17dii sano ee maandeeq laradinayay 1943-1960 tariikhdii ururkii syc/syl ! wali maandeeq raadinkale ayay ubahantay waxayna dib uluntay 1991 ilaa maanta waa baxsi.

 

Tariikhda ururka syl

Halgankii Xornimada Soomaaliya.


waxa qorey: Daahir Xaaji Cusmaan xubin-hore  syl  alle haunaxriisto. 

Taariikhda xisbigii SYL lama soo koobi karo, aniguse waxaan si kooban uga hadlayaa unuggii xisbiga, anigoo ka mid ah dhallinyaradii nasiibka u yeelatay, eebbena waafajiyey inay asaasaan xisbigaas. Waxaan uga dan leeyahay qoraalkan in aan dadweynaha Soomaaliyeed xusuusiyo halgankii qawmiyadeed iyo taariikhdii sharafta laheyd ee la soo maray si looga faa’iideysto.

Asaaskii xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”.

Markaan soo xusuuusto xilligii uu hanaqaaday xisbigii SYL marna waa farxaa, marna waa naxaa. Waa farxaa oo waxaan soo xusuustaa wanaaggii, wadaninimadii, midnimadii, isqadarintii iyo kalsoonidii Soomaalidu isu qabtay waagaas, kuna guuleeysatay. Marna waa naxaa, oo waxaan arkaa xaaladda manta Soomaali ku sugan tahay oo ah: dawlad la’aan, daryeel la’aan, dagaal joogto ah, dulli qaxootinimo iyo dugaagnimo.

Curashadii Fikradda

 

Fikrad kasta oo lagu hormaro waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu asaasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa Allaha u naxariiste Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke oo mudan in si gaar ah loo xuso. Yaasiin wuxuu ahaa nin fiiro dheer oo aqoon yahan lagu tilmaami karo, inkastoo uusan dhigan dugsi rasmi ah. Wuxuu ahaa nin leh wacyi iyo maskax siyaasadeed, iyadoo aan waqtigaas dadku u bislayn siyaasadda. Yaasiin wuxuu si fiican u yiqiin afka Talyaaniga, wuxuu kaloo yiqiin afafka Carabiga iyo Ingiriiska. Dadaalka Yaasiin ka sokoow, curashada fikradda waxaa saaciday arrimo dhawr ah ooy ka mid ahaayeen:

Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.

Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay naacoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya.

Waxaa waagaas magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan. Yaasiin wuxuu saaxiib la ahaa qaar ka mid ah nimankaas, ooy is dhaafsan jireey fikradaha.

Yaasiin wuxuu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qaybsado bulshada. Wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin. Waxaa dadkaas ka mid ahaa: garaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir noogu qabtay gurigiisa, waxaan ahayn 7 ama 8 dhalinyaro ah, si fiican uma xusuusto tirada. Wuxuu noo soo jeediyey talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed.

Wuxuu nagu wargeliyey in afarta dawladood ee waaweeyn oo xulufada ah:

·         Amerika

·         Ingiriiska

·         Ruusha

·         Faransiiku

…. ay ka tashanayaan aayaha dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo hadda gacantiisa ka wareegay. Dalalkaasi waxay ahaayeen Soomaaliya, Eritrea iyo Libiya. Wuxuu nagu guubaabiyey inaan fadhiga ka kacno oon dhisno urur ka tarjuma danaha bulshada Soomaaliyed oo ah gobanimo iyo horumar. Wuxuu naga codsaday in qof waliba uu casumo qof uu ku kalsoon yahay oo ka mid noqda asaasayaasha ururka.

Waxaan bilaabnay dhaqdhaqaaq. Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa. Intaan ka xusuusto, anigu waxaan casumay Cabdulqaadir Sakhaawuddiin oo aan saaxiib gaar ah ahayn, Allaha u naxariistee. Xaaji Maxamad Xuseenna wuxuu casumay Dheere Xaaji Dheere, labadoodaba Allaha u naxariisto.

Muddo bilo ah gudohood ayaan isku uruursannay 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, una babacdhigaan halganka gobanimadoonka, yey noqon doonaan 13ka asaasayaashu? Intee manta ifka ku nool? Sidee loo dhisi doonaa xisbiga? Muxuuse oran doonaa Dhiinsigii Ingiriisku?

Dhismihii Xisbiga

 

Sidaan qeybtii hore ku xusay, waxaan isku helnay 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL. Haddaba, magacyadii dhallinyaradaasi waa kuwaan:

 

1.     Yaasiin Xaaji Cismaan

2.     Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin

3.     Maxamad Cismaan Baarbe

4.     Maxamad Faarax Hilowle

5.     Sayidiin Xirsi Nuur

6.     Maxamad Cali Nuur

7.     Daahir Xaaji Cismaan

8.     Xaaji Maxamad Xuseen

9.     Khaliif Huudow Macallin

·         Cismaan Geedi Raage

·         Dheere Xaaji Dheere

·         Maxamad Cabdalla Xayeesi

·         Cali Xasan Maxamad “Verdura

Asaasayaashi Xisbiga SYL waxaa manta ifka ku nool aniga oo ah Daahir Xaaji Cismaan oo ku nool magaalada Ottawa, dalka Kanada oo 80 jir ah iyo Cali Maxamad Xasan “Verdura” oo ku nool Qoryooley, Soomaaliya oo isaguna 80 jir ah. Runahaan, Xisbiga SYL waxaa dhisay oo dhidibada u aasay shacbiga Soomaaliyeed oo naf iyo maalba u huray. Annagu waxaannu ahayn dhallinyaro Ilaahay talada waafajiyey oo tillaabadii ugu horreeysay qaaday.

Ugu horreeyntii, waxaan qol, aannu ku shirno, ka kireeysannay waddada “via Roma” ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahaymd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan na soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa intaan ka xusuusto:

·         In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.

·         In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.

·         In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed.

·         In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.

·         In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.

·         In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.

Kuwaas ayey ahaayeen qodobadii ugu muhimsanaa. Qodobada haray waxay badi ku saabsanaayeen xeer-hoosaadka iyo maamulka Xisbiga. Qodobada dhammaan waa la isku wada waafaqay. Yaasiin wuxuu kaloo noo soo jeediyey in la doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye-xigeen.

Wuxuu ku taliyey in labadaas jago aan loo magacaabin xubno ka soo jeeda qabaa’ilka waaweeyn si looga hortago tartan iyo awood-sheegasho qabiil oo mustaqbalka wiiqda xisbiga, halgankana curyaamisa. Iyadoo taladaas la tixgalinayo waxaa la doortyay labadaan mudane:

·         Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye

·         Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen

Yaasiin Xaaji Cismaan isaga qudhiisa waxaa loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah “Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa.

Subaxdii 15 Maajo 1943, waxaa sharaf noo ahayd inaan tagno xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, annagoo wadana codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga. Codsiga waxaa u qadimay Dhiinsiga mudane Cabdulqadir Shiikh Sakhaawodiin oo ah Guddomiyaha Xisbiga.

Dhiinsigii Ingiriisku markuu akhristay codsiga wuu yiri ” Waa idiin oggolaaday inaad Naadiga furataan, waayo annagu waxaan nahay Dawlad Dimuqaraadi ah. Waxaanse idiinkaga digayaa inaad sameeysaan haba yaraatee wax allaale iyo wixii dhibaato u keeni kara amniga iyo xasillonida dalka iyadoo hadda lagu jiro xilli dagaal oo xasaasi ah” Annaguna waxaan niri hawraarsan.

Xagge wax ka bilaabi doonnaa,
mar haddii Xisbigii la furay..?

 

Sidaan ku xusay qaybtii 2aad, waxaan ku guuleeysannay, Alle Mahaddii, inaan diiwaangelinno Xisbiga. Isla markiiba, waxaan ku dhaqaaqnay hawshii baaxadda weeyneyd ee na sugeeysay. Waxaan afar qol ka kireeysannay daar u dhow Afarirdoodkii Xamar. Afartaas qol waxaan u adeegsannay fasallo lagu barto farta Soomaaliga, Afka Carabiga iyo Ingiriiska.

Waxaan qorannay macallin Sudaani ah oo duruusta Carabiga iyo Ingiriiska bixiya. Waxaan kaloo qolalkaas ugu isticmaalnay xarunta Xisbiga iyo Makhaayad Shaah iyo Kafee oo lacag jaban lagaga gado xubnaha Xisbiga iyo weliba meel lagu dhageeysto Raadiyaha, laguna akhristo jaraa’idka si loola socdo akhbaarta adduunka.

Waxaan kaloo qaadnay tillaabooyin ku aadan nidaamka iyo maamulka Xisbiga. Waxaa la hirgeliyey calanka iyo astaanta Xisbiga. Waxaa la daabacay kaaraka xubinimada (membership card) iyo qorallo qeexaya mabaadii’da Xisbiga.

Waxaa xubnaha lagu qoray tabarucaad joogto ah si loo daboolo kharashka maamulka. Dadka shaqeeya, oo aan anigu ka mid ahaa, waxaan isku qornay inaan bixinno 20% mushaharkayaga. Habeenka axadda waxaa loogu talagalay in la baraarujiyo xubnaha iyo dadweeynaha iyo in lala qaybsado wixii war ahoo cusub iyo qorshe ah ee soo aadan.

Shan ilaa lix bilood markuu furanaa Xisbigu, ayaa waxaa dhacay qiso la yaab leh. Dhiinsiga Ingiriiska ayaa noo yeeray oo na tusay warqad ku qoran farta Cismaaniya.

Wuxuu yiri “Warqaddaan waxaa laga helay jeebka nin shufto ah oo ciidamadu dileen, sidaas daraadeed, waxaan idin farayaa ianaad joojisaan hawsha Xisbiga oo dhan ilaa iyo inta arrintaan laga baarayo, lagana salgaarayo inaad lug ku leedihiin iyo in kale”. Arrintii markii la baaray waxay noqotay warqad uu ninkaas la dilay ka helay xaaskiisa oo Gaalkacyo ku sugan, kana wareeysaneeysa xaaladiisa iyo sababta akhbaar looga waayey. Markaas ka dib ayaa naloo fasaxay Hawshii Xisbiga. Taasi waxay ku tusaysaa sida diiradda loogu hayey Xisbiga.

Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku cudsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya.

Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin.

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:

Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin.

Damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii.

Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

Galab ayaa Xisbigu qabtay shir lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi siyaasi ah, oo dagaal ba’an kula jira gumeeysiga.

Ayaamo ka dib, amar Ilaahay, waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xanuun aan u maleeynay inuu yahay Duumo (malaria). Yaasiin wuu dardaarmay, ka dib markuu dareemay in jirradiisu tahay mid halis ah.

Wuxuu ka dardaarmay in jaga Xoghayaha Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax ka aha faraca Xisbiga ee Beledweyne, ayna wada shaqeeyn jireen. Rag aan anigu ka mid ahay ayaa tagay Beledweeyne oo Cabdullaahi u soo raacay Xamar. Cabdullahi wuxuu la kulmay Yaasiin, wuuna aqbalay taladiisii. Maalmo ka dib, Yaasiin wuu geriyooday Allaha u naxariistee.

Cabdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee, meeshii ayuu hawshii ka sii waday. Wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad ah, Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hoyey gudahaba iyo dibeddaba. Cabdullaahi wuxuu noqday Raiisulwasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii 1956.

Waxaan horey uga soo hadlay asaaskii iyo dhidib-u-aasiddii Xisbiga Leegada. Waxaan jeclahay inaan sidoo kale wax yar ka taataabto dhacdooyin dhowr ah oo taariikhi ah, qaybna ka aha halgankii Leegada.

Qoraaladii hore, waxaan ku soo aragnay in markii la gaaray sanadkii 1947 ay xiisaddii siyaasadeed aad u kululaatay. Waxaa xusid mudan in, bishii Juun 1946 uu Wasiir Dibadeedka Dawladda Ingriisku, mudane Bevin soo jeediyey in gayiga Soomaaliyeed oo idil, oo Jabuuti maahee inta kale Ingriisku gacanta ku hayey, la isu geeyo hal maamul oo Ingiriiska hoos yimaada, Qaramada Midobayna kor ka ilaaliyaan.

Waxaa qorshaha Ingiriiska ka soo horjeestay Ruuushka iyo Maraykanka. Leegadu aad ayey ugu riyaaqday hindisahaas oo waafaqsanaa himiladeena iyo bartilmaameedka siyaasadeed. Dhanka kale, Talyaaniga oo ka ficil qaadanaya Hindisaha Ingiriiska, damacweeyna ka qabay Soomaaliya, ayaa dardar cusub gelieyey dadaalkuu ugu jirey inuu carriga Soomaaliya mar kale gacanta ku dhigo.

Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948

Dhammaadkii 1947, ayaa waxaa nalaku wargeliey inuu magaalada Xamar imaanayo Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka) “Four Power Commission”. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed .

Intaan guddigu imaan, Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula dhigo mawqifka Leegada ee ku aadan Guddigaas. Wadatashi iyo dood dheer ka dib, Leegadu waxay go’aansatay in la codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan Afarta Quwadood. Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah:

Inaan marnaba la aqbali karin in la soo celiyo Talyaaniga oo la ogyahay maamulxumadiisa iyo waliba dhibaatda uu u geeystay ummadda Soomaaliyeed.

Inkastoo Ingiriisku ku dhawaaqay inuu Soomaalida oo idil meel isugu keenayo, loona riyaaqay oraahdaas, haddana waxaa la istusay inaan la aamini Karin Ingiriiska. Leegadu waxay Ingiriiska u aragtay Dawlad weeyn oo mustacmir ah oo aan la iska kicin Karin mar hadday kugu habsato.

Guddugii wuxuu yimid Xamar 6dii Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa oo ah halka Hotel Curuuba hadda ka dhisan yahay, wagaasna ahayd xarunta Guddoomiya Ingiriiska. Waxaa buuq, sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyey oo meel kasta la maray calamo Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya Talyaani, Talyaani.

Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo ooy cududooda muujiyaan. Waxaan ka warhelnay in la rabo in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska Leegada. Leegadu markay darastay xaaladda, waxay go’aansatay, in haddii la carqaladeeyo, ay weerar ku qaado oo abbaarto Talyaaniga oo ah kan soo diraya kooxaha Soomaaliyeed.

Subaxdii 11 Jannnayo 1948, Naadiga waxaan ku reebnay 5 dhalin yaro horseed ah iyo qaar dumar ah. Intayadii kale waxaan abaabuleeynay bannaabaxa. Annagoo ku jirna hawshaas, waxaa na soo gaartay qaylodhaamo in la soo weeraray Naadiga ooy soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu soo diray. Ka dib, waa isqaybinay.

Qaar waxaan u dirnay Naadiga inay difaacaan, intii kale waxay weerar ku qaadeen Talyaaniga. Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah , waxaana lagu dhaawacay 55. Dhankayaga waxaa la dilay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako). Waxaa Leegada gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee Ingiriiska u shaqeeynayey oo hoos Leego ka ahaa. Naadigu wuxuu ku yiil ka soo horjeedka meesha laga dhisay taallada Xaawo taako.

Dhacdadii Dhagaxtuur

Bishii Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey ooy Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi Ciise si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani.

Waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday dahabkoodii.

Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga. 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur.

Ingiriiska wuxuu soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey. Waa sababta goobtaas loogu baxshay Dhagaxtuur. Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

Ingiriisku intaas kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda Leegada. Waxaa Ceelbuur loo musaafuriye Aniga oo Daahir ah, Mohamud Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.

Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto. Wuxuu isku dayey inuu kala qaybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey.

Waxaan jeclahay inaan wax yar ka iraahdo taariikh na dhexmartay aniga iyo Xubinta Filibiin ee Qaramada Midoobay. Waxaan dareemnay in wakiilka Filibiin uu u nugul yahay Leegada. Aniga oo af Ingiriiska xoogaa ku fiicnaa ayaa Leegadu ii dirtay inaan xiriri hoosaad la sameeyo Wakiilka Filibiin. Wakiilkii waa isbaranay. Aad ayuu noo taageeray, asagoo na siin jiray xog iyo akhbaar muhim ah.

Waxayse iigu darnayd maalintuu i yiri ma iisiin kartaa billawihii aad ku disheen Talyaaniga. Aad ayaan u naxay. Anigoo argagaxsan ayaan ku iri wax qalab ah oo aan hayno ma jiro. Weli ma fahmin sababtuu ii weydiiyey, waxaanse u qaatay in asaga naftigiisu ku jiray halgan gobanimadoon ooy ka ahayd taariikh uruurin.

Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad. Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah. Anigu markaas waxaan ka mid ahay Guddiga Dhexe ee Leegada (Comitato Centrale) oo Xamar fadhigiisu yahay. Anigoo ka khudbeeynaya Naadiga habeen Axad ah sidii caadadu ahaan jirtey, waxaan iri “ Waxaa habboonaan lahayd in 8 Talyaani ah la dilo meesha hal kaliya laga dilay”. Subaxdii ayaa Dhiinsigu ii yeeray, waxaana la ii musaafiriyey magaalada Eyl.

Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay doroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954. Markaas ayaa Talyaanigu quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada.

Waxaa farxad iyo raynrayn noo ahayd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka Soomaaliyeed. Calankaas farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda Leegada.

Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan hananweeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadii.

Ururkii SYL wuxuu ahaa urur u dhaq dhaqaaqa xornimo doonka Soomaaliya sanadihii 1943 ilaa iyo 1960-kii, waxaana ururkii gaarsiiyey Soomaaliya xornimada, gaar ahaan wuxuu awoodiisa xoogeeda ka jirey koonfurta Soomaaliya iyo qeybo kale oo ka tirsan dhulka Soomaaliyeed.

Sannad Guuradii 68aad ee Halgankii
Xisbigii SYL – 15 May 1943

Waxaa maanta ii faraxad ah in marka hore aan hambalyo iyo boogaadin ba halkaani uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah   sannad guuradii 68aad ee ka soo wareegta xisbigii gobanima doonka ahaa ee S.Y.L 15 May 1943.

Waxaan ilaahay ugu baryeenaa inuu u naxriisto inta ruux ee ku shahiiday oo naftoodda u soo huray xornimadda aynu maanta haysano, inta nool na waxaanu Eebbe ugu rajayneynaa in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, waxaana ilaahaya ka baryeenaa in ummadda soomaaliyeed quluubtooddii isku soo dumo oo dhibatadda ku habsatay Eebbe ka qaado, si loo gaaro midnimo iyo horumar.

Maanta oo ah   sannad guuradii 68aad xisbigii S.Y.L. ee koonfurta soomaaliyeed iyo SNL ee waqooyi soomaaliyeed halgankooddii oo barbar socday halganka SYL, waa maalin weyn, waa na maalin aan la ilaabi Karin oo ku taala laabyadda shacabka soomaaliyeed . Inta aan la aasaasin xisbigii gobanimadoonka ahaa ee SYL waxaa la sameeyey urur ay ku kulmaan dhallinyaradda oo la magic baxay SYC( Somali Youth Club ) oo ahaa urur aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay gumeysigii ingiriiska   markaasi dalka ka talinaayey mar na ma oggaleyn in ay kulmaan dhallin yaradda iyo wax garadka soomaaliyeed .

Ururka SYC muddo ka dib wuxuu noqday urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 ah , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga , iyaga oo aad u diidanaa siyaasadda gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun, dhallinyaraddaasi daacada u ah dalkooda iyo dadkooda ba waxay si weyn xil isaga saareen sidii shacabka soomaaliyeed xornimo loo gaarsiin lahaa.

Ugu dambeyntiina ilaahayna ku garab galay in ay dalka ka saaraan gumeysiga. Ururkaani baaqiisu wuxuu ahaa Axyaa waddani , soomaaliyeey toosooy iyo qabiil qaran ma dhiso iyo kuwa kale oo xambarsan qiiro wadaninimo, kuwaaso qiiro ficil ah ku abuuri jirtay dadweynaha soomaaliyeed waddaniyadda qiimahay ay leedahay iyo gumeysi naceeb.

Ururka SYL durbadii ba wuxuu ku talaabsaday guulo waa weyn oo ay ka mid yihiin inuu kasbado kalsoonidda dadweynaha soomaaliyeed , ka dib markii uu u soo bandhigay dastuurkii uu ku hogaamin lahaa shacabka soomaaliyeed, dastuurkaasi oo ku xusay in la helo soomaali weyn oo xor ah .

Dastuurka xisbiga waxaa ugu waa weyn oo ka mid ahaa in diinta islaamka dalka lagu hogaamiyo, in la radiyo midnimadda ummadda soomaaliyeed, in la cirib tiro dhaqamadda xun xun oo ay ka mid yihiim qabiilka iyo qabyaaladda iyo is quursiga , in la horumariyo aqoonta, hidaha iyo dhaqanka suuban iyo in la qoro afka soomaaliyeed, sidaasi darted xisbigu waxaa u suurta gashay in si fudud ujeedooyinkiisa u gaarsiyo gobollada dalka oo idil , sidaasi darted xisbiga SYL waxaa u suurta gashay in uu xafiisyo ka furo gobolada dalka taasoo kordhisay caraddii gumeysiga uu u qabay shacabka soomaaliyeed .

Waxaa xusid mudan sannadkii 17/08/1946kii odayaashii SNL oo ay ka mid yihiin Suldan Mohamud Shire, Suldaan Ali Muse , Suldaan Mohamed Faarax iyo Suldaan Hersi Abdillahi in ay warqad u qoreen Colonail Office , Downing street London S.WI waxay dawladda ingriisa ay ka codsadeen in soomaali mideysan uu gaarsiiyo xornimo maadaama uu ingriisa ganta ku hayo, Somaliland territory, Somali South Territor,Somali West Territory , Somali NFD territory .

Waxayna ka codsandeen Colonial Office in qaybta France uu gumeysta oo ah Djabouti inuu ingriiska gorgortan la galo dawlada france sidii loo helo soomaali weyn, waxayna qoraalkooddii   ku cadeeyeen in aysan marna raali ka noqon doonin in soomaali la qayb qaybiyo.

Odayaasha waqooyi iyaga oo ka sahqeynaaya mideynta soomaaliya waxay markii ay taariikh ahayd 17/07/1947kii ay warqad kale u qoreyn {The war Office – London}, maadaama ummaada soomaaliyeed 5 qayb loo qaybiyey:

·         British,

·         Fraance,

·         Italia iyo

·         Ethiopian

Waxay ingriiska ay ka codsadeen in la mideeyo ummadda soomaaliyeed sidii loo helo somaali weyn “Bansomalisim” .

Waxaa xusid muddan munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee aasaaskii ururka SYL , waxaa ka soo qayb galay wafuudii kormeerka ku kala soo bixiyey goboladdii 5ta soomaaliyeed ahayd , ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn , lana wacyi geliyo dadweynaha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ba, sidii loo helo midnimo soomaaliyeed si loo tuso wafuuddii ka imaaneysi United Nations.

Haddii aan tusaale ahaan u soo qaato kormeerkaasi waxa hogaaminaayey:

·         Mudane Maxamed Ahmed Ottavio

·         Mudane Axmed Allore

·         Mudane Ladane

Mudanayaal kale oo aan xusus ku soo koobi karin balse , taariikhda ummaadda soomaaliyeed xusi doonto haddii ilaahay raali ka noqdo , Waxaa kale oo xusid muddan in aan halkaani ka sheego dhallinyaraddii ka tirsaneyd Somali Signal Squadro oo door weyn ka qaatay in ay kormeerayaasha ku guuleystaan kormeerkoodda maxaa yeelay meel alla meeshii ay cagata dhigaanba waxaa taar ka hormari jiray dhallinyaradaasi Somali Signal Squardro, kuwaasoo   ay ka mid ahaa :-

·         Cabdiraxmaan Alfaas

·         Cabdisaaq Xaaji Xuseen

·         Cabdi Adan

·         Cali Xirsi Jano gale

·         Saajin:Cabdullah Xuseen

·         Saalax Xuseen

·         Omar Xuseen

Dhallinyaraddii ku kala baahsaneyd goboladda soomaaliyeed oo idil, si ay u barayrujiyaan dadweynaha ku nool gobaladaasi isla markasina ay ku wacyi geliyaan waddaniyadda iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed, dhallinyaradaasoo gacan weyn ka geystay inuu najaxo kormeerka wafuudda SYL ay ku maraayeen 5ta soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa :-

·         Maxamed Raaji Maxamed

·         Cali Food

·         Axmed Qamac

·         Xeero Xaaji

·         Ibraahim Baalay

·         Dheere Maxamed Shariif

·         Xasan Colow

·         Cabdulqadir Qararac

·         Adan Tasame

·         Xuseen Ramadaan

Kuwa kale oo aan halkani xusuus aan ku soo koobi Karin maxaa yeelay dhallinyaraddu aad iyo aad ayay u badnaayeen, guusha ugu weyn uu kormeerkaasi laga gaaray waxay ahayd kalsoonida iyo mideynta ummadda soomaaliyeed .koormeerayaashii waxay caddeeyeen in ummadda soomaaliyeed meel kastaba ha joogeen ay diyaar u yihiin midnimada ummadda soomaaliyeed, waxay xuseen dhibaatooyinka hortaag halganka gobannimo doonka soomaaliyeed ay tahay qabiil iyo qabyaaladda oo ku abuurtay mujtamaca soomaaliyeed is naceeb iyo kala qaybsanaan.

Dhallinyaraddii horseedka xisbiga waxaa ka mid ahaa:

·         Adan Carte

·         Adan Gurey

·         Warsame Jooglaqe

·         Osman Galay

·         Maxamed Gaagaale

·         Cabdikariim Beerweyne

·         Warsame Joqof

·         Abuu Raas

kuwa kale oo aan xasuusanin oo door weyn ka qaatay la dagaalanka qabyaaladda , kuwaasoo fahmay in qabiilku caqabad uu ku yahay halganka ummadda soomaaliyeed .Waxayna guul la taaban karo ay ka gaareen in ay soo af jaraan colaaddii dhex taalay walaalaha soomaaliyeed .

Waxaan la ilaabi Karin doorkii gabdhaha soomaaliyeed oo xiligaasi la oraqn jiray Sisters door weyn ayay ka soo qaateen halgankii xornimadda, kuwaasoo naf iyo maalba u huray sidii loo gaari lahaa xornimo, waxaa kamid ahaa Xaawo Osman Taako oo lagu dilay albaabka Leegadda hortiisa iyo Timiro Cukaash oo ay ku dhashay xabsiga gumeysiga dhexdiisa iyo kuwa kale oo aan xasuus ku soo koobi karin.

Gabdhahaasi waxaa ka mid ahaa:

·         Xalima Kulmiye                Xamar

·         Xalima Soofe                     Xamar

·         Xaawi Osman Taako        Xamar

·         Raaxo Ayaanle                   Xamar

·         Faduma Xaashi                 Baydhaba

·         Timiro Cukaash                 Kismaayo

Munaasabaadaasi oo lagu xusaayey sanad guuraddii 5aad waxaa heeso wadani ah ka soo jeediyey Abwaankii weynaa Qasim Hilowle (Iskiifo) , heesahaasi oo shacuur wadanimo ku abuurtay dhamaan shacbiga soomaaliyeed oo ka soo qayb galay munaasabaddaasi.

Waxaa mudadaasi dalka ku sugnaa wakiilo ka socda afartii dawwladood oo ku guuleystay dagaalkii 2aad ee Adduunka oo kala ah Ingriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka , kana wakiil ahaa United Nation, kuwaaso odorasaayey in dadweyna soomaaliyeed ay u bisil yihiin hanashadda xoriyada.

Guddigaasi afarta ah waxay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka jiray:

·         So4mali Youth League (S.Y.L)

·         Hamar Youth Club     (HYC)

·         Patriotic Beneficient Union

·         The Arab Community

·         The War Veterans

·         The Somali Young …. Qabiil ku magacdarsaday

·         Hindaitul Islam

·         Comitato Rappresentativo Italiano

Ururka la magac baxay patriotic Benefiecient Union ay isku bahaysteen 7 urur oo yar yar oo lagu tiriyo in ay gacan saar la leeyihiin talyaaniga (Pro-Italia) , kuwaaso dhamaan ka soo horjeedday iraadii shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la gaaro xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey in ay shacabka soomaaliyeed maanta diyaar u ahayn in xornimo la gaarsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood in lagu jiro gacanta Talyaaniga.

Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nation taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948 la kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka soomaaliyeed.

Guddigaasi wuxuu ka koobnaa:

1.     Mudane Xaaji Maxamed Xuseen                   – Guddoomiye

2.     Mudane Cabdullahi Ciise Moxamud               – Xoghaye

3.     Mudane Maxamed Ahmed                             – Xubin

4.     Mudane Xaaji Faarax Cali                               – Xubin

5.     Mudane Sharif Maxamed C/raman                 – Xubin

6.     Mudane Xaaji Bashiir Ismaciil                       – Xubin

Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo ka wakiil ah xubnaha SYL , guddiga United Nations ka hortiisa ka soo jeediyey warbixintii xisbiga SYL ,warbixintaas oo lagu codsanayey United Nations ka in si deg deg ah oo aan shuruud lahayn ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo in inta himiladaasi laga gaarayo afarta dowladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah United Nations .

Waxaa kale oo xusid muddan xisbigii Hamar Youth Club (HYC) oo ay isku mabaadii ahaayeen xisbigii SYL oo ay ka wada sinaayeen in shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo taam ah , xisbiga HYC hogaamiyaashiisu na waxay is bar bar taageen halganka gobanimadoonka ah , waxaana warbixintiisa halkaasi ka soo jeediyey Muddane : Maxamed Abukar Abooke .

Waxaan guddiga Hamar Youth Club ka koobnaa:

1.     Mudane Xaaji Muxyadiin Xaaji Cali             – Guddoomiye

2.     Mudane Sheekh Cumar Xaaji Yusur               – Xoghaye

3.     Mudane Aweys Dheere Diinle                         – Xubin

4.     Mudane Dheere Xaaji Dheere                         – Xubin

5.     Mudane Maxamed Abukar Abooke                 – Xubin

6.     Mudane Axmed Shariif Cali Fakhradiin         – Xubin

Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay kuwaasoo u kala qaybsanayeen xaga fikirka, kuwa xornimadood ah iyo kuwa ka soo hor jeedda oo mucaarid ah, hase yeeshee guddigii markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL, iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed, NFD iyo Djabouti ee xiligaasi ku sugnaa Muqdisho, kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo, waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodi na ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

Si wada jir ah xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd rabitaanka ummadda soomaaliyeed in ay hesho xornimo taam ah. Qoraalkaasi waxaa U.Nation ka u gudbiyey Muddan Maxamoud Jaamac Uurdoox oo qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah . Isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan xornimo taam ah muddo 10 sannaddood ,taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta

Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo   soomaaliya, taaso dawladda ingriiska ka careesisay. United Nation ka waxay go’aansadeen in koonfurta soomaaliya gacanta loo geliyo dawladda talyaaniga muddo 10 sannadood ah lagu gaarsiyo xornimo., iyadoo xisbigii SYL aad iyo aad uga soo horjeeday in mar kale talyaaniga gacanta loo geliyo konfurta soomaaliya hase yeeshee qorshaha SYL wuxuu ahaa in 4 dawlad waa weyn in ay maamulaan arrimaha soomaaliya.

United Nation waxay soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad walbana ay u gubiyaan warbintoodda United Nationka . Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii iyo July 1, 1960kii maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Shacabka soomaaliyeed waxaaan kula dardaarmayaa in u soo jeestaan horumarka dalkoodda oo ay iska ilaabaan wixii horay u dhacay oo xumaan ah oo la is cafiyo isla markaasi na ay soo af jaraan colaadda iyo kala go’a maanta dalka ka jira, hal hayskoodina uu noqdo AXYAA WADANI, QABIIL QARAN MA DHISO.

Runtii waddaniyadda ayaa lagu gaari kara horumar iyo midnimo ummadda soomaaliyeed , loogana bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, looma baahana qarnigaani 21ka ah in qabiil iyo qabyaalad wax lagu qaybsado taa soo maanta ka muuqata hab dhismeedka barlamaanka dawladda ay ku dhisan tahay hab qabiil oo lagu soo xulay cadaalada daro iyo dulmi, balse waxba waxay dhaamaan sidaasi darted dawladda maanta jirta in la taageero si ay u gudato waajibaadda ay ummadda u hayso in kastoo ay cadaalad daro ku dhisan tahay, waxaana loo baahan yahay in dawladda fursad iyo waqti ba la siiyo   sidii ay hawsheeda u gudan lahayd haddii ba ay wax qaban karto .

Waxaana kula talin lahaa in ay soo afjaraan khilaafka iyo is maandhaafka madaxda sare ee dawladda , maxaa yeelay shacabka soomaaliyeed oo maanta ku kala dhibaataysan guddaha iyo dibadda ba waxay idinka filaayaan in aad wax u qabtaan, mucaaradka hubeysana waxaan kula tali lahaa in ay badbaadiyaan oo aysan baneysanin dhiiga ummadda soomaaliyeed isla markaasina ay ka qayb qaataan horumarinta iyo dhismaha dalka si loo badbaadiyo shacabka soomaaliyeed oo ku dacdareysan meel kasta , sidaasi ayay ku soo noqon kartaa haybaddii qaranimo iyo magacii soomaaliyeed uu lahaan jiray iyo nabadgalyaddii dalka lagu yaqaanay, waxaan dhallinyaradda manta jirta ugu baaqayaa in ay dalkoodda wax u qabtaan, kana samata bixiyaan musiibadda maanta ku habstay shacabka soomaaliyeed.

 

Qalinkii: Abdikareem H Isse 

Comments

Popular posts from this blog

Sanad guuradii mamulka Galmudug 14-August

Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Sameyntii dagalkii qabooba ee African gar'ahaan Somalia iyo Congo DRC