Posts

Showing posts from August, 2024

Sanad guuradii mamulka Galmudug 14-August

Image
Milicsi 18-sano kadib asaskii Mamulka galmudug iyo tariikhdii macan iyo qadhadh ee soo martay. Calanka mamulka Galmudug Asaskii iyo bilowgii Galmudug   Sanadkii 2006 ayaa mamulka lagaga dhawaqay dhanka koonfureed ee magalada galkacayo waxana madaxweyne loo doortay AUN rugcada-diplomasiyaded mudane Maxamed Warsame Cali (Kiimiko) oo somaliya safiir uga ahaan jiray qaramada midoobe sanadkii 1977, Sidokale Amb: maxamed warsame cali (kiimiko) waxa uu hore u ahaa safiirkii Somaliya ufadhiyi jiray Washington sanadkii 1980. Amb Maxamed Warsame Cali kiimiko  Kadib doorashdii amb. Maxamed warsame cali (kiimiko) galmudug waxa ay ahyd kaliya magac-uyaal oo dhulka intiisa badan ee maanta galmudug kataliso waxa gacanta ku hayay mamaulo kale sida mamulkii (Xibin iyo Xeeb) ee cadaado iyo culimadii (Ahlusuna waljameca) ee fadhigoodu ahaa dhusamareeb iyo qaybo kamida oo al-shabab uu haysta, duruftaas iyadoo ay ku sugan tahay mamulkii uu madaxweynaha ka ahaa AUN mohamed warsame cali (kii...

Labo iskumida dhanka kalitalisnimada lakin kala dhaxal duwan Sheikh Hasina iyo maxamed Siyad Barre

Image
  Labadii kaligii talaye ee kala talada fiicnaa Sheikh Hasina reyslawasaraha Bangladesh iyo Mohammed Said Barre madaxweynihii hore ee Somaliya. Reysalwasaarihii Bangladesh oo si dhuumasho ah ugu baxsanaysa diyaarad military   Malmihii ugu danbeyay taliskii maxamed siyad Barre iyo dhacdadii loyaqaan jimca madow (Balck Friday) 1989 iyo fursadii ugu danbeysay ee Somaliya lagu badbadin kari lahaa bayankii (Manifesto) Mugdisho waxa kadhacay sanadkii 1989 dhacdo loo bixiyay jimcihii madooba(black Friday) shacabkii kunoola mugdisho iyo cimadada kofiyad cast ee ilalada khaaska ah ee madaxweyne Maxamed Siyad Barre iskuna qoys ahayeen ayaa iska hor-imaad ku dhexmaray magalada gar'ahaan masjidka sheikh cali suufi, hayadaha xuququl isanka wax ay shegeen qiyaastii 400 oo qof iney ku dhinteen dhacdadan halka 1000 ku dhawacmeen, isla dhowar malin kadib ayaa waxa dhacday xasuuqii looyaqanay (Jazeera genocide) oo cidmadii maxamed siyad Barre ay ku dileen 40 nin oo hayb ahaan loo soo xulay oo k...

Sameyntii dagalkii qabooba ee African gar'ahaan Somalia iyo Congo DRC

Image
Sameyntii xumeed ee dagaalkii qabooba ku yeeshay Africa, isbarbardhig dilalkii Abdirashid Ali sharmarke madaxweynihii Somaliya iyo Patrice lumumba reysalwasaarihii Congo DRC. ARAAR. Dagalkii qabooba ee udhaxeyay dawaladii waaweyna ee kala hogaminayay xolufadooda ee kala ahaa mareykanka iyo Soviet union (USSR) waxa uu bilowday dhamadkii dagalkii 2aad ee aduunka 1945 waxa uuuna dhamaday sanadkii 1989 kadib markii uu burburay midowgii Soviet oo uu xogahayaha guud uu ka ahaa Mikhail Gorbachev. Dagalkii 2aad ee aduunka markii uu dhamaday ee laga adkaday kooxdii (Axis powers) ee kala ahaa Germany, Italy, Japan iyo xolufadoodi ayaa guuleystayshii dagalkii 2aad ee aduunka (alliance powers) oo ay gadhwadeen ka ahayeen dawlada kala ah, mareykanka, Soviet union, ingiriis-ka iyo France, ayaa waxa dhacay 2 shir oo u dhaxeyay dawaladihii ku guuleystay dagaalkii 2aad ee aduunka shirarkas waxa lakala odhan jiray (YALTA CONFERENCE) iyo (POSTDOM CONFERENCE) labaadas shir waxa ay daranayeen sidii ...