abdirashiid ali sharmarke ku-hungowgii john kennedy washington DC" iyo lakulankii nikita khrushew moscow.

 Qiyaanadii Sharmaarke ku sameeyey madaxweyne Aadan Cadde balse noqotay danta qaran



Tan iyo bur burkii Dowladdii Soomaaliya ee sagaashamaadkii, dalku kama guurin nidaamkii siyaasadeed ee ku dhisnaa Madaxweyne iyo Raiusl Wasaare, kuwaas oo aan awood badan is dheereyn.

Awoodaha iska ag dhaw ee Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha ee uu isaga soo doorto waxa ay sababtay in ay iska hor yimaaddaan siyaasad ahaan, haba ugu badnaatee dowladihii burka marka laga reebo midda ay hadda hormuudka u yihiin Lada hoggaamiye ee hadda talada haya ee is bedel doonka ah “Reformists), Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre, madaxdii hore iyaguna wey is khilaafi jireen.

Hadaba maxaa dhacay?

Soomaaliya markii ay gobonimada qaadatay waxaa Madaxweynihii ugu horreeyey noqday Aadan Cabdulle Cismaan (Aun) halka uu Raisul Wasaarihii ugu horreeyey noqday Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun), labaduba waxa ay ahaayeen KMG muddo sanad ah, balse markii la ansixiyey aftadii waxaa si rasmi ah 1961 Madaxeyne loogu doortay Aadan Cabdulle Cismaan (Aun), isla sidii ayuu mar labaad Raisul Wasaare ugu magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun).

Valueimpression Placeholder

Soomaaliya xilligaas waxaa wel wel ku hayey dhisidda ciidanka qalabka sida oo awood leh. Taas waxa ay keentay in 1962-kii uu Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) booqashooyin ku maro dalalkii wagaas ugu awoodda badnaa gaar ahaan kuwii reer Galbeedka; Mareykanka, Britain, Germany iyo Italy.

Dhammaan wadamadaas waxa uu ka codsaday Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhisidda ciidamada qalabka sida oo cudud iyo tiraba leh, ha yeeshee, dhammaantood wey ku gacan sayreen iyaga oo isku wada raacay in Soomaaliya loo dhiso 3000 oo ciidan loona qalabeeyo!

Ogow, xilligaas, Itoobiya waxa ay lahayd 30,000 (Sodon kun) oo ah ciidamo Militari oo aad u hubeysan halka ay sidoo kalena lahaayeen 30,000 (Sodon kun) oo kale oo hoos yimaadda sida ciidamada ilaaliyaha boqortooyada (Empire Guards) iyo Boolis.

Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke wey u cuntami weysay sidii ay reer Galbeedku doonayeen waxa uuna go’aansaday in uu xulasho kale raadiyo.

Markii uu dalka ku soo laatay Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa uu go’aansaday in uu la kulmo Madaxweynihii Midowga Soofiyeeti Khrushchev balse waxa uu ogaa in uu ku qasban yahay sugidda bisha Sebteembar si ay waji waji isugu arkaan shirweynaha Qaramada Midoobe ee sanadkiiba bishaas toddobaadkeeda labaad la qabto.

Nasiib Wanaag se, Midowga Midowga Soofiyeeti waxa ay marti-qaad u sameeyeen gudoomiyeyaashii Baarlamaanada ee wadamadii la guumeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd.

Taas, waxa ay farxad galisay Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo helay fursad uu dhambbaal ugu gudbiyo Khrushchev maadaama uu gudoomiyahii Baarlamaanka Jaamac Cabdullaahi Qaalib aadayo Moscow.

Cabdirashiid Cali Sharmarke laba maalin kahor safarka gudoomihii Baarlamaanka Jaamac Cabdullaahi Qaalib ayuu farriin u faray taliyihii ciidamada xoogga Jeneral Da’uud Cabdulle Xirsi si uu ugu sheego in farriin hadal ah “Verbal message)  uu Raisul Wasaaruhu ugu dhiibi doono Khrushchev balse ay sir tahay, xafiiskana labadooda oo wada socda ugu imaan doonaan maalinta xigta.

Cabdirashiid waxaa ku adkatay tegidda xafiiska Jaamac Cabdullaahi Qaalib isaga oo is tusay in tuhun ka dhalan doono haddii maalin kahor safarka gudoomiyaha Baarlamaanka lagu arko xafiiskiisa, waxa uu sidoo kale ka xishooday in uu gudoomiyaha ka dalbado in uu isaga u yimaado.

Cabdirashiid waxa uu u sheegay General Da’uud in ay fariinta ugu sheegi doonaan gudoomiyaha Madaarka/garoonka Diyaarahada, markaas oo ay dad badani sagootin doonaan oo haddii gooni loola boxo aysan shaki dhalineyn.

Qorshihii Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) sidii uu rabay ayuu u fulay waxa uuna farriintii uu doonayey ugu dhiibay Khrushchev oo ahayd “Waxaan idinka codsaneynaa in aad hub iyo tababarba noo siisaan ciidamadeena xoogga”.

Gudoomiyihii Baarlamaanka waxaa ku soo dhaweeyey Mosocw safiirkii waqtigaas Soomaaliya u fadhiyey Axmed Maxamed Aadan (Danjire Qaybe).

Danjire Qaybe waxa uu u sheegay Madaxweynihii Midowga Soofiyeeti Khrushchev in gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya farriin hadal ah (Verbal Message) uga sido Raisul Wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweyne Khrushchev, Guddoomiye Jaamac Cabdullaahi Qaalib iyo Danjire Qaybe waxa ay ku kulmeen Badda Madow (The Black Sea), halkaas oo uu farriintii uu ugu gudbiyey Jaamac Cabdullaahi Qaalib.

Muxuu ku jawaabay Khrushchev?

Madaxweynihii Midowga Soofiyeeti waxa uu ku jawaabay hagaag iyo hawraarsan isaga oo u raaciyey hadalkan “Waan aqbalnay codsigiinna oo wax aan bixinno waxaa noogu fudud hub balse ogaada cadaw ayaad ku yeelan dootaan.”

Si heshiiska looga dhigo rasmi oo loo mariyo qawaanniintii loo baahnaa (Formalities), waxaa Soomaaliya soo aaday Danjire Qaybe oo fududeeyey hawsha maadma uu ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Moscow taas oo aan shaki badan galin lahayn reer Galbeedkii liddiga ku ahaa Midowga Soofiyeeti halka haddii siyaasi kale ama hoggaamiye kale lagu arko safaaradda Midowga Soofiyeeti a tuhun dhalin lahayd.

Qiyaanaddii Qaranka u wanaagsaneyd ee uu Cabdirashiid ku sameeyey Aadan Cadde

Heshiiska si uu u dhaqan galo waxa uu u baahnaa saxiix Madaxweyne, hase ahaatee, waxa uu ahaa qofkii laga qarinayey yaa saxiixaya?

Nasiib wanaag, Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan (Aun) waxa uu safar ku tagay Italy, intii uu maqnaa ayuu Cabdirashiid Cali Sharmaarke (Aun) ka saxiixay Gudoomiyehii Baarlamaanka oo ahaa ku simihii Madaxweynaha markaas Jaamac Cabdullahi Qaalib, halkaasna waxaa sharci ku noqday heshiiskii lala galay Midowgii Soofiyeeti!

Soomaaliya,wixii intaa ka dmabeeyey waxa ay ka baxday canaadkii reer Galbeedka iyada oo taagerero weyn ka heshay Midowga Soofiyeeti oo gaadh siiyey cududdii ciidan ee dalka tii ugu sarreeysay ee Qaaradda Africa.

Waxaan ka soo xigtay General Jaamac Maxamed Qaalib, oo qudhiisa xilal waa weyn ka soo qabtay Soomaaliya barisamaadkii, (Taliyaha Sirdoonka (1962), Taliye Boolis, iyo afar Wasaaradood oo xilligii Dowladii Maxamed Siyaad Barre (Aun)..

Ballan Qaad

Waxaan sheekdan idiinku xijin doonnaa; Wixii qiyaanada kaddib kala qabsaday Madaxweyne Aadan Cadde iyo Raisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Wixii kala qabsaday Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Reer Galbeedka dhacdadan awgeed.

 

Heshiisyadii keenay in la dilo madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke 52 sano 




Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya si dimoqraadi ah loogu doortay, Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa la dilay 15-kii October 1969-kii oo ay kasoo wareegatay muddo ku suntay 50-sano.

Khaarijintiisa oo la rumeysan yahay in ay ahayd mid siyaasadeysan uuna ka dambeeyay askari boolis ah kaasoo ilaaladiisa kamid ahaa ayaa ka dhacay magaaladda Laascaanood. Gacan ku dhiiglaha ayaa durba la toogtay.

Alle ha u naxariistee Sharmaake ayaa 1960-kii illaa iyo 1964-tii wuxuu wasiirka koowaad ee xukuumadda uu u ahaa Aadan Cabdulle Cismaan. Isla markii uu xilku qabtay waxa uu dhiirogeliyay dhaqdhaqaaqyadii gobanimo doonka.

Mudadii uu xafiiska joogay Soomaaliya ayaa dagaalo qaraar la gashay Itoobiya oo ciidamo iyo hub culus haysatay. Kaliya xoogaga Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay saddex kun oo bilaa hub iyo gaadiid ah balse aad u dhiiran.

Hadaladdii taariikhda galay ee aadka loogu xasuusto lagana qabtay intii ay dagaaladdu socdeen oo ay Soomaaliya iska difaacday Itoobiya waxaa kamida “gacan waan ku dagaalameynaa, gacanna doorashadan ku galeynaa”.

Markii dagaalku istaagay dalkana ay ka dhacday doorasho dibna uu ugu soo laabtay ra’iisul wasaare-nimadda ayaa waxa uu socdaal taageero raadis ah uu ugu baxay dalal ay ku jiraan; France, UK, Germany iyo Canada.

Ujeedada ugu weyn ee safarkiisa ayaa lagu sheegay dhismaha ciidamadda xoogan oo ay Soomaaliya yeelato si ay dib ugu soo ceshato dhulalka ka maqan. Balse, socdaalkiisa wuxuu ahaa mid aanan wax miro dhan ah kasoo bixin.

Heshiisyadii “sababay” dhimashadiisa

Isaga oo ka qeybgalaya Shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, waxa ay wada kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Russia, kaasi oo uu u bandhigay qorshihiisa dhismaha ciidan xoog leh oo ay Soomaaliya hesho.

Ra’iisul wasaarihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Yuusuf oo dilka madaxweynaha usoo joogay ayaa wuxuu dib uga faaloodey xusuustiisa.

Wada hadalo kadib ayay isla qaateen in ay u wada safraan Ruushka. Sharmaake waxaa xiligaas wehliyay Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Difaaca iyo saraakiisha kala duwan ee Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya.

“Miis baa loo keenay, waxaa la yiri ‘waxaad ku qortaa waxaad rabtaan’ 20-kun oo ciidan, hubkood, taangi iyo wax walbaa lagu qoray,” ayuu Yuusuf ku sheegay wareysi uu siiyey VOA-da laanta Af Soomaaliga.

Maadaama uu xifaaltan ka dhaxeeyay, reer Galbeedka ayaa aad uga carooday bogga cusub ee u furmay xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, waxayna cadaadis xoogan saareen madaxweynihii waqtigaas dalka xumayey.

Yuusuf ayaa ka jawaabaya sababta loo dilay Sharmaake: “Midowgii Suufiyeenti [Ruushka] buu xiriir la sameeyay 17-mashruuc baa la saxiixay oo ciidanka, shirkadaha iyo waxbarashada, dabadeedna Midowgii Suufiyeenti iyo Dowladda Soomaaliya ayaa isku dhawaaday, markaas ayaa nimanka reer Galbeedku ka xumaadeen dabagalna ku sameeyeen”.

Kadib doorashadii qabsoontay 1964-tii, Sharmaake ayaa waxa uu waayey jagadiisa, waxaana ra’iisul wasaare noqday waqtigaas Cabdirisaaq Xaaji Xuseen xili Aadan Cabdulle Cismaan uu difaacday kursigiisa.

Sidda laga soo xigtay Yuusuf, in Sharmaake la eryo waxay ka dambeysay markii ay madaxweynaha saameeysay dhabar ka taabashada reer Galbeedka oo Sharmaake u arkayey “caqabad”.

– Madaxweyne – 

Kadib doorashadii madaxweynaha ee qabsoontay 1967-dii ayaa waxa uu Cabdirashiid Cali Sharmaake kusii baxay xilka madaxweynaha, isaga oo ra’iisul wasaare ka dhigtay Maxamuud Xaaji Cigaal, oo ka tirsanaa xisbiga SNT.

“Cigaal oo xisbiga SNT ka tirsanaa ayaa intii ay reer Galbeedku la hadleen waxaa la yiri ‘SNT kasoo tag Leegada tag, Cabdirashiid baa soo bixi doono’. Cabdirashiid-na la hadleen la yiri ‘Cigaal ra’iisul wasaare ha dhig’ wax waan wada qeyb-saneynaayeen tanaasulaad buu la galay,” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Wuxuu intaasi ku daray: “Markaad kadib reer Galbeedku aad buu xirmay. Kolka maxaa dhacay? Waxaa dhacay shacabkii oo kacay, Soofiyeedku gacanta ku hayaan meeshuu doono qabsan karo. Reer Galbeedku waxay ku fekereen marka in Cabdirashiid meesha ka saaraan, ciidanka la bedelo, rag iyaga ah [reer Galbeedka] la keensado”.

Dilkiisa kadib dhowr cisho waxaa taladii waddanka afgembi kula wareegay ciidamadii militariga ee uu hoggaaminayey allaha u naxariistee Jeneral Maxamed Siyaad Barre, kaas oo dalka xukumayey in ka badan 30-sano.


Xuquuqda: jamac mahamed qalib

Qalinkii : abdikareem hirse isse 

Comments

Popular posts from this blog

Loolanka dagalka ka dhanka ah argagixisada ee Somaliya

Safiirkii Nabadda Abdiqadir Yahye Ali

SOYAALKII ABWAAN AXMED ISMACIIL DIIRIYE OO KUMAGAC DHERAA (QAASIM)