Doorshadii 1961dii

1961dii markii dawladii Adden adde ee kumelgarka ahayd dhamaday mudadii 1ka sano ahayd ee lo igmadday soodiyaarinta dastuurka iyo dhisida haydaha dawlada oo ay kacawinayeen khuburo qaramadda midoobe kasocday,

Doorshadii 1961 ayaa waxa ku tartamay Adden Adde gudoomiyihii hore ee barlamaanka ahaana madaxweynihii halkii sano ee kumeel gadhka ahaa, Adden Adde wuxuu kasocday oo u caleema saratay inuu utartamo xusbigii SYL isagoo Adden Adde uu aha xubin katirsanaa ururka SYL, halka musharixii latartamay ee kasoo horjeeday Adden Adde uu ahaa Sheikh Cali Jimale oo mar kasoo ahaa wasiir dawaldii dakhiliga ee C/laahi Ciise, markii danbana Sheikh Cali Jimale wuxuu katirsanaa golihii wasiirada ee uu C/rashiid soo magacabay halkii sano ee kumeel garka,

Sidookale Shiekh Cali Jimale wuxu katirsanaa xubina ka ahaa ururkii syl ee xoriyadda udirirka ahaa, Adden Adde iyo Sheikh Cali Jimale waxa dhexmaray hardan adag inkastoo ay isku rer ahaayen kana soo jeeden koonfur waqtigaa warbahinta iyo jara’idaduba aaad ayay uga hadlayeen doorasha waxana xusid mudan inhabeenkii doorshada aan magaladda mugdishu  laga seexan,

Ugu danbeyn doorshadaasi waxaa kusoo baxay alle-haunaxriiste Adden abdule cusam oo noqday madaxweynihii ugu horeyay ee somaliya loona dhariyay mudo 6 sano ah waxayna doorashadaasi ku dhamatay nabad iyo si democar-diya, waqtigaas waxa doorasho kadhacday mareykanka oo ay udhaxeysay Democratic Party oo kasocday john f. kennedy  iyo Richard Nixon oo ahaa “republican party” Nixon wuxuu ahaa madaxweyhe kuxigeenkii Dwight D Eisenhower,

 Adden adde waxa uu usomagacabey reysal-wasaare C/rashiid Cali Sharmarke oo ahaa markii hore reysal wasariihii 1sano ee kumeel gadhka ahayd,

C/rashiid wuxuu markale soo magacaabay gole wasiiro oo ka kooban 11 xubnood, oo kuwii kumeel gaarka ahaa u badnaa intooda badanyed wasaaradahoodi lagu so celiyay, kuwa yarna xilkoodi waayeen, 20kii july 1961kii wuxu r/wasaaraha si rasmi ah ugu dhawaaqay liiskii golaha wasiirada oo kala ah,

Magacyadda wadiiradda

Wasaraddaha

c/laahi ciise maxamud

Arimaha dibadda

c/risaaq xaaji xuseen

Arimaha gudaha

Sheikh cali Ismael

Difaaca

c/qaadir soobe

Maliyadda

Mahamed Ibrahim igaal

Tacliinta

Cali jimcale garaad

Beeeraha

Sh cali jimcaale

Cafimaadka

Sh c/llaahi max'ud

Warshadaha iyo ganacsiga

Cali max'd hiraabe

Warfaafinta

Maxamud maxamed

Cadalada

C/nur max'd

Arimaha bulshada iyo isgarsiinta

MAGACABISTII DANJIRAYAASHI UGU HOREYAY SOMALIYEED EE DIBADDA,

Bishii junauary 1961 ayaa dawladdii somaliyeed ku dhawaaqday ama magacwaday 7 danjire oo akala ahaa kuwan soosocda,

1.      Xasan nuur cilmi              (Qaramada midoobe)

2.      Cumar macalim                      (Washington)

3.      Axmed maxamed adan qaybe     (Moscow)

4.      Maxamed cabdi caraale              (London)

5.      Maxamed sheikh xasan             (Roma)

6.      Cabdiraxman caabi faarax      (adisabab)

7.      Cali xuseen gurrac                 (Qahirra)

Sida uu ku xusey buuga danjire axmed maxamed adan qaybe ee ladhaho qaybe iyo caalamka ayaa waxa uu ku xusey in bishii may sandakii 1961 uu Ra’iisal wasaare abdirashiid ali sharmarke ugu tagay Moscow danjire qaybe oo safiir ka ahaa, abdirashiid iyo weftigii uu horkacyaya waxa ay la kulmeen hogaamiyhii midowga soviet mr.  nikkit khrocheshove suu sheegay danjire qaybe oo waagas Moscow ka ahaa safiir waxa uu xaqiijiyay in sovie-ka uu somaliya ugu deeqay afar warshadood oo kala ahaa, “warshadii canaha” “mad-bacadii qaranka ee mugdishu”  “warshadii hilibka ee kismaayo” iyo “warshadii kaluunka ee las-qoray”

Mashariicdaas iyagana wax kamid ahaa laba cisbitaal oo midkiiba qadayay konton 50 sariirood oo laga kala dhisay sheikh waqooyi, iyo waajid koonfur oo dhaqtaro rush ah ay ka shaqenayeen.


waxa qoay:  abdikareem hersi isse.

Comments

Popular posts from this blog

Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Safiirkii Nabadda Abdiqadir Yahye Ali

Sameyntii dagalkii qabooba ee African gar'ahaan Somalia iyo Congo DRC