9kii sano ee democartic-ga iyo dawalad dhisidii 60kii
xasuus 9sano ee democratic-ah iyo 60kii dawalad disidii.
Dib-umilicsi 10kii sano ee
xukuumadii dakhiliga ahaydd, seynu fahano dhisida dawladda 60kii.
21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay Mamulkii daakhiligaa ee uu reysal-wasraha ka ahaa abdulahi ciise maxamud
Abdulahi isse mahmud
cabdulahi ciise maxamuud
wuxuu 10kii sano ee dawalad gadhsiinta Somalida uu qabatay wax-yaalo badan oo
ay kamid tahay isu diyaarinta dawladnimada lixdanka oo lagala wareegayo
talyaaniga mamulka runtii c/laahi aad ayuu ugu dadalay suu usameyna lahaa dawalad
dhameystiran oo talyaaniga kala wareegta mamulka- waxayalaha 10-ka sano ee
c/laahi lagu xasuusto waxa kamida, sameentii calanka markii 12ka Oktoobar 1954
la taagay calanka Soomaaliyeed. Calankaas farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa
lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda
Leegada.
Sidokale waxa-yala lasmeyay
waxa kamida qabashadii doroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954, taaso ahayd
fariin ay soomaalidu u direysay qaramada midobe iyo “four power committee”
Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya,
Sameyntii
hayaddaha ciidanka,
12kii abril 1960 iyadoo mudadii xoriyada ka dhiman tahey 2
bilood iyo 19 maalmood ayaa la asaasey milateriga soomaaliya waxaana taliye
looga dhigey janaraal daa,uud cabdulle oo noqdey janaraakii xooga dalka soo
maliya ugu horeyey
General daud abdulahi hirse
Booliiska soomaliya waxaa taliye looga dhigey janaraal
maxamed abshir oo noqdey janankii ugu horeeyey ee booliiska soomaaliya general
maxamed abshir muuse
General Mohamed abshir muuse
ISRAACII KONFUR IYO WAQOOYI.
1- 1960kii waxaa laga taagay koonfurta soomaaliya calanka
soomaliya, caasimada soomaaliya waxey noqotey muqdisho isla habeenkaas waxaa
lagu dhawaaqey midowga waqooyi iyo koonfur. halkaas waxaa ka biloowdey
neecoowdii xoriyada waxaana nasiib u yeeshey in uu noqdo madaxweynihii ugu horeyey ee soomaliya Aadan
cabdule cismaan allaha u naxariisto,
halkaas waxaa ku dhameystirmey nidaamkii dowladnimo iyada ay
dhineyd doorashadii madaxweynaha iyo 1 luulyo oo calanka la saaro, halkaas
waxaa ku dhamaatey doowlad hoosaadkii uu hogaaminayey c\laahi ciisi waxaa muddo
ka dib lasoo gaarey xoriyadii 26-6-1960 ayaa la taagey calan soomaaliyeed oo
xor ah waxaana laga taagey gobolada waqooyi oo dhan waxaana hogaamiye ka noqdey
maxamed ibrahim cigaal ilaah ha u naxariisto isaga iyo hogaamiyayaashii waqooyi
xiligaas waxey noqdeen muwaadiniin niyad fiican, suurta geliyeyna in waqooyi
iyo koonfur midoobaan. Maxamed Ibrahim
cigaal
waxaana loo dhaariyey 1 sano oo kumeel gaar ah aden adde,
xiligaas wadanku wuxuu lahaa barlamaan wuxuuna aadan cabdile u magacaabey
r\wasaare, c\rashiid cali sharmaarke oo noqdey r\wasaaririhii ugu horeyey
soomaaliya oo xor ah.
aadan cabdule cisman
abdirashiid ali sharmarke
Wuxuuna soo magacaabay c/rashiid dawlad ka kooban 13 xubnood
oo wasiiro ah, waxayna kala ahaayeen
Macyadda |
Wasarrdaha |
Cabdi xassan buuni, |
r/wasaare ku xigeen |
C/laahi ciise maxamuud |
arimaha dibada |
C/risaaq xaaji xuseen |
arimaha gudaha |
Max'd ibrahiim cigaal |
difaaca |
C/qaadir soobe |
maaliyada |
Sh cali jimcaale |
cafimaadka |
Cali jaamac garaad |
tacliinta |
Sh c/lle warsame |
. ganacsiga |
Cali max'd hiraab. |
warfaafinta |
Max'ud axmed maxamed. |
cadaalada |
C/nur max'd xusen |
arimaha bulshada&isgaarsiinta |
Axmed xaaji ducale |
beeraha |
cisman max'd ibrahim |
arimaha soomalida |
Dawladaas oo kumeel gaar ahyed waxay soo diyaarineyeysay dastuurkii dalka, runtiina way ku guuleysteen mudo hal sano ah iney kuso diyaariyaan, waxaaana gobalada dalka oo dhan la gaarsiiyay sidii loogu codeyn lahaa dastuurka, bishii julay 1961dii ayaa loo codeyay dastuurkii soomaliya ku dhaqmi lahyed isla bishaana waxaa dhacday doorashadii madaxwaynaha si aan oga baxno kumeel gaar, waxaana ku tartamay aadan cabdule oo madaxwayne kumeel gaar soo maray iyo shekh cali jimcaale oo ahaa wasiirkii cafimaadka waxaana ku guuleystay aadan cabdule cismaan oo markale noqday madaxwaynahii soomaliya shircigeedu dhanyahay, waxaana loo dhaariyay mudo 6 sano ah, wuxuuna markale magacaabay r.wasaare c/rashiid cali sharm'arke, c/rashiid wuxuu markale soo magacaabay gole wasiiro oo ka kooban 11 xubnood, oo kuwii kumeel gaarka ahaa u badnaa intooda badanyed wasaaradahoodi lagu so celiyay, kuwa yarna xilkoodi waayeen, 20kii july 1961kii wuxu r/wasaaraha si rasmi ah ugu dhawaaqay liiskii golaha wasiirada oo kala ah
c/risaaq xaaji xuseen |
Arimaha gudaha |
Sheikh cali ismaciil |
difaaca |
c/qadir soobe |
maaliyadda |
Maxamed Ibrahim igaal |
Tacliinta |
Cali jamac garaad |
beeraha |
Sheikh cali jimcaale |
Cafimaadka |
Sheikh cali Mahmud |
Warshadaha iyo ganacsiga |
Cali max'd hiraabe |
Warfaafinta |
Max'uud max'd |
cadaalada |
C/nur max'd |
Arimaha bulshada iyo isgaarsinta |
Halkaasna waxaa ku dhamestirmay nidaamkii dawaladnimo oo
kaamil ah oo sharcigeedi u dhanyahay waxaana bilaabatay in calaaamka xiriir
nala yeeshaan, dawlado badana safaarado keensadeen inkastoo qaar joogen oo ay
yimadeen 1960kii, hadana 1961kii waxaan noqnay dawlad haysata kalsoonida
shacabka oo barlamaankooda matala dadka iyo dawladana way isku xirnaayeen
inkastoo wagaas aqoontu iska yareed dadku hadana niyad ayey hayeen iney wadankooda
u shaqeyaan waxna bartaan,
dawladana dhaqaale badan ma heysan inkatoo mashruucyo
bilowdeen sida warshada sonkorta ee jawhar oo la aasaasay 1962kii, Iayadoo
dhaqaalah dalka kor usoo kacay oo aan afar jirsanay ayaa dagaal inala kashay
dawlada itoobiya 1964kii oo ahyed boqortooyo da'a weyn hadana niyad sami dadka
iyo xooga dalka ayaan isaga caabinay, waxyna ciidamada xooga dalka muteys teen
abaal marino guud, wuxuuna madaxwaynahe aadan cabdule iyo taliyihiisa ciidamada
jenraal
dauud & cabdule bilad sharafayo siiyeen ,
v
Korneel abdulahi yuusuf axmed
v
Jeneraal salad gabeyre kadiye
v
Korneyl cimi-nuur tarey
v
Saynab xaaji baxsan
v
Mustafe xaaji nuur oo wariye ahaa
Taasi waxey ku tusineysaa dhiirigalinta ku deyashada
leh,
Dagaalkaas oo aan guulo xoog leh kaso hoyiney hadana wuxuu
nugu reebay khilaaf dhex marey madaxda sare ,
Khilaafkii adden adde iyo c/rashiid
r/wasaare c/rashiid markuu arkay in mareekanku ujanjeero
dhinaca itoobiya ayuu wuxuu go'aansaday in uu ruushka oo aan xiriir la laheyn
1961kii in uu u raad sado saanada malitari iyo tababarka ciidamada si uu nooga
caawiyo ayuu kala soo hishiiyay inuu tagay 1964tii,
taasi kuma uusan
qancin madaxwayne aaden cabudle cisman oo u janjeeray dhinaca reer galbeedka,
taasi waxay keentay in waqtigii dawlada kalsoonida weydiisan lahyed
baarlamaanka ay soo dhaweyd, taasoo madaxwaynuhu ka biyo diiday in lasoo celiyo
c/rashiid cali markale lana siiyo codka barlamanka balse baarlamaanku waxa ay
tageersanayeen r/wasaaraha, arinkaas madaxwaynuhu muu aqabalin waxayna kaliftay
in madaxwaynaha uu soo magacaabo r/wasaare kale 1964tii wuxuuna noqday c/risaaq
xaaji xuseen,
Kadib dood badan dhex martay baarlamaanka iyo madaxwaynaha
ugu dabneyntii c/risaaq ayaa la magaacabay,
Abdirisaaq xaaji
xusien
Doorshadii 1967
1967 waxaa dhacdey doorashadii madaxweynaha oo u dhacdey si
fiican baarlamaanka soomaliyedna muujiyeen dimoqoradiyad dhab ah waxaana
doorashadaa ku guuleystey mudane c\rashiid
cali sharm, arke allaha u naxariisto oo noqdey madaxweynihii 2aad ee
soomaliya mudane aadan cabdule alaha u
naxariistee wuxuu xilkii ku wareejiyey c\rashiid si sharaf leh wuxuuna noqdey
madaxweynihii u horeyey Africa oo si
dimoqradi ah ku wareejiyey xukunkii waxeyna taasi dhaxal siisey in uu soomaaliya
magaalooyinkeeda ku dhex maro si xor ah isagoo aan cidi ilaalineyn tanaasulkii
ku deyashada mudnaa oo uu muujiyey.awgeed
1967 waxaa xilka madaxweynaha loo dhaariyey c\rashiid cali
sharmaarke wuxuuna r\wasaare u magacaabey maxamed ibrahim cigal oo ahaa
muwaadin taariikh leh tanaasul badana sameyey 1960 isagoo wax shuruud ah la
gelin waqtigaas masuuliyiintii koonfurta somaliya kuna qancey in uu noqdo
wasiirka difaaca ee u horeyey somaliya oo xor ah.
1967 cigaal wuxuu noqdey allaha u naxariistee r\wasaarihii 3aad oo somaliya oo xor ah, halkaas waxaa ka sii socdey nidaamkii barlamaaniga ahaa waxbarashadii iyo dhaqaalihii kor ayey u kaceen waayo waxaa jirtey dowlad haysato kalsoonida dadka niyada dadkuna wey fiicneyd caalamkuna soomaaliya waa u hanqal taagayey waayo soomaliya waxey ku taal meel istiraatiiji ah dunidana waagaa waxaa ka jirey loolan u dhexeya bari iyo galbeed, heshiisyo ayey doowladu gashey, mashaariic badan bey biloowday waxa kamid ah warshada canaaha ee muqdisho oo la aasasay sanadkii 1966kii iyo warshada dharka ee balcad sido kala golahi shacbaka oo la dhisay 1968dii, sido kale dugsiaga sare ee badaandir iyo hospitalka badanadir, waxa mashaariicdaas kamid ahaa dugsigsa sare ee 15ka may iyo kuwa kale oo badan, doowlado badan oo afrikaan iyo carab ah ayaan ka horeyney, waayo dunidu horomarkaan tiknoolojiga ah waxey gaartey afartan kii sano oo aan caalamka ka maqneyn ee aan isdilaynay.
Qalinkii : Abdikareem H Isse
Comments