Portugiiskii iyo somalida geeska

Bilowgii gumeystihii rer Europe ee Porutages iyo somalida iyo tariikhdii somalida ee "medieval period"

Somali archaeological sites 
 

Hordhac

Xiligii dhexe ee tariikhda ee loo garan og-yahay "middle age ama medieval period" gar'ahaan mudadii danbe ee "middle age" iyo tariikhdii Somalida iyo wixii Pourtages kala qabsaday.

Horaantii qarnigii 15 waxa dunida ka bilowday tartankii ugu horeyay ee wadamada rer Europe gar'ahaan Portugese iyo Spanish ay bilaabeen kasoo waqtigaas loo bixiyay (Age of discovery) ama (Age of exploration) taaso micnaheedu yahay "waqtigii shacinta" iyo "waqtigii sahaminta" hadaan ku hor maro si aan fah-fahin dheraad ah uga sii bixiyo labadan xili.

(1) age of discovery, oo aan kor kaga soo hadlay waxa uu si guud u noqonayaa waa markii ugu horeysay ee rer Europe ay gadhaan qaraddaha  America iyo Australia, gar'ahaan America waxa helay sahamiyihii rer talyaani ee la'odhan jiray Christopher Columbus sanadkii 1492- 1504, sidookale xiligan "age of discovery" waa markii ay heleen rer Europe marinka isku xira Europe iyo India ee marra koonfurta Africa waxaana helay sahamiyihii rer Pourtages ee la'odhan jiray (Vasco da Gama) sanadkii 1498.


(2) age of exploration waxa uu daba socday "age of discovery" markii lahelay marino iyo dhulal ayaa ay noqotay in laga fa'iideysto waxaana waqtigan looyaqan " A First wave of European colonization" dabeyshii ugu horeysay ee gumeystihii rer Europe, waxaana bilaabay Portugese iyo Spanish waxa ayna ka bilabeen qaraddaha America iyo Australia oo ay ubixiyeen (New World)  halka dunida inteeda kale sida Africa iyo Asia ay yidhahdeen (Old world) Kadib ayaa wadamad kale ee rer Europe sida Dutch, UK, France iyo kuwo-kale ay talabadoodi qadeen oo saami Ka heleen qarada America oo waqtigaas la-kala qaybasanayay sidii Africa ka dhacday sanadkii 1884 "A second wave of European Colonization". Waxa xusid mudan sidookle in waqtigan ay bilaabantay Adoonsigii loo yiqiinay (Transatlantic Slave Trade) ka ganacsigii adoomaha ee African-ka, tiro lagu qiyaasay 12 million oo African ah ayaa qaradda Africa laga qafaashtay si loogu shaqeysto Europe iyo America.

Somalida iyo Pourtages.

Xiligan waxa looyaqana tariikhda somalida "history of Somalia in medieval period" waqtigan somalida waxaa ka talinayay si'guud marka kor-laga eego boqortoyooyin ay kamid ahayeen Ajuran, Mogadishu empire, Ifah sultan, adal sultan, boqortoyayinkan mid waliba meel ayay xukumeysay oo kamid ah dhul weyna somalidu maanta dagantahay, Pourtages oo saan hore kor uga soo hadlay ahaa waqtigaas awoodihii rer Europe midii ugu weyned taaso bilowday sahanka qaraddaha iyo gumeysiga ayaa xeebaha geeska Africa qaar kamida qabsaday sida Tanzania, Kenya, xeebaha somalida dhanka koonfur Somaliya ayaa Pourtages damac ka galay inuu qabsado waxase xusid mudan in waqtigan koonfurta Somaliya ay maa-muleystay Bortooyadii weyneed ee Ajuran, waxaa dagaal dhexmaray Portuguese iyo Bortoyadii Ajuran waxaana laysku helay magalada "Barawe" halkaas oo dagaal qadhadh uu kadhacay, Pourtages waxa uu duqeyay magalada Barawe iyo magaloyin kale oo xeebta ku teedsan sida Mugdisho, Marka, iyo Cadale. Nasiib daro Pourtages waa uu ku guul-dareystay inuu qabsado oo uu gumeysto dhulkan oo Boqortoyadii Ajuran ay ka talineysay.

Gunaanad

Hadaan somalida iska-cabin lahayn gar'ahaan Bortoyoyinkii waqtigaas Somaliya kajiray oo ay ugu horeyso Ajuran empire, dulankii Portuguese soomali badan oo silsilado ku xidhan ayaa uu u qafaali lahaa America iyo Europe si uu u adoonsado waxa ayna qayb ka noqon lahayeen (transatlantic Slave trade)


Adoonsisigii rer Europe ee Africanka "transatlantic Slave trade" waxa uu 100% ka xumaa gumeysigii rer Europe ee Africanka ee dhacay sanadkii 1884-5 

Comments

Popular posts from this blog

Sanad guuradii mamulka Galmudug 14-August

Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Sameyntii dagalkii qabooba ee African gar'ahaan Somalia iyo Congo DRC