Sameyntii somaliya ee dagalkii "Clash of civilization"
Dagaalka calamiga ah ee ka-dhanka ah Argagixisadda "Global war on terror" iyo isku dhaca xadaradaha "Clash of civilization" iyo sameyntii ay ku yeelatay Somaliya.
Araar
Sanadkii 1991 waxa aduunka ka dhacay isbadal aad uweyn oo dhanka Nidaamka Awooda Aduunka sameyay "Global order" waxa sanadkii 1989 Burburay awoodi midowgii Soviet ee tartanka kula jirey mareykanka iyo galbeedka gar'ahaan dhanka Falsafadda dhaqalaha, siyasada iyo dhanka hubka "Nuclear Race" iyo Hawada sare, burburkaasi waxa uu keenay in nidaamkii aduunka uu isbadal ku yimaado halkii markii hore intusan burburin midowga Soviet uu nimanka aduunka ahaa (Bipolar system) nidaam labo awoodod isu dheli-tirayaan, lakin burburkii kadib nidaamka aduunka waxa uu noqday (Unipolar system) awood hal dhinac oo kaliya iney aduunka maamusho waana Mareykanka. Sibadalkaas aduunka ku yimid 1991 aqoonyahano badan oo dhanka siyaasada "political scientists" ayaa wax ka-qoray, aqoonyahinitas waxa kamid ah, prof. Francis fukuyama iyo prof. Huntington, prof. Francis fukuyama ayaa waxa uu qoray buug uu ugu magac-daray "THE END OF HISTORY AND THE LAST MAN" (dhamaadkii tariikhda iyo ninkii ugu danbeyay) prof. Francis fukuyama waxa uu ku doodaya in tariikhda aduunka ay dhamatay cid danbe oo mareykanka iyo rer-galbeedka kahor imaneysa ineysan jiri doonin amaba tartan danbe lagaleysa dhan dhaqaale, siyaasad, Hub amaba technology. Lakin macalinkiisi hore prof. Huntington ayaa u-jawaabay ardaygiisi hore isagoo tusaya inuu il-duufay waxa uuna qoray buug uu ugu magac-daray (CLASH OF CIVILIZATION) "isku dhaca xadaradaha" prof. Huntington waxa uu leyahay hada wixii kadanbeya waxa laysku diriraayo waxa ay salka ku hayaan Diin, Dhaqan, halkii markii hore dowlad dawlad iyo afkaar siyaasiya laysku dirirayay, sida a) liberal iyo fascist dagaalkii 2 lagu diriray, b) liberal Democracy iyo socialism lagu diraray dagaalkii qabooba. Prof. Huntington waxa uu ku doodaya in hada wixii kadanbeysa "post cold war era" waxa lagu diriraya uu noqon doono Diin iyo Dhaqan. Walina uusan dhamaan tartankii lagula jirey rer galbeedka. Waxa xusid mudan in sida uu sheegay prof. Huntington ay dhacday oo aan aragnay dagaalka ka dhex qarxay mareykanka iyo ururada islamiga ah, dhacdadii 11 December 2001 Ka-dib aduunka waxa uu galay dagaal uu mareykanku cilaamiyay oo uu ugu magac-daray (War on terror) mareykanku waxa uu ku-duulay Iraq iyo wadamo badan oo islam ah oo uu ku eedeyay iney gacan-sar la leyihiin argagixisada.
Somaliya waxa ay u noqotay Shaneemo (theater of clash of civilization)
Horaantii sanadkii 2000 Somaliya waxa ka curtay dhaqdhaqaq islaamiya oo ay gadh-wadeen ka ahayeen wadaado iyo dhalin yaro aan waaqica aduunka aan aad ug dharagsaneen, nasiib daro waxa ay gacantooda ku doonteen iney dhex ordaan waxa uu ugu yeedhay prof. Huntington "clash of civilization" oo aan kor kaga soo hadlay, taasina waxa ay dhashay wixii dhacay iyo in Somaliya noqotay theater ay rer galbeedka iyo ururadii islamiga ay movie ku dawadaan, waxaana xusid mudan in sanadkii 2004-5 ay hayadda xasaradaha calamiga " international Crisis Group" IGG ay warbixin ay Somaliya ka qoreen ciwaan uga-dhigay (SOMALIA MIGH POSSIBLY BE NEXT AFGANISTAN IN HORN OF AFRICA) tanina waxa ay ahayd "WAKE UP CALL" baaq loo-dirayay mareykanka iyo rer-galbeedka oo darana dhaqdhaqa islamiga ah ee ka-socday somaliya ee midowgii maxkamadaha horkacayeen. Baraarug la,aanta iyo biseel la-aanta ayaa usabab ah ayaa la'odhankara inaney dadka somaliyeed aysan ahayn dad tariikhda wax-kabarta sidii hore usoo dhacday. somalida isbadal kast oo aduunka ka-dhaca waxa uu ku yeesha isbadal xun, lagasoo bilaabo "1884-5 Partition of Africa by European powers" qaybsahdii Africa ee gumeystihi rer Europe oo somalidu dhibane unoqotay xuduudihii gumeystaha uu ku kala qaybiyay somalida, ilaa dagaalkii 2 aduunka oo somalida unoqotay dhibane markaas oo ingiriis-ka dhul somaliyeed ku warejiyay Ethiopia, ilaa dagaalkii qabooba oo Somaliya dhex oroday quwadihii isku hayay "East block iyo West block" taaso keentay in wadanka ciidamo lawareegan madaxweynihii wadankana la-dilo sida ka dhacday meelo badan oo aduunka gar'ahaan Africa sida Congo DRC oo reysalwasaarihii ugu horeyay ee wadankaas oo lagu magacaabi jirey Patric lumumba ladilay sanadkii 1962 sida madaxweyne Cabdirashiid cali sharmarke lodilay oo kale. Sidokale isbadalkii aduunka ka dhacay 1991 ee burburkii midowgii Soviet (post cold-war conflict era) sameyn xun ayuu Somaliya ku yeeshay oo dawladii dhexe ayaa 1991 burburtay, taaso keentay dagaalo sokeeye oo ilaa hada meelo badan oo wadanka ka dhacayaan.
Comments