barlmaanka mudane
Jamac Cabdulahi Qalib ayaa siyaarad lagu qaaday si loola kulan siiyo
hogaamiyihii ugu sareyay midowga soviet nikkit Khrushchev oo kunasanyay badda
madow waa badda udhaxeysa Turkey iyo wadamadda yaryar ee bariga yurub ee
looyaqaan balkaniska,
Dajire Qaybe iyo gudomiyihii barlaamnaka Jamac
markii ay arrinkii khroshchev usheegen ayuu khroshchev gacmaha madaxa saartay
ayuu foorarsaday daqiiqado yarkadib ayuu danjire Qaybe iyo jamac weydiyay in ay
madaxdda somaliyeed ay arrinkan isku waafaqsan yihiin, waxa ayna ugu jawaabeen
wey isku raacsanyihiin wuxuu yidhi wayahay usheeg re’iisalwasaare C/rashiid
Cali inaani ka’aqbalnay codsigiisa ee ugu bishaareya, waxa uu intaas ku daray
nikkit Khrushchev in dawaladda rergalbeedka uu ugu horeeyo mareykanku ay idin
dacadayeen doonana anagu maqaar maroodi ayaan dacayadahooda kalenahay idinku
hadii ayddan dacayadooda u adkeysaneyna imikaba ka jooga hub millateri aad naga
qadataan,
Bishii ogust 1963dii ayaa re’iisalwasare dr
C/rashiid Cali Sharmarke isaga oo usocday dalka shiinaha somaaray Moscow,
nikkit Khrushchev ayaa qado sharaf usameyay re’iisalwasre C/rashiid Cali
Sharmarke iyo weftigiisi, sifiican oo saxibatinimo kujirto ayaa loo wada sheekeystay,
nikkit khroshuchev ayaa ku yidhi c/rashiid cali madama aad kusocotaan
shiinaha oo baryahan khilaaf naga dhexeeyo sababta keentay ayaan kusheegaya,
dawladda shiinaha waxa ay naweydisatay in aanu siino ‘technologiydda Qumnulo
Durriyah” si ay iyaguna usameystaan anaguna waan kadiidnay sababtoo ah hubka
halista ahi waa inanu gacmo badan galin,
Igagu waxa ay nagu dacayadeeyan in anu mabda’a
shuuciyadda aan kabaxannay waxayna nooyaqanin “Renegades” murtad oo micanaheedu
yahay qof diinta kabaxay oo kale,
Waxa kale oo uu yidhi khroshuchev codsigii waan
idink aqbalanay aad gudomiyaha soofartay waana inisinaynaa hub-miliatary
waxaadna soodirta markaad mugsidho kulaabatid talyaha ciidnaka oo waqtigaas
ahaa General Dauud,
Re’iisalwasre C/rashiid waxa uu shiinaha markii uu
tagay shiinuhu ugusoodeqay wadada laamiga ah ee isku xirta muqdisho ilaa burco iyo
mashruucyo yar yar oo kale,
Bishii October 1963 ayaa talyihii ciidnaka Jeneral
Daud C/laahi Xirsi iyo sarakiil la socotay oo shan gaanshale ka kooban Moscow
ugu tageen danjire qaybe oo ahaa safiirkii somaliya ufadhiyay Moscow,
Ciidamadda tababrka loo bahan yaay, dauud waxa uu
taar u diray abaandulihi ciidanka somaliyeed oo ahaa maxamed sayiid barre waxa
uu u sheegay Jeneral dauud gegedi diyaraddaha ee muqdisho ku diyaari llixdan
ciidan ah oo noocyada hubka aan gadaneyno loogu
tababaro Moscow na lagadajiye si loogu sotababaro,
Intii uu Jeneral dauud uu Moscow joogay, madaxweyne
aadan adde waxa uu boqosho kutagay dhanka galbeedka Germany-ka oo waagu jarmalku wuxuu ukala
qaybsanaa labo bari iyo galbeed waxana udhaxeyay gidaar looyqanay “Berlin wall”
gidaarkii berline, madaxweyne adden adde waxa uu jarmalka galbeed kadoonayay
kaalmo military oo uu ciidnka somaliyeed ku hubeeyo lakin sabii-daro adden adde
waxa uu kala kulamay galbeedka germalka diidmo iyo intii markii uu c/rashiid
Washington dc kadagay uu usoo jediyay
john f kennedy,
Intii addan adde uu ku maqnaa jarmalka ayaa “Power
of Athority” qalabka ruushka laga iibsanayay laga soo saxeexay gudoomiyihii barlamaanka somaliya mudan jamac
c/laahi qaalib,
Mudane adden adde aad ayuu uga xanaaqay arinkaas tuugnimad
ah ee uu ku kacay re’iisalwasrihiisi iyo gudomiyihiisi barlamaanka jamac
c/laahi qalib iyo talyihii ciidka xooga jeneral dauud c/laahi xirsi,
Waxa loodiaray “power of athority” ee uu gudoomiyaha barlaamku saxiixay mudane
jamaca cabdulahi qalib safiirkii somaliya ufadhiyay Moscow danjire qaybe
isaguna waxa uu usiigudbiyay wasaaradii gaashandhiga ee sovietka,
Halkaa waxa kudhamaday hubkii soviet-ka ee somaliya,
lakin waxa uu ku reebay somaliya iska hor-imaad dhanka madaxda sare ah sida
madaxweynihii iyo re’iisalwasarihiisi c/rashiid cali sharmarke markii lagadhay
1964 ayaa mudane adden adde umagacaabay re’iisalwasaare c/risaaq xaji xuseen oo
ahaa nin daacad ah oo aad somalinimadu ugu weyneed aanan aqoonin qarabkiil iyo
eex midna say dad badan oo madaxa ah oo lasoo shaqeyay ay kusifeeyen alle
ahunaxariiste,
Sidookale waxa xusid mudan in uu prof abdi ismaciil
samataer uu c/risaaq xaaji xuseen iyo addan adde uu ku amaanayo oo uu ugu magac
daray “first democratic in Africa” dimuquraadiyadii ugu horeysay ee Africa,
Adden adde mud ayay wada shaqeynayeen abdirisaq
xaaji xuseen waxyalaha lagu xasusutana waxa kamid ahayd radintii somaliweyn ama
“pansomalism” lana mideeyo dhaman “somali peninsula” dhulka somaliyeed oo dhan
oo ku teedsan badda hindia ocean, badda cas iyo gacanka cadmeed ilaa Djibouti,
Dhexdhaxadintii
sudan ee somaliya iyo Ethiopia
Saan wada oganahay Somalia iyo Ethiopia ayaa
dhexmaray sanadkii 1964 markii ay Ethiopia soo werartay dhulka somaliyeed
somaliya oo ahayd xor mudo afarsano ah, waqtigaas Ethiopia way-ka awood badneyd
somaliya,
Dagaalkii markuu dhamaday ayaa dawladii suudan oo uu
madaxweyne ka ahaa Jeneral Ibaraahim Caabud, ayaa shir dhexdhexaadina ah ugu
qabtay labada dal casimdda khartuun,
Wafitiga labada dal ka kala socday waxa ay kala
ahayeen, hadaan ku horeeyo dhanka somaliya, weftiga somaliya waxa hogaaminanyay
wasiirkii arimaha dibedda Somaliy C/laahi Ciise Maxamuud iyo Danjire Ahmed
Mohamed Addan oo logaran ogayahay Danjire qaybe,
Dhanka Ethiopia waxa horkacayay wasiirkii arimaha dibedda
ee Ethiopia Katema Yifru,
Dhinaca suudana waxa kasocday wasiirkii arimaha
dibedda Ahmed Khar iyo xubno kale oo ahaa gudigii u xilsarnaa dhexdhexadinta
labada wadan ee jarka ah waa Somaliy iyo ethiopi’e, 31dii march 1964tii ayaa
lagu heshiyay xabad joojin kaas oo lagu magacabay “the Khartoum agreement” oo
micnihiisu yahay heshiiskii khartuun,
Waxa xusid mudan dagaalkasi intii uu socday goob
xududka kutaal oo ciidanka somaliyeed kadagalamayeen ayay ciidamadii Ethiopia
isiidheen oo isku dhaceen, ciidankii somaliyeed ayaa qayb kamida ay dib
ucarareen lakin askari lagu magacijiray Xalane ayaa arkay calankii somaliyeed
oo cidla kababanaya markaaso kusoo orday oo is-yidhi qaad lakin nasiib daro
taasi ma aysan dhicin askarigii Xalane meeshi ayuu kudhintay runtii waa arin
inatuseysa micnaha wadaninimadda iyo uhebenta nafta ee qaranka somaliyeed waana
waxlagu daydo oo ah tusaale fiican jilasha somaliyeed gar-ahaan dhalinta
doneysa iney kubiiran ciidnka xooga somaliyeed, saan wada ogsonahay waxa qofka
bilaadanka ahi uu bixiyo waxa ugu qiimo badan nafta sida darteed in loo dharto
in nafta loo hore qaranka iyo karamadda waddanka wey adagtay in lasameeyo taas
in kastoo ay jiraan dad sida xalane oo kale ah oo muwaadiin xalala ah oo
qiimabadan,
Mohamed
abdulahi hallane
Mudo kadib ayaa xero ciidan oo ku talay xamar oo
magaceeda la’odhan jiray “Bottica” ayaa loo bixiyay xalane ilaa maantana waxa
ladhahaa xalane inkastoo ay maanta noqotay meel ay dagan yihiin safaarado
ajanabi sababo amni awgeed, dadka somaliyeedna waxa ay u yaqanin meesha wadanka
lagamamulo halka kuwokalana ay aminsan yihiin meesha laga ababulo dhibada
somaliya, hadaan dib ugu soo laabano xalane runtii waa wax lagu farxo in la
sharfo oo laweyneeyo askarigaas halgamaaga ahaa alle-haunaxariiste fadlan waa
codsiye aan fataxadda umarno inataas ayuu maanta inoga bahanyahye,
Shirkii
Roma ee Somaliy iyo Kenya
Shirkii ugu danbeyay ee Kenya iyo somaliya waxa lagu
qabtay magaaladda roma ee Italy bishii ogosto 1963,
Somaliy waxa shirkaas uga qayb galay ra’iisalwasarihii
C/rashiid Cali Sharnarke iyo wasiirkii arumaha dibedda C/laahi Ciise Maxamuud, safiirkii somaliya ee
ingiriiiska Maxamuud Cabdi caraale, janaral maxamed abshir muuse iyo Ahmed
Maxamed Adden Qaybe safiirkii somaliya ee Moscow, dhanaka Kenya waxa uga qeyb
galayey shirka badhasabkii ingiriiska ee Kenya waqtigaas mr. Malcolm
macdonald xubnihiisana ya kamid ahayeen mr, james Gejuru Tom Mboya iyo
masuul muwaadin Kenyan ah lakin asalkiisu somali yahay magaciisana la’odhan
jiray yuusuf xaaji cabdi, badhasabka ingiriiska dooda kama qeyb galeyn wuxu
isudayay masuulinta somaliya kasota iyo madaxdda Kenya kasocota,
Nasiib daro lakin shirkaas walagu heshiin wayay
waana lagu kala kacay labadda dhinacna ee somaliya iyo Kenya wax ay isla
afagrteen in hadalka iska siiwadan ilaa inata meel laysla dhigaayo,
Shirkii markii uu dhamaday ee uu ra’iisalwasare
c/rashiid cali sharmarke kusoo noqday somaliya, waxaa jirtay qudbad uu
c/rashiid jeediyay 3dii September 1963 wuxuna kajediyay airport-ka mugdishu,
wuxuu yiri dhulka somaliyeed ee kujira gacmaha gumeysiga iyo wadamadda jaarka
waxa xoreykarta dawladda xoog-leh oo awood’badan, sidookale wuxu yiri ka-gabsan
mayno inaan ku dadaalno mideynta dalkayaga somaliyeed,
c/rashiid wuxuu somali oo dhan ugu baaqay gudaha iyo
dibadaba iney jabahad yeeshan xataa hadey noqoto abaabul guud “general
mobilization”inuu isagu sameynayo,
Dr C/rashiid Cali Sharmarke isagoo canaya wuxu
yidhi,
“Waxaan
ka xumahay britian iyo france oo aan saxib ahayn in aysan nagu taagerin
mideynta somaliyeed ay wali xukumaan dawaladah jaarkayaga ah,Qalabka military
ee midowga soviet noogu deeqay waanu qadaneynaa sababtooa ah somali wey-ku
khasbantahay iney iska difaacdo weraradda Ethiopia ee xatooyadda, dhaca iyo
kufsiga ku haya dadka somaliyeed”
Wuxuu intaa ku daray werarada aan kala joogsig
laheyn iyo dandansiga joogtada ah ee ay ku hayso somalida, jabinta mabaa’dida
insaaniga ah taas oo culeys weyn ku haysa dhaqalahayga, khasnada somaliyeed
mudo badan ma xamili karto quudinta iyo darleeylka kumananka qaxootiga
somaliyeed ee kasoo qulqulaya xududa nagala dhaxeysa Ethiopia,mushaakilka
qaxootiga waxaan horgeynaynaa qaramadda midoobe,
Ra’iisalwasare c/rashiid waxa ay saxaafadu weydisay
sax-miyaa in somaliya ciidan 20kun dhisaneyso? Waxa uu ugu jawaabay waxaan kaliya
odhanayaa in uu qaran kasta uu ubahanyahay nabad gelyadda gudaha iyo dibadda
ciidan ilaaliya.
C/Rashid Cali Sharmarke wuxuu ka xanqay hadal ahaa
in somaliya hoosgalayso “Haymanada” hogaaminta soviet-ka waxana uu kaga
jawaabay midowga soviet-ka wuxuu naga ogoladay inuu naga iibiyo qalabka
military-ga oo aanu dalkayga ku difaacno’
Qeybta: 5aad
Dorashadii
1964 ee golaha barlaiment
Saan wada oganahy
bishii march 30/1964 ayaa waxa dhac-day dorashadii golaha barlamaanka,
waqtigaas golaha barlamaanka waxa uu ahaa hal aqal “bicameral” kana duwan kan
maanta wadanka kajira ee ah labada aqal “upper house and lower house” aqalka
sare iyo aqalka hoose kasoo aqalka sare uu matalo maamul goboleedad hoos
yimaada dawaladda dhexe halka aqalka hoosana uu representative matalo shacabka
inaa hadaan kaga soo labto una soo labano doorashii dacaday sanadkii 1964 waxay
ahayd doorasho isii golle xadhaysay doorshada madaxweynaha ee sandka 1967 taaso
uu ku eegayahay mandate-ka madaxweynaha oo ahaa 6sano, saan wada oganahy adden
adde markii uu madaxweynaha noqday sandkii 1961 mudada lasiiyay ee mudo
sharciyadiisu waxa ay ahayd saan hore usoo sheegnay,
Doorshada golaha
barlamaanka waxay dhacday bishii march 30/1964,xusbiyadii wadanka waqtigaas
kajiray waa ay badnayeen lakin waxa ugu “influencial” sameen badnaa SYL iyo
SNC, syl waxay ku guuleysatay 69 kursi oo barlamaanka ah, barlamaankuna wuxuu
ka koobna waqtigaas 123 MP “member of parliament”
Halka xusbiga kale loo
yiqiin “socialist national congress” snc uu ku guleystay 22 kursi oo
barlamaanka katirsan, mudo yar kabacdi waxa dhacday doorashadii madaxweynaha
qaranka taaso dhacday june 1967 golaha barlamaankuna waxa uu madaxweyne
udoortay alle’haunaxariiste C/rashiid Cali Sharmarke oo ahaa madaxweyne ku
xigeenkii addan adde mudadii 1kii sano ee kumeel gadhka iyo mudadii
kadanbeysay, doorshadan waxaa aad ugu tartamay madaxweyne hore Adden
Abdule Cusmaan iyo ra’iisalwasare
C/rashiid Cali Sharmarke ugu danbeyn waxa madaxweyne barlamaanku u dooratay
C/rashiid Cali Sharmarke tasina waxa ay ina tusineysaa democra-diyadda
waqtigaas ee madaxweyne iyo re’iisalwasarihiisi iney wada-tartamaan
madaxweynihiina laga guuleysto, ruuntii waa wax mudan in lagu amaano
madaxweynihii waqtigaas Adden Abdulahi
“Adeen Adde” oo awooda si nabada ugu wareejiayay saxiibkii oo la
tartamayay kana guleystay sidokale
labadooduba waxa ay ahayen xubno katirsan ururka syl,
Adden Abdulahi “Adden Adde” iyo
Abdirashiid Cali Sharmarke
waxaa xusid mudan in
ururka syl uu ahaa uruka ugu sameynta badan waqtigaas sidokale saan wada
ognahay uruka syl wuxuu ahaa urur kasoo ciyaaray kalin muhiima xoriyadii iyo
madaxbananidii wadanka uu gaaray lixdameeyadii waxana mudan in markasta
laxasusto loona duceeyo alle’haunaxariiste asasihii xisbiga mudane Yasiin Xaaji
Cusmaan oo maanta inaga hooseeya yasiin waxa uu ahaa maskaxdii ka danbeysay
asasitaankii xisbigii dhalinyardda somaliyeed somali youth league,
Waxa sidookale rabaa
inan halkan ku xuso ina markii doorshadii barlamaanka ay dhacday 1964 ee ay syl
ku guuleysatya aqlabiyadda barlamaanka ayaa madax badan oo rer waqooyi iyo rer
koonfureed ay kusoo jabeen amaba kusoo bireen ururka syl kaaso ahaa mid aad iyo
aad sumcad ugu dhexleh mushtamaca somaliyeed meelkastoo ay joogan, Maxamed
Ibraahim Haji Igaal waxa uu kamid aha dadkii markii danbe kusoo biiray xisbiga
syl kadib doorshadii dhacaday 1964, Maxamed Ibraahim Haji Igaal waxa uu ahaa
hogaamiye iyo aqoonyahan door muhiima kasoo qatay xoreyntii “Somaliland
protectrate” ee looyaqan maanta jamuriyadda somaliland taaso sheegtay iney
somaliya inteeda kale ay ka go’day lakiin aaa ilaa iyo hadda aan helin aqoonsi
calamiya “international recognition”
Igaal waxa uu ahaa
hogaamiyeyashi qawooyiga ee xiligii midowga koonfurta iyo waqooyiga tanasul
badan muujiyay iyag oo dawladnimadoodi dhaf-siistay midowga ay lamidooben
walal-hooda waqooyiga taaso qeyb-ka ahaydd himiladii ay lahayeen da
Mohamed Haji Ibaraahim Igaal
somaliyeed ee ahayd
mideynta somaliweyn ama “pansomalism” taaso markii danbe aniga fikradd ahaan
meel halisa inaga tuurtay oo ay kamid ahaydd dagaalkii dhacay 1977 ee udhaxeyay
somaliya iyo Ethiopia, sida runtiiya marka lafiiriiyo hadafka objective-ka
dagaalka loogalay waxa uu ahaa mid sax oo in “haud and reserve area” laga
xoreeyo Ethiopia-yaanka waa sax lakin sid uu sharciga calaniga dhigaayo
“international law” dawladi dawlad kali maku duuli karto iskadaa iney
faro-galisee, dawladda sameysan waxa lo’aqoon sanayaa “aggressive satate” dawladda
gardaroole ah, waana sababtii ay wadamdii somaliya ku soo jabiyay dagaalka oo
ay kamid ahayeen midowgii soviet-ka, cuba, yemen,libiya
Dilkii
madaxweyne abdirashiid 1969
10kii October 1969kii
wefti uu gogaaminayay ra’iisalwasaare Maxamed Ibraahim Haji Igaal oo uu kamid
ahaa danjire sare Axmed maxamed Adden Qaybe, ayaa NEW-YORK u safray, mudane
cigaal khudbadii ayuu ka jediyay golaha loo dhanyahay ee qaramadda midoobe,oo
madaxdda dalalka aduunku, oo khudbado ku saabsan siyaasadda dalalkooda
kajeediya, weftigii waxa ay la kulmeen Angie Brooks oo Liberia udhalatay oo
sandkaas ahayd gudoomiyaha golaha loo dhanyahay ee qaramada midoobe iyo mudane
U Thant xoghayihii qaramdda midoobe, cigaal waxa uu u amababaxay meel lagu
nasto oo bad-weynta pacific ku taala, gurri villo ah oo uu ku nasanayay waxa
amaanayey jilaaga canka ah ahaa “Actor” ee William holden oo lagu xasuusto
filimkii caanka ahaa ee “the proud and and the profane” jilaagasi xamar ayuu
ugu imaan jiray oo uu kuso dhaweyn jiray Igaal, halka weftigii igaal lasocotay
ay new-york ku hadheen,
15kii October 1969kii
Dr C/rashiid Cali Sharmarke ayaa askari kasoo jeeday beeshisa ayaa toogo sho ku
dilay isagoo madaxweyne Sharmarke uu boqanayay gobaladda waqooyi meesha
madaxweynaha lagu dilayna waxa ay ahayd magaladda las’aanod oo waa’gaas ahayd
degmo hoos imaanjiratay Burco,
Madaxweynihii markii
ladilay igaal waxa uu telephone usoodiray weftigii la socday ee new-york
kagahadhay oo uu kamid ahaa danjire axmed maxamed adden qaybe, igaal waxa uu
usheegay iney ugu yimaadan gegidda diyaradaha ee Washington Dc, igaal waxa uu u
sheegay Danjire Qaybe
inuu kaqeyb galo shir Tunis kadhacayay oo loo yaqanay “Afro-american
conference” ra’iisalwasaare Igaal iyo xubno kale waxa ay raceen diyaaradda
Alitalia,
Marxuum Dr. C/rashiid
Cali Sharmarke isla malitiiba maydkiisa xamr ayaa la keenay,
shir ku saabsanaa
doorashadii madaxweynah cusub ayaa u bilaabmay intii dadka hogaamineysay,
shirkaas waxa uu socday shan maalmood oo lagaga tashanayay qofka badali raba
madaxweyne C/rashiid Cali Sharmarke, Maxamed Saed Barre waa uu kaqeyb
gali-jiray shirkaas, ra’iisalwasaare Maxamed Haji Ibrahim Igaal waxa uu
taageray in madaxweyne loo dorto Xaaji Muuse Boqor waana lays-ku waafaqay in
madaxweyne loo doorto, waxan lagu heshiiyaya in subaxnimadda barlaamku shiro oo
la doorto, sadexdii aroornimo (3:00am)
ayaa koox maliteri ah oo uu hogaminayay Maxamed Siyaad Barre inqilaaben
xukuumadii rayidka ahaydd, waxa ayna kala direen barlamaanki waxyna xidhxidheen
madaxdii hore ee daladii rayidka, sida madaxwynihii ugu horeyay ee Adden Adde,
ra’iisalwasaare C/risaaq Xaaji Xussen iyo gudoomiyihii barlamaanka ee waqtigaas
sidokale wax ay xireen Maxamed Haji Ibaraahim Igaal iyo Muuse Boqor waxa lagu
xidhxidhay afgooye beer kutalay waxa ayna ku xirnayeen muddo,
Aan dul istaagno waxyar
geeridii madaxweynihii hore C/rashiid Cali Sharmarke ilahy haunaxariiste saan
hore usoo sheegnay madaxweynaha waxa lagu dilay magaladda las’aanod ee gobolka
sool in-kastoo ay las’aanod waaga madaxweynaha lagu dilay ay katirsaneed Burco
oo waxa ay ahayd degmo hoos imaanjirtay Burco, saan kor kusoo xusnay madaxweyne
C/rashiid ninka dilay waxa uu ahaa bodgaurd-kiisa magaciisana waxa la’odhan
jiray Siciid Orfane, sidookale madaxweynaha isku qoys ayay ahayeen waxana
la-sheega in uu madaxweynaha u dilay aano qabiil oo ahayd kursi baarlmaanka oo
maxweynaha qoyskiisa kaqaday Siciid Orfane qabiilkiisa, waa sababaha loo aaneyo
dilka madaxweynaha lakin anigu taas ma’aaminsani sababta ka danbeysay dilkii
madaxweynah wax ay ahaydd hagardamadii dagalkii qabooba ee madax badan oo
calamka ah lagu qarajiyay oo ay kamid ahayeen reysal-wasarihii Congo DRC mudane
Patrice lamumba kaaso “political assassination” lagu dilay kadib markii uu
wadankiisa ka cayriyay Belgium-kii gumeysan jiray iyo wadamo kale, meesha
lagaracayna waxa ay ahayd meeshas iyo u ololeenta wadamadii African-ka ee kusii
jirey gacanta gumeysiga, dilkii patrica lamumba waxaa dhawaan qiratay iney door
kulahayd dawladda Belgium-ka sidookale waxa lagu cambareeya CIA-da mareykanka
iney wax aka ogaydda dilkaas,
Intii lagu gudjiray
dagaalkii qabooba lagaso bilaabo markii qaramadda madoobe la’asasay ilaa
sandkii 1991 markii midowgii soviet burburay ee u dhamday dagalkii qabooba
mudadaa waxaa aduunka wajahayay dagaal ideology iyo iska hor imaad dhanka
ciiidmadda “military confortation” una dhaxeeyay bariga iyo galbeedka Nato iyo
Warso pact, sidookale waxayalaha lagu tartamayay waxa kamid ahaa ku tartanka
dhanka hawadda “setlite struggle” iyo dhanka hub soo saridda ee armay race,
runtii intii lagu guda jiray dagaalkad qabooba aduunku waxa uu soo wajahay
dhibaatoyin farabadan oo dhanka amniga “Global security” oo labadda dhan waa
midowgii soviet-kee iyo mareykankee ay isku cabsiinjireen mid-ba midka kale
tijaabinta hubka nuclear-ka “nuclear tests” inkastoo markii danbe heshiisyo
labadda dhan ay kala saxexdeen oo ku sabsanaa xakameenta hubka nuclear-k heshiiskaas
magaciisa waxa la’odhan jiray “nuclear proliferation treaty” intaan an kabixin mawduucan aan xusno
mid kamid dhacdooyinkii dhacy ee ku saabsan nuclear-ka intii lagu gudda jiray
dagaalkii qabooba, sanadkii 1962 ayaa hogaamiyihii midowga soviet nikkit
khroshochev uu madaxa-yo nuclear ah ku rakibay wadanka Cuba oo ku yaala qarad
America una dhow gobolo katirsan
mareykanka, talabadaas uu qaday nikkit khroshuchuv waxa aad uga xanaaqay
madaxweynihii mareykanka ee waqtigaas john f kennedy waxa uu u diray hogaamiyhii
soviet-ka digniin ah hadii soviet-ka kala bixi-waayo madaxyadda nuclearka ah ee
uu ku rakibay cuba uu burburin doono mareykanku, sababt kadanbeysay inuu nikkit
khroshuchov uu madaxyo nuclear-ah uu cuba ku rakibo waxa ay ahyad in mareykanku
iyo CIA-du ay inqilaab ku fureen saxib-kii weynaa ee midowga soviet “fidel
castro” waqtigaas aduunku farta ayuu ku hayay wadna waxana aad loga baqayya
inuu aduunka kadilaaco dagaal nuclear ah oo udhaxeeya midowga soviet iyo mareykanka
lakin labadda dhinac waa ay kabaqsadeen in uu qarxo dagaal nuclear ah kaaso
ahaan la-haa masiibo halaag, ugu danbey intii kahoreysay 1963 intii aan
la-dilin madaxweyne john f kennedy way isa arkeen hogaamiyihii midowga soviet
nikkit khroshuchev waxa ayna kala saxex-deen heeshka xakameynta nuclearka ee
“NPT nonproliferation nuclear treaty”.
Intaa uu socday dagaalkii qabooba waxa la-layay ama si shirqool ah loo qarajiyay madax badan oo aduunka oo ay ubadnayeen dunidda sadexaad “third world” sidokale waxaa mudadaas lagu gudajiray dagaalkii qabooba aduunka kasocday inqilaab-yo isdaba jog ah wallow ay u badnayeen Africa
Qalinkii: abdikareem H Isse.
Tixraax
Buuga : Qeybe iyo Caalamka
Buuga : jamac mahamed qalib
Wikipedia
Comments