xasuus reryadii gumeysiga.
“Imatinkii gumeysigii rer Europe ee
dhulwaynaha somaliyed
Somali peninsula ama Somali
mainland”
Sida ku xusan balalka tariiikhda,
tariikhduna inoo shegayso nimankii cadcada ee rer Europe waxa ay dhulka
somaliyeed yimadeen dhamadkii qarnigii 19aad “late 19century” waqtigaas guud
ahaan Africa waxa kadhacay tartan kulul oo u dhaxeyey wadamada rer Europe,
dawladahaas qarkooda waxa ay donayeen dhul
ay ka gurtaan waxyalaha qaliga ah sida! DAHABKA, DHEEMANTA,CUDBIGA, NAXAASTA,
DHUXUSHA, FOOLKA MAROODIGA, iyo alaabta warshadaha lagu socod-siiyo “geo-economic”
qarkoodna waxa ay doonayeen iney kahelaan cuntooyin aan dhulkooda laga helin,
qarkalana waxa ay donayeen dhul ay kaduulan “geopolitics” hadii uu dagaal
kadhaco dunidda guudkeeda ama ay dawwladaha kale cirir galiyaan “sanction”
cunaqabteen dhanka ganacsiga, tartankaas
oo ay qolo waliba dooneysay in ay danteeda garto ayaa waxa uu keenay heshiiskii
magalada “Berlin Germany lagu kala qortay sanadkii 1884-kii,
Heshiiskii labaad ee berlin
kadhacay bishii February sanadkii 1885 ee Africa lagu qaybsaday ayaa waxa uu
furay tartan cusub, heshiiskas qodobadiisa waxa kamid ahaa “in
dawladkasta oo heshiis ladhigata dad dhul dagan ay gar uledahay in xalalsato
ganacsiga dhulkaas marka ay ogeysiiso dawladihii heshiiskas kaqayb galay”
Sidaa daradeed ayaa
ingiriiska sanadkii 1885 oo gumeysiga amanduleu ahaa degey xeebaha waqooyi iyo
gobolada koonfur galbeed ee dalka somaliya, sidaas oo kale ayaa Frances saldhig uga sameytay xeebta oboth ee Djibouti
sanadkii 1883, talyaaniga oo isaguna qayb ka ahaa wadamadaas rer Europe ee
bililqada u tafa xatay ayaa talyaanigu xeebta benaadir ka ijaartay suldaankii
sanjibaar, talyaaniga iyo suldaankas waxa dilaal u ahaa ingiriiska oo Germany ka
fogenayay xeebta Africa-da barri,
Xabashida oo ahayd
dawlad African ah ayaa iyaduna tartankaas kaqayb gashay waxayna boobtay HERER
sanadkii 1897kii iyadoo ingiriisku ku tageray qabsashadedii, isla markaa
xabashidu HERER kuma ay ee kaane ee iyadoo ingiriisku marwalba gacan siinayo
ayay dalka somaliya hore usoo gashay oo sadex jeer oo kala duwan marba
meelqabsatay, ilaa ay soogartay xudud ku sheega beenadka ah ee u dhaxeya
somaliad iyo xabashida,
Comments