Labadii kacaan ee Somaliya iyo Masarida

 

isbarbardhigii labadii kacaan ee somaliya iyo masar iyo awood iska hor-imaadkii,

Somaliya mudo markii laga soo wareegay inqilaab-kii ayaa golihii sare ee kacaanka ay iska hor-yimaadeen sababo laxirira awooda iyo siyaasada, alle’haunaxriiste korneyl salaad gabeyre kadiye iyo general maxamed siyaad barre ayaa iska hor-yimid iyagoo labadoduba kawada tirsanaa golihii sare ee inqilaabka kula wareegay wadanka taladiisa, salaad gabeyre kadiye waxaa jirtay waxyaa lo badan oo uu qoonsaday wuxuuna isku dayay inuu inqilaab military ku sameeyo saxib kiisii hore maxamed siyaad barre, hadaba maxamed siyaad bare iyo salaad gabeyre kadiye maxay isku seegen, xasuusin waxan kasoo xigtay buugu ladhaho “Raad-Rac Taariikhda Somaliyeed” oo uu qoray amabassador cawil cali duaale oo ahaa goob-jooge waqtigaas joogay, wuxuu ku bilaabay sidatan,

Korneyl salaad gabeyre kadiye wuxuu kamid ahaa sarkiishi sar-sare ee xooga dalka somaliyeed waxa uu ahaa sarkaal dhhiran oo aan baqdin aqoon waxa uu gabadh ka qabay alle’haunaxariiste madaxweynihii hore ee somaliya aadan cabdule cusmaan adden (adde), maxamed siyaad bare si uu salaad gabeyre ugu qanciyo in uu inqilaabka ka qayb qaato wuxuu u balan qaday salaad gabeyre inuu aadan cabdule cusmaan iyo cabdirisaaq xaaji xuseen uu ku socelinaayo xukunka, waxa uu ahaa balan qaad aan waxba kajirin oo aan sidiisa u hirgalin, sidaas ayuu salaad gabeyre kadiye ku aqbalay inuu ka qayb qaato inqilaabka dhacay 21 october 1969-kii kaaso ay sameeyen sarakiishi uu hogaaminayay jeneral maxamed siyaad barre, salaad gabeyre kadiye waxa uu ku soo biray waqtiyadii ugu danbeysay inqilaabka diyaarintiisa iyada oo shaxda laysla dajiyay, hawlgalinta afgambiga isaga ayaa  gacanta kobaad logaliyay isaga ayaa meel walba kamuuqday, maxamed siyaad barre iyo sarkiisha rer waqooyiga waa ay isqarinayeen si-aaney dareen diidmo ah ugu abuurin sarkiisha sar-sare ee kasoo jeeda beelaha hawiye, waxa kale oo jirtay in 70% askartu kasoo jeeden beesha hawiye, amabassador cali cawil duaale arintan sii fahfahinaaya waxa uu yiri, askartaas waxa laga qoray mugdishu iyo deegamada ku hareereysan, muuqalka salaad gabeyre kadiye ee uu hawlgalinta inqilaabka gacanta ku hayay kalsooni ayay ku abuurtay sarkiishi iyo askartii kasoo jeeday beesha hawiye oo hadii ay kasoo hor-jeestaan lahayeen ay  sifudud ufashilin lahayeen inqilaabka uu soo qorsheyay maxamed siyaad barre, sarkiil kasoo jeeday belaha hawiye oo ku tilmaaman geesinimo iyo khibrad ayaa kamida aha ciidanka xooga dalka somaliyeed kuwaas oo aan ka xasuusto ayuu yidhi amabassador cawil cali duaale, korneyl maxamed faarax caydiid, korneyl cabdale barre, korneyl ibraahim doonyaale, korneyl maxamed nuur baarqab, korneyl abokar gacal, korneyl nuur cadow iyo kuwo kale oo aan halkan kusoo kobi kareen ayuu yiri ambassador cawil cali duaale, kalintaas weyn ayuu salaad gabeyre kadiye kaqaatay kalintii inqilaabkii 21 octobar ee ciidamada, golihii sare ee kacaan-ka ee uu maxamed siyaad bare dhisay salaad gabeyre kadiye xubin buu kanoqday, waxa kale oo lagu magacaabay wasiirka gashandhiga ee jamuuriyada waxase salaad gabeyre ka cadheysiyay markii uu ogaday in sodogii madaxweynihii hore alle’haunaxriiste aadan abdule cusmaan iyo ra’iisal wasaare cabdirisaaq xaaji xuseen iyo jeneraal maxamed abshir muuse iyagana la xirxiray oo xabsiga loo taxabay, iyaga oo wax-xil ah oo dawladnimo aan markaas hayni, dhawar maalmood kadib ayuu  korneyl salaad gabeyre kadiye alle’haunaxariiste afgooye tagay halkaasi ooay ku xirnaayeen madaxdii dawladii la-inqilaabay waxa uu amar ku siiyay talyihii ciidanka ilaalada in uu siidaayo aadan abdule cusmaan, cabdirisaaq xaaji xuseen iyo jeneraal maxamed abshir muuse, talyihii ilaalada isaga oo fulinaaya amarkii wasiirka gashan-dhiga ayuu sadix-dii masuul halkaas kasiidaya, waxa ay arintani naxdin iyo baqdin ku abuurtay jeneraal maxamed siyaad barre iyo sarkiishi golaha sare ee kacanka markii ay ogaadeen in aadan adde, cabdirisaaq xaaji xuseen iyo maxamed abshir muuse ay suuqa joogan, waxa ay moodeen in ciidan kasoo horjeeda inqilaabkaay xoog-kusoo furteen isla galabtiiba waxa sadixdaa siyaasi dib-loogu celiyay halkii ay ku xirnayeen ee af-gooye oo ay kula xidh-nayeen ra’iisalwasarihii hore  maxamed xaaji ibraahim cigaal iyo wasiiradiisi, korneyl salaad gabeyre kadiye waxa uu ahaa shaqsi dhiiran oo aad isugu kalsoon taas oo ka-indho saabtay inuu sir-yeesho siyaasadna hawshiisa ku waddo, wuxuu u arkay inaaney maxamed siyaad barre iyo sarkiisha rer-waqooyi aysan lugo adag-aaney ku tagneyn isaga oo ka cadheysan balankii maxamed siyaad barre kaga baxay ayuu ku dhaqaaqay inuu abaanulo inqilaab uu kuridaayo dawaladda, sarkiisha uu salaad gabeyre laxiriiray waxa kamid ahaa korneyl maxamed sheikh cusmaan oo katirsanaa golaha sare ee kacaanka isla markaana wasiir ka ahaa dawlada militiriga, wuxu maxamed sheikh cusmaan arintii lasocd-siiyay jenenal maxamed caynaanshe oo ahaa madaxweyne ku xigeen, wuxuu maxamed caynaanshe kula taliyay maxamed sheikh cusmaan in aanu ka-qeyb galin inqilaabka uu wado ee uu ku hawlan yahy salaad gabeyre kadiye, amabassador cawl cali duaale oo xasuus-qorkiisan ku saabsan isku day-gii inqilaabkii alle’haunaxriiste salaad gabeyre kadiye waxa uu yidhi maxamed caynaanshe shaqsiyan muu jeckayn salaad gabeyre waxa uu u arki jiray sarkaal aan sal-adag aan lahaynoo fudud, maxamed sheikh cusmaan wuxuu arintii u sheegay xaskiisa maymuuna culusow xaskii maxamed sheikh cusmaan ayay arintii warwar galisay waxayna ka baqday in arintan ay ninkeeda galaafato, dhawr maalmood kadib ayaa maymuuna culusow utagtay maxamed siyaad barre waxayna ku tidhi arin culusa ayaan rabaa inan kula socod-siiyow, intanan arintaas ku sheegin waxaan rabaa inaad dhar-imartid in aad nin-keyga wax dhibaata ahi kasoo gadheen, maxamed siyaad barre waa uu u dhartay haweynaydii maymuuna ee ahayd xaskii maxamed sheikh cusmaan arintii sidii ay ahayd ayay ugu gud-bisay maxamed siyaad barre, wuxuu maxamed siyaad barre ka-codsaday in ay u keento maxamed sheikh cusmaan goob-joogna ay ka ahaato wada-hadalkood maxadweyne maxamed siyaad barre markii uu la-kulmay maxamed sheikh cusmaan wuxuu ka codsay in arinka inqilaabka lawado salaad gabeyre lana socod-siiyo talaabo kasta oo uu qaado, fashilaadi ku timid qorshaha inqilaabkii salaad gabeyre kadiye waxa door-weyn kaqatay talabadaasi uu maxamed sheikh cusmaan kaga war-bixinayay dhaqdhaqii salaad gabeyre kadiye iyo sarkiishi kula jirta arintan, wey jireen arijmo kale oo sabab u ahaa fashalinta inqilaabka  oo ay ugu weynaydd sir la’aanta iyo kalsoonidii xad-dhaafka ahayd ee uu qabay alle’haunaxriiste korneyl salaad gabeyre kadiye, dadka cadiga ah eek u nool magalada mugdishu ayaa sheegi jiray inuu salaad gabeyre inqilaab ku hawlan yahay, madaxweyne maxamed siyaad barre talabo talabo ayuu ula socday qorshaha salaad gabeyre kadiye iyo sarkiisha kale, waxaa dhacday inuu maxamed siyaad barre odayaal kasoo-jeeda beesha salaad gabeyre ka codsaday iney u caqli-celiyaan salaad oo eada hadal siyaan si ay isu af-gartaan una heshiyaan, hase ahaate salaad gabeyre waa uu ku gacan seydhay odayaashi, salaad waa nin dhiiran oo go’aan adag, odayaashi uu diray siyaad barre si ay ula-soo hadlaan salaad gabeyre waxaa kamid ahaa, Faarax galoolay faarax, waxa uu ahaa nin aad u xigmad badan aadna loo tixgaliyo amabassador cawil cali duaale oo ka shekeynaaya faarax waxa uu yidhi waan la-shekeysan jiray oo waxa iskaya baray jeneral ismaaciil axmed ismaaciil oo ahaa talyihii ciidanka asluubta, faarax galoolay ayaan waydiiyay ismaaciil axmed in nin cali ducaale la’odhan jiray uu wax caruur ah k tagay wuxuu u sheegay in wiil uu dhalay uu mugdisho joogo waana uu na-kulan siyay wuxuu faarax galoolay iga shekeyay, habkii ay abahay alle’haunaxriiste cali duaale isku barteen, wuxuu yidhi ambassador cawil cali duaale aan kusoo noqdee sheekada, wuxuu faarxa galooley iga shekeyay taladii uu siyay korneyl salaad gabeyre kadiye oo ahayd sidan,

“Salaadow waxa jiray labo macalin oo abgaal ah oo marayay jidka u dhaxeeya jawhar iyo mahaday waxa ay la-kulmeen ciidamadii ingiriiska ee somaliya ka qabsaday talyaaniga oo ay baburtoodu jidkaas mareyso labadii macalin mid ayaa waxa uu sitay waran afweyn leh oo aad lo-sofeyay gaadhi kolan yadda kamid ah ayaa istaagay waxaan akasoo dagay sarkaal ingiriis ah warankii macali fiidow sitay ayuu kaqaaday markii uu sarkalkii af-ingiriis ku qayliyay ayuu naxdintii macalin calasow yidhi (imoyassi) waa eray sawaaxili ah oo maxnihiisu yahay tuug sarkalkii ayaa inta uu eegay macalin calasow ku yidhi imoyassi macalin culusow ayaa yidhi (indiyo) oo ah eray sawaxili ah oo macnihiisu yahay haa, afar askari oo sawaxili ah ayaa kasoo dagay baaburkii oo inta ay macalin fiidow qabteen ku tureen baburka gudihiisa, macalin fiidow ayaa baburkii dushiisa kasoo qayliyay isaga oo ku qaylinaaya macali calasow igala hadal gaalka, macalin culusow waxa uu ugu jawaabay war macalin fiidow labo eray oo sawaaxili ah ayaan aqanay waana labada aan kugu xidhay labo eray oo kale oo aan kugu forto ma’aqaano ee iska raac duco ayaan ku farayaye, salaadow hadaba labo eray oo sidaa calasow taqaanay waa labadii eray ee aad ku xidhay sodogaa aadan adde, abdirisaaq xaaji, maxamed abshir labo eray oo aad ku soo furato ma-taqaanid adigu haka daba-tagin ee ragan dalka qabsaday lashaqayso”

 Faarax galoolay waxa uu ii sheegay buu yidhi amabasador cawil cali duaale inuu salaad gabeyre kadiiday taladii ay odayaashu usoo gud-biyeen ee ahayd iney heshiiyaan isaga iyo jeneral maxamed siyaad barre kadibna maxamed siyaad waxa uu go’aansaday in laqabto salaad gabeyre kadiye.

Maxamed siyaad barre iyo golihii kale ee kacaanka waxa ay qorsheeyeen in laqabto salaad gabeyre kadiye iyaga oo su’aal iska weydiyay hadii wasarada gashaan dhiga laysku dayo in lagu qabto korneyl salaad gabeyre kadiye waxa dhici karta iska hor-imaad ka dhexdhaca askarta lasocota salaad iyo kuwa soo qabanaay, salaad laftigiisa waxa lagu yiqiin geesinimo dheraad ah, feg-jignan iyo dadaal hawlkarnimo, sidaas daradeed waxa la’ogaa inuu dagaalamaayo oo aan si-fudud looqaban kareen tani waxa ay keentay in maxamed siyaad barre iyo ragiisi ay isku raaceen in si xeladaysan loo qabto,

Malin jimce ah ayaa salaad gabeyre kadiye waxa marti-qaad usmeyay maxame cali samater iyo cabdale faadil oo labaduba katirsanaa golihii sare ee kacaanka, hotel xaraf oo wdada afgooye ku yaalay ayay qadada ku balamiyeen ayuu yidhi amabassador cawil cali duaale, salaad gabeyre kadiye waxaa gorigiisa kasoo qaaday jeneral maxamed cali samatar iyo cabdale faadil, qadada dusheedi ayaa ciidan loo sii diyaariyay si ay ugu qabtaan halkaasi salaad waxa ayna u taxabeen xabsiga, arintaas argosigeedi ayaa  cabdalla faadil mugdishu loogu dilay markii ay jamhadii (USC) ay magaalada qabasadeen, niman kasoo jeeda qabiilka abgaal oo hubeysan ayaa kala baxay gurigii jeneral cali xaashi oo uu cabdala faadil magan u ahaa jeneral cali xaashi waxa uu kasoo jeeday beesha kale ee habar-gidir, malintii hadaba salaad gabeyre laqabtay waxa kale oo laqabtay jeneral maxamed caynaanshe guuled oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii labaad iyo korneyl c/qaadir dheel, sadixdoodiba waxa la-horgeyay maxkamadii badbadada ee uu korneyl maxamuud geele gudomiyaha ka’ahaa, wuxuu dhamantood ku xukumay dil toogasho ah iyo in hantidooda dhamantood lala-wareego, korneyl cabdala faadil oo aan wada-sheekaysan jirnay ayuu yidhi ambassador cawil cali duaale waxa uu isheegay buu yiri in jeneral maxamed caynaanshe haba yaraate uusan wax-luga uusan ku lahayn inqilaabkasi dhicisoobay ee uu hogaaminayay alle’haunaxriiste salaad gabeyre kadiye, wuxuu cabdalle igu yidhi labo bilood kahor intii aan la-qaban jeneral maxamed caynanshe ayaa waxa ii yimid kornayl salaad gabyre kadiye oo ahaa wasiirka gashaan dhiga wuxuu ii sheegay inuu maxamed caynaanshe necebyahay oo xataa marka uu salaan military salaamo aanu kaqaadin waxa uu salaad gabeyre iga codsaday inan isugeeyo isaga iyo maxamed caynaanshe markii aan maxamed caynaanshe usheegay codsigiisi salaad wuxuu igu yidhi ha’ii kenin marabo inan lahadlo salaad ama xirir nadhexmaro,  waxa uu kaloo cabdalle fadil isheegay in markii maxamed siyaad barre dalka qabsay in isaga iyo maxamed sharmaan oo labaduba carab ah u diray maxamed caynaanshe si uu usoo galo golaha sare ee kacaanka una noqdo madaxweyne ku-xigeen, cabdale faadil waxa uu yiri sicad ayuu maxamed caynaanshe codsigaas nooga diiday waxa uuna nagu yirir anigu waxa aan aminsanahay in xukun military dhibaato mahane uusan umadan wax wanaagsan u keenaynin hadiise aad haatan aad inqilaabkii fuliseen siiwata xukunkiina bal-weynu eegin halka ay soomali kudanbeysee, ambassador cawil cali duaale oo qisan inooga sii waramaya waxa uu yidhi, cabdalle faadil waxa uu ii sheegay in isaga iyo korneyl cali sharmaan ku yirahdeen maxamed caynaanshe adigoo aan aminsaneen xukun military hadana khibradada waanu ubahanahy ee nala soo gal golaha sare ee kacaanka noona noqo madaxweyne ku xigeenka dalka, todobaad ayay ku qadatay cabdala fadil iyo maxamed cali sharmaan in ay maxamed caynaanshe ku qanciyaan inuu golaha sare ku biro, sida aan dhimashayda uhubo ayuu yidhi amabassador cawil cali duaale ayaan u hubaa in jeneral maxamed caynaanshe usan inqilaabkaas salaad gabeyre waxa lug ah ku lahayn, markii ay maxkamadiisu socotay markhaatiga kaliya ee ku marag furay waxa uu ahaa korneyl maxamed sheikh cusmaan oo sheegay in markii uu salaad gabeyre ku war galiyay inqilaabkiisa uu isla-malintaasi uu utagay maxamed cayananshe, maxamed sheikh cusmaan waxa uu sheegay in maxamed caynaanshe ku yiri salaad gabeyre ayaa iisheegay inuu ku hawlan yahay inqilaanb igana codsaday inaan kala qayb qaato maxamed caynaanshe waxa uu igula taliyay inaan iska fogeeyo salaad gabeyre iyo inqilaabkiisa uu wato,

Dacwad oogihii hadaba dacwadda ku soo ogayay kooxdii uu hogaaminayay jeneral gabeyre waxa uu jeneral maxamed caynaanshe ku eedeyay inuu qariyay inqilaab uu wax ka’ogaa wax-talaabo ahna aanu kaqaadin isla-markaana aanu lasocod siin madaxweyne maxamed siyaad barre, cabdale faadil waxa kale oo uu isheegay in maalin malmaha kamid ah uu maxamed siyaad barre xafiiskisa ugu yeeray kuna yidhi cabdale faadilow waxa aan rabaa inaad shirka golaha sare ee malinta khamiista kasoo jedisid in maxamed caynaanshe xukunka dilka ah ay masxkamda badbaadadu kuriday loogu badalo xabsi labada kalana waa salaad gabeyre iyo cabdiqadir dheel sida ay maxkamadu kudhawaaqday lagu fuliyo xukunka dil-ka ah, cabadle faadil waxa uu isheegay in hadalka maxamed siyaad barre uu ku abuuray dareen farxad badan, markii shirkii golaha sare furmay ayaan istaagay waxaanan hadlakaygii ku bilaabay maxamed cayananshe qof uu yahay iyo shaqsiyadiisa idinka warami maayo waayo waa aydin wada-garaneysan mudane maxamed siyaad barre ma’ahee inteena kale nin aanu maxamed caynaanshe madax unoqon inaguma jiro waa aydin wada xasuusataan hogaamintiisi iyo sidii wanaagsanyd ee uu inoola dhaqmi jiray waxa uu ahaa sarkaal sharaf badan oo ay ciidanku hadii ay sarkiil yihiin iyo hadii ay dab-layaal yihiinba si aad ah u xushmeeyaan waxaan soo jedin lahaa in xukunka dilka ah loogu badalo xabsi dheer, cabdale faadil waxa uu isheegay hadaba in golihii sare dhamaantood uwada riyaaqeen soojeedintasi iyo khudbadaasi uu cabdala faadil kajediyay shirkii golaha sare ee kacaanka somaliyeed, cabdale fadil waxa uu ii shegay buu yiri ambassador cawil cali duaale in golihii sare ay aad usoo dhaweyeen unariyaaqeen arintaasi hase ahaate sarkaal golaha kamid ahaa ayaa kaligii kala horyimid diidmo qayaxan inta uu miiska gacanta ku  dhuftay ayuu sare u qayliyay waxa uuna yidhi bal eega carabkan waxa uu ku hadlaayo niman iqilaab nagu samenayay ayuu leyahay haladhaafo ladhafi maaye waa-ladilaya dhamantood wana latooganaya oo laqarajinayaa, sarkalkaasi hadaba mudoyinkii hore awood xoogleh ayuu ku lahaa golaha sare ee kacaanka, madaxweynuhu kuma uu talabsan jirin waxaanu sarkalkaasi raali ka ahayan marka aanu arin lasoo qaadno waxa uu madaxweyne maxamed siyaad barre nagu odhan jiray anigu waan ogalahya ee sarkaal hebel kusoo qanciya, codsigii aan soo jediyay sidaas ayuu kusuurto galiwayay ayuu yiri korneyl cabadala faafil sarkalkaasana caqabad weyn ku noqday, maxamed siyaad barre arintii maxamed caynanshe sidaas kagama uusan hadhin waxa uu uyeedhay markale jeneral ismaciil axmed, jeneral ismaciil axmed waa talyihii ciidnka asluubta somaliyeed waxa uuna ku yir maxamed siyaad barre maxamed caynaanshe ha’iiso qorto qoraal cafis ah si aan uga joojiyo xukunka dilka ah, jeneral ismaciil axmed waxa uu fariintii maxamed siyaad barre gadhsiyay maxamed caynaanshe, waxa uu maxamed caynaashe ugu jawaabay maxamed siyaad barre wuu ogsoon yahy inan inqilaabka salaad gabeyre waday anan wax luga aan ku lahyan siga ayay u taala hadii uu cafis ii fidinaayo iyo hadi kale, lakin dhici mayso inan warqad u qoro maxamed siyaad barre oo aan cafis kaga dalbanaayo xaasha marnaba arintaasi igama suurto gasho malintayda ayaan dhimanyaa geridayduna gacanta ilahay ayay ku jirtaa, adiguna isamciilow waad mahadsantahy ee dardaranka aan qoyskayga uga tagayo iga qor, mudo bil ah kadib 3 july 1972kii ayaa goor barqo ah barxadii dugsiga booliska kasoo horjeeday lagu toogtay jeneral maxamed caynaanshe, salaad gabeyre kaidye iyo korneyl cabdiqadir dheel dhamantood halkaas ayay ku quur bexeen waxayna.

Marka aad fiirisid halagangii dhanka awood ee dhexmaray maxamed siyaad barre iyo salaad gabeyre kadiye waxa ay isa soo shabahaan kii dhexmaray maxamed najiib iyo Jamaal cabdinaasir iyagoo labadoduba inqilaab ku afgambiyay sanadkii 1952 boqorkii masar ugu danbeyay ee la’odhan jiray boqor farouk, doorkii uu maxamed siyaad barre inqilaabka kasoqatay waxa ay lamkd ahayd doorkii maxamed najiib, doorkii uu salaad gabeyre kadiye uu isaguna kasoo qatay inqilaabka waxa ay ahayd doorkii uu kasoo ciyaaray inqilaabka masar jamal cabdinaasir, hadaba bal aan dib u jaleecsano inqilaabki masar ka dhacay sanadkii 1952 si aan u fahano isbarbardgiga aan sameyay,

Jamal cabdinaasir isaga oo 34 jir ah derejadiisuna ay ahayd gashaanle dhexe ayaa dhalin yaro darejooyinkoodu kala aha ahaayeen dhamme ilaa gaashanle sare oo la baxday sarakiishi (axraarta) ayaa 23kii July 1952 af-gambiday boqor faruuq, kana masafuriyay masar iyaga oo soo reebay wiil yar oo boqorku dhalay oo laba jira ahaa magaciisuna ahaa axmed fu’aad, waxa muuqatay in sarkiishi kalsooni buuxda isku qabin oo labadii talaabo dhexdooda talo ku-darayaan, sidaas uma adka in madaxweyne dal la inqilaabo, laakin boqor isaga iyo abihii iyo awoowayaashiib boqortooyo soo jireen ah ahayeen in la ridaa ma sahlana,

Masar boqortooyo waa laga badelay oo jamuuriyad ayay noqotay, maxamed najiib ayaa madaxweyne loo doortay, wiilkii Ahmed fu’aad halkaas ayaa lagu ilaaway,

Sarakiishi axraarta la baxday intii aanay go’aansan in ay ridaan boqorkii waxa ay ka qayb-galeen doorasho ay ku tijaabinayeen inta kalsooni ciidanka masar u hayeen boqorkii, sanadkiiba mar ayaa la qaban jiray dorashada gudoomiyaha naadiga saraakisha, waxaana la’dooran jiray hadba jeneralka uu boqorku soo xulo, sanadkii 1952-kii ayay sarakiishu sharaxday maxamed najiib oo ahaa jeneralka keliya ee aan boqorka ku xidhneyn, waxaanu ka guuleystay jeneralkii uu boqorku soo xulay, guushaasi waxa ay kamid ahayd waxyalihii dhirigliyay in ay boqor faaruuq inqilaaban,

Sarakiishu waxay ahaayeen dhalinyaro aan la aqoon oo ka cabsanayay in shacabka masar ka hor-yimaado, waxay u baahdeen nin ka da’weyn oo la yaqaano darejadiisuna jeneral tahay in uu hogaamiyo, jagadaas oo ay maxamed najiib u doorteen cabdixakiim caamir oo darejadiisu noqotay marshal waxa waxa laga dhigay wasiirka difaaca,

Liiska saraakiishi golihii sare ee kacaanka masar,

1.     Maxamed najiib

2.    Jamal cabdinasir

3.    Cabdixakiim caammir

4.    Anwar sadat

5.    Gamaal saalim

6.    Saalax saalim

7.    Zakariye muxuyadiin

8.    Khaalid muxuyadiin

9.    Xuseen shaafici

10. Cabdiladiif baqadaadi             

11. Kamaludiin xuseen

12. Xasan ibraahim

Kacaankii masar ee boqor faaaruuq af-gembiyay 1952-kii ilaa 1954-kii horumar balaadhan oo wax ku ool ah ayuu ku talaabsaday, shirkadihii guud kuwo kamid ah ayay lawareegeen, sida tii caymiska insurance-ga,

XUQUUQDA

 DANJIRE AHMED MAXAMED ADAN QAYBE 

buugisa Danjire qaybe iyo calamka 

AMBASSADOR CAWIL CALI DU'AALE

buugisa Rad-raca tariikhada somliya 



Qalinkii: ABDIKAREEM HIRSE ISSE

Comments

Popular posts from this blog

Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Safiirkii Nabadda Abdiqadir Yahye Ali

SOYAALKII ABWAAN AXMED ISMACIIL DIIRIYE OO KUMAGAC DHERAA (QAASIM)