9kii sano ee democartic-ga iyo dawalad dhisidii 60kii

 

xasuus 9sano ee democratic-ah iyo 60kii dawalad disidii.

 

  Dib-umilicsi 10kii sano ee xukuumadii dakhiliga ahaydd, seynu  fahano dhisida dawladda 60kii.

21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay Mamulkii daakhiligaa ee uu reysal-wasraha ka ahaa abdulahi ciise maxamud

Abdulahi isse mahmud

cabdulahi ciise maxamuud wuxuu 10kii sano ee dawalad gadhsiinta Somalida uu qabatay wax-yaalo badan oo ay kamid tahay isu diyaarinta dawladnimada lixdanka oo lagala wareegayo talyaaniga mamulka  runtii c/laahi  aad ayuu  ugu dadalay suu usameyna lahaa dawalad dhameystiran oo talyaaniga kala wareegta mamulka- waxayalaha 10-ka sano ee c/laahi lagu xasuusto waxa kamida, sameentii calanka markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka Soomaaliyeed. Calankaas farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda Leegada.

Sidokale waxa-yala lasmeyay waxa kamida qabashadii doroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954, taaso ahayd fariin ay soomaalidu u direysay qaramada midobe iyo “four power committee”

Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya,

Sameyntii  hayaddaha ciidanka,

12kii abril 1960 iyadoo mudadii xoriyada ka dhiman tahey 2 bilood iyo 19 maalmood ayaa la asaasey milateriga soomaaliya waxaana taliye looga dhigey janaraal daa,uud cabdulle oo noqdey janaraakii xooga dalka soo maliya ugu horeyey

General daud abdulahi hirse


 

Booliiska soomaliya waxaa taliye looga dhigey janaraal maxamed abshir oo noqdey janankii ugu horeeyey ee booliiska soomaaliya general maxamed abshir muuse

General Mohamed abshir muuse


 

ISRAACII KONFUR IYO WAQOOYI.

1- 1960kii waxaa laga taagay koonfurta soomaaliya calanka soomaliya, caasimada soomaaliya waxey noqotey muqdisho isla habeenkaas waxaa lagu dhawaaqey midowga waqooyi iyo koonfur. halkaas waxaa ka biloowdey neecoowdii xoriyada waxaana nasiib u yeeshey in uu noqdo  madaxweynihii ugu horeyey ee soomaliya Aadan cabdule cismaan allaha u naxariisto,

halkaas waxaa ku dhameystirmey nidaamkii dowladnimo iyada ay dhineyd doorashadii madaxweynaha iyo 1 luulyo oo calanka la saaro, halkaas waxaa ku dhamaatey doowlad hoosaadkii uu hogaaminayey c\laahi ciisi waxaa muddo ka dib lasoo gaarey xoriyadii 26-6-1960 ayaa la taagey calan soomaaliyeed oo xor ah waxaana laga taagey gobolada waqooyi oo dhan waxaana hogaamiye ka noqdey maxamed ibrahim cigaal ilaah ha u naxariisto isaga iyo hogaamiyayaashii waqooyi xiligaas waxey noqdeen muwaadiniin niyad fiican, suurta geliyeyna in waqooyi iyo koonfur midoobaan. Maxamed Ibrahim cigaal  

 

waxaana loo dhaariyey 1 sano oo kumeel gaar ah aden adde, xiligaas wadanku wuxuu lahaa barlamaan wuxuuna aadan cabdile u magacaabey r\wasaare, c\rashiid cali sharmaarke oo noqdey r\wasaaririhii ugu horeyey soomaaliya oo xor ah.

 aadan cabdule cisman  


abdirashiid ali sharmarke


Wuxuuna soo magacaabay c/rashiid dawlad ka kooban 13 xubnood oo wasiiro ah, waxayna kala ahaayeen

Macyadda

Wasarrdaha

Cabdi xassan buuni,

r/wasaare ku xigeen

C/laahi ciise maxamuud

arimaha dibada

C/risaaq xaaji xuseen

arimaha gudaha

Max'd ibrahiim cigaal

difaaca

C/qaadir soobe

maaliyada

Sh cali jimcaale

cafimaadka

Cali jaamac garaad

tacliinta

Sh c/lle warsame

. ganacsiga

Cali max'd hiraab.

warfaafinta

Max'ud axmed maxamed.

cadaalada

C/nur max'd xusen

arimaha bulshada&isgaarsiinta

Axmed xaaji ducale

beeraha

cisman max'd ibrahim

arimaha soomalida

 

Dawladaas oo kumeel gaar ahyed waxay soo diyaarineyeysay dastuurkii dalka, runtiina way ku guuleysteen mudo hal sano ah iney kuso diyaariyaan, waxaaana gobalada dalka oo dhan la gaarsiiyay sidii loogu codeyn lahaa dastuurka, bishii julay 1961dii ayaa loo codeyay dastuurkii soomaliya ku dhaqmi lahyed isla bishaana waxaa dhacday doorashadii madaxwaynaha si aan oga baxno kumeel gaar, waxaana ku tartamay aadan cabdule oo madaxwayne kumeel gaar soo maray iyo shekh cali jimcaale oo ahaa wasiirkii cafimaadka waxaana ku guuleystay aadan cabdule cismaan oo markale noqday madaxwaynahii soomaliya shircigeedu dhanyahay, waxaana loo dhaariyay mudo 6 sano ah, wuxuuna markale magacaabay r.wasaare c/rashiid cali sharm'arke, c/rashiid wuxuu markale soo magacaabay gole wasiiro oo ka kooban 11 xubnood, oo kuwii kumeel gaarka ahaa u badnaa intooda badanyed wasaaradahoodi lagu so celiyay, kuwa yarna xilkoodi waayeen, 20kii july 1961kii wuxu r/wasaaraha si rasmi ah ugu dhawaaqay liiskii golaha wasiirada oo kala ah

c/risaaq xaaji xuseen

Arimaha gudaha

Sheikh cali ismaciil

difaaca

c/qadir soobe

maaliyadda

Maxamed Ibrahim igaal

Tacliinta

Cali jamac garaad

beeraha

Sheikh cali jimcaale

Cafimaadka

Sheikh cali Mahmud

Warshadaha iyo ganacsiga

Cali max'd hiraabe

Warfaafinta

Max'uud max'd

cadaalada

C/nur max'd

Arimaha bulshada iyo isgaarsinta

 

Halkaasna waxaa ku dhamestirmay nidaamkii dawaladnimo oo kaamil ah oo sharcigeedi u dhanyahay waxaana bilaabatay in calaaamka xiriir nala yeeshaan, dawlado badana safaarado keensadeen inkastoo qaar joogen oo ay yimadeen 1960kii, hadana 1961kii waxaan noqnay dawlad haysata kalsoonida shacabka oo barlamaankooda matala dadka iyo dawladana way isku xirnaayeen inkastoo wagaas aqoontu iska yareed dadku hadana niyad ayey hayeen iney wadankooda u shaqeyaan waxna bartaan,

dawladana dhaqaale badan ma heysan inkatoo mashruucyo bilowdeen sida warshada sonkorta ee jawhar oo la aasaasay 1962kii, Iayadoo dhaqaalah dalka kor usoo kacay oo aan afar jirsanay ayaa dagaal inala kashay dawlada itoobiya 1964kii oo ahyed boqortooyo da'a weyn hadana niyad sami dadka iyo xooga dalka ayaan isaga caabinay, waxyna ciidamada xooga dalka muteys teen abaal marino guud, wuxuuna madaxwaynahe aadan cabdule iyo taliyihiisa ciidamada jenraal dauud & cabdule bilad sharafayo siiyeen ,

v  Korneel abdulahi yuusuf axmed

v  Jeneraal salad gabeyre kadiye

v  Korneyl cimi-nuur tarey

v  Saynab xaaji baxsan

v  Mustafe xaaji nuur oo wariye ahaa

Taasi waxey ku tusineysaa dhiirigalinta ku deyashada leh,  

Dagaalkaas oo aan guulo xoog leh kaso hoyiney hadana wuxuu nugu reebay khilaaf dhex marey madaxda sare ,

Khilaafkii adden adde iyo c/rashiid

r/wasaare c/rashiid markuu arkay in mareekanku ujanjeero dhinaca itoobiya ayuu wuxuu go'aansaday in uu ruushka oo aan xiriir la laheyn 1961kii in uu u raad sado saanada malitari iyo tababarka ciidamada si uu nooga caawiyo ayuu kala soo hishiiyay inuu tagay 1964tii,

 taasi kuma uusan qancin madaxwayne aaden cabudle cisman oo u janjeeray dhinaca reer galbeedka, taasi waxay keentay in waqtigii dawlada kalsoonida weydiisan lahyed baarlamaanka ay soo dhaweyd, taasoo madaxwaynuhu ka biyo diiday in lasoo celiyo c/rashiid cali markale lana siiyo codka barlamanka balse baarlamaanku waxa ay tageersanayeen r/wasaaraha, arinkaas madaxwaynuhu muu aqabalin waxayna kaliftay in madaxwaynaha uu soo magacaabo r/wasaare kale 1964tii wuxuuna noqday c/risaaq xaaji xuseen,  

Kadib dood badan dhex martay baarlamaanka iyo madaxwaynaha ugu dabneyntii c/risaaq ayaa la magaacabay,

Abdirisaaq xaaji xusien


 

Doorshadii 1967

1967 waxaa dhacdey doorashadii madaxweynaha oo u dhacdey si fiican baarlamaanka soomaliyedna muujiyeen dimoqoradiyad dhab ah waxaana doorashadaa ku guuleystey mudane c\rashiid  cali sharm, arke allaha u naxariisto oo noqdey madaxweynihii 2aad ee soomaliya  mudane aadan cabdule alaha u naxariistee wuxuu xilkii ku wareejiyey c\rashiid si sharaf leh wuxuuna noqdey madaxweynihii u horeyey Africa  oo si dimoqradi ah ku wareejiyey xukunkii waxeyna taasi dhaxal siisey in uu soomaaliya magaalooyinkeeda ku dhex maro si xor ah isagoo aan cidi ilaalineyn tanaasulkii ku deyashada mudnaa oo uu muujiyey.awgeed

1967 waxaa xilka madaxweynaha loo dhaariyey c\rashiid cali sharmaarke wuxuuna r\wasaare u magacaabey maxamed ibrahim cigal oo ahaa muwaadin taariikh leh tanaasul badana sameyey 1960 isagoo wax shuruud ah la gelin waqtigaas masuuliyiintii koonfurta somaliya kuna qancey in uu noqdo wasiirka difaaca ee u horeyey somaliya oo xor ah.

1967 cigaal wuxuu noqdey allaha u naxariistee r\wasaarihii 3aad oo somaliya oo xor ah, halkaas waxaa ka sii socdey nidaamkii barlamaaniga ahaa waxbarashadii iyo dhaqaalihii kor ayey u kaceen waayo waxaa jirtey dowlad haysato kalsoonida dadka niyada dadkuna wey fiicneyd caalamkuna soomaaliya waa u hanqal taagayey waayo soomaliya waxey ku taal meel istiraatiiji ah dunidana waagaa waxaa ka jirey loolan u dhexeya bari iyo galbeed, heshiisyo ayey doowladu gashey, mashaariic badan bey biloowday waxa kamid ah warshada canaaha ee muqdisho oo la aasasay sanadkii 1966kii iyo warshada dharka ee balcad sido kala golahi shacbaka oo la dhisay 1968dii, sido kale dugsiaga sare ee badaandir iyo hospitalka badanadir, waxa mashaariicdaas kamid ahaa dugsigsa sare ee 15ka may iyo kuwa kale oo badan, doowlado badan oo afrikaan iyo carab ah ayaan ka horeyney, waayo dunidu horomarkaan tiknoolojiga ah waxey gaartey afartan kii sano oo aan caalamka ka maqneyn ee aan isdilaynay.

 


Qalinkii :  Abdikareem H Isse

Comments

CrytoMirror said…
Hormar wacan Mudane

Popular posts from this blog

Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Safiirkii Nabadda Abdiqadir Yahye Ali

Sameyntii dagalkii qabooba ee African gar'ahaan Somalia iyo Congo DRC