Xasuustii Taliskii Saed Barre.
Xasuustii Taliskii
Said-Barre
Date
8/8/2020
Maqaalkan
hadii alle-idmo waxaan kaga hadli doona qaybo-kamida dhalilihi iyo amantii
taliskii said-barre.
Sababta keentay inqilaabka,
Afgambiga wuxuu ka dambeeyay dilkii madaxwaynihii
Soomaaliya, Cabdi Rsahiid Cali sharma'arke, ee 15-kii bishii October sannaddii
1969 oo lagu dilay magaalada Laascaanood.
Markii uu dilkaasi dhacayay waxaa dalka Raisul wasaare ka
ahaa allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Cigaal waxaa xilligii uu dilka dhacayay uu ku sugnaa
magaalada New York oo uu uga qayb galayay shirkii Qaramada Midoobay, wuxuuna
markii uu dilka maqlay uu si degdeg ah ugu soo laabtay dalka.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markuu dalka ku soo laabtay
wuxuu billaabay sidii loo dooran lahaa madaxwaynihii baddali lahaa CabdiRashiid
cali sharmarke alle-haunaxariste, Waxaa
xilligaasi laga dooday cidda madaxwayna noqonaysa waxaana ugu dambeyntii lagu
heshiiyay 20 October in Xaaji Muuse Boqor uu noqdo madaxwaynaha baddalaya
allaha u naxriistee Cabdi Rashiid Cali Sharma'arke, balse taasi laguma simin in
taladaasi ay meel marto , waxana meesha yimid goligii sare ee kacaanka oo
asakar ahaa wadankana kula wareegay qorri caradii talo gacan waa kabaxday
dhaman wixii dadku ku hesheyay ee ay kamid ahaa dastuur, maxkamadii sarre,
barlaamankii dadku soo doortay iyo dhamaan nidaamkii dawligaa waxaa layidhi of.
Hordhac sey-wax u dhaceen habeenkii inqilaabka.
Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, ayaa
goob joog ahaa habeenka inqilaabku dhacayay oo kawaramay sey wax-udhaceen, wuxuu yiri waxaa nalaku wargaliyay in dalka
uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in aan taageerano
towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka
dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen, Cali
Berdura waxaa uu yiri”Haa, waxaa jirtay inay noo yeereen Mahamed Sead, Kulmiye,
Salaad Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo inqilaab
aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan aniga meel cidlo ah
ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan
waxaa igu xanaaqay Salaad Gabayre oo
markii dambee gacantooda ku sababsaday Siyaad Barre waa i xiray, xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa
diiday, Kacaan-diid ayaan ahaa waligay…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn,
daacadnimo ayaan intaan Kusoo gaaray adeer, Waxaa habeenkaas xabsiga la dhigay Madax badan
oo ay ugu horeeyaan Madaxdii hore ee SYL SHeikh Mukhtar oo ahaa Gudoomiyaha
golaha shacabka, Maxamed Xaaji Ibraahim (Igaal)iyo madaxweynihii hore Aden (Adde)
iyo rag kale, Golihii Wasiirada, Xildhibaano iyo qaar Xukunkii SYL waxaa lagu xiray Beerta Sheikh Za’id ee afgooyr oo ka tirsan
gobolka Shabeelaha hoose.
Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ah ayey uga faa’ideysteen
saraakiishii dalka inqilaabka ka dhigtay, sida
uu xusey Fanaanka Caanka ah ee
Axmed Naaji Sacad, Axmed oo ka waramaya wixii
dhacay habeenkii dalka Kacaanka ka
curtay ee October 21, 1969-kii, Naaji Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isagu
gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan
Istuudiyaasha Radio Mudishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad,
habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa
xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah, Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac habeenka Kacaanka dhalanayo ayaa laygu soo garaacay gurigayga
ayuu intaa kudaray Waxaana lay-waday dhanka idaacadda intaan waddada aan sii
socnay Sarakiishii iwadday iyo kuwii
wadada joogay waxay isku afgaranayeen Qurac, Qansax iyo erayo kale oo la mid ah. Markii lay
geeyay idaacadda waxaan halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo
hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali”Sugulle halkaas ayaa la-noogu sheegay in uu Kacaan dalka ka curtay, loona
baahan yahay in aan dadka wacyi galino, halkaas ayaan ku qoraynay Heestii ugu
horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay alifeen aniga iyo Cali
Sugulle, heesta waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday,
Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka
heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii
Qudbadii ugu horeysay ee golaha
sare.
Khudbaddii ugu horeysay ee Sead Barre ee idaacadda ka
jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday in
cashuurihii jeebka lagu shubtay waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan
madaxda dowladda, Jaalle Sead waxaa uu shacabka u sheegay in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo,
dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa
dhibaato taariikheed iyo mid qaran,
arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan isagoo intaa ku
daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo
halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka isagoo balan
qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga Musuqa iyo Qabyaaladda
SHaqadii
ugu horeysay ay qabtaan golohii kacaanka.
waxay dhiseen Golihii Sare ee Kacaanka oo ka koobnaa 25
sarkaal, oo isgu jira 20 Xoogga dalka ah iyo 5 Poliska ah, oo madax uu u noqday
M.S. Barre oo markaa ahaa Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jaale Sead barre waxaa uu noqday Afhayeenka iyo
hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla
wadeen sida Jaamac cali Qorsheel, Maxamed Caynaanshe, xuseen kulmiye Afrax,
Ibraahim Megag Samatar, Maxamed Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre, Golahaasi wuxuu la wareegay Awooddii Dalka oo
idil, tii Sharci-dejinta, ( Barlamaan) tii Fulinta ( Xukuumadd) iyo tii
garsoorka. Waxaa kale oo ka mid ahaa tallaabooyinkii ugu horeeyay uu golahaasi
ku dhaqaaqay kala diriddii Barlamaankii la soo doortay, baabi’intii Dastuurkii
Qaranka 1961 kii, Mamnuuciddii dhammaan Axsaabtii siyaasadeed, iyo ururadii
madaniga ahaa ee ka jiray waddanka. Mar haaddii Awooddi oo dhan ay ku ururtay
hal hay’ad oo waliba askar ah, waxaa Soomaliya u bilaabatay cahdi
Dektaatooriyad, oo la mid ah kuwii ka jiray meelo kale oo addunka ka tirsan
siiba Laatiin America, bariga dhexe iyo Africa, Billawgii Kacaanka waxuu lahaa
golaha Sare awood wadaag, wax lagu timaami karo laakiin sannad ka dibba
awoodaas waxay ku ururtay gacant Madax-waynihiisii M.S.Baree, golihiina waxaa u
soo haray magac qur ah. Waqtigaas meeshaba ma oollin wax barlamaan iyo
noloshiisa ah oo aan ka haddalla.
September 1970: Sead
Barre Waxaa uu soo saaray xeerka 54
kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax
maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda
sirdoonka ee NSS, oo uu asasay madaxna ka-ahaa Ahmed Saleban Dafle.
Iska Hor
Imaadkii Golaha sare ee DHanka Awood Qaybsiga .
Luulyo 3/1972 Siyaad Barre waxaa uu xiray raggii ugu
sareeyay Kacaanka sida General Salad Gabeyre Kadiye oo ahaa ku xigeenka Maxamed
Siyaad iyo aabihii Kacaanka, Waxaa kaloo la xiray General Maxamed Ainanshe
Guiled, Labada nin waxaa laga saaray Golaha sare ee Kacaanka waxaa sidoo kale
laga dhigay dhamaan garaadihii ay heysteen markii dambana waxaa labadooda lagu
toogtay Scoula Polisaia”.
Sarkiishi isku kooxda
ahaa ee soo saray wareegtada toogashada
sarakiiisha waxay kala ahaayeen Maxamed Ali Samater, Ismael Ali Abokor,
Abdalla Mohmed Fadil, Ahmed Saleb, Mohmud Gelle Yusuf, Abdukadir Haji Masaleh, iyo
Maxamed said barre oo ahaa aabihii iyo soo-jeedinta fikirka toogashada
saraakiisha ka fikradda duwan ee lagu edeyey iney inqilaab wadaan, hadiise ay
inqilaab wadeen maxaa maxkamad loosohor istaajin waayay amaba loo xiri wayay
sidii sarakiishi waqooyi kasoo jeeday ee inqilaabka iskuwadayay 1961,
Qoridii
Afka Soomaliga 1972
Sannadkii 1972-dii ayay ahayd markii ugu horeysay ee la qoro
afka Somaaliga, waxaa uuna Maxamed Siyaad Bare aaminsanaa in dadka ay afkooda
hooyo uga ciil bixi karaan dhanka waxbarshada.
"Gunnimo cilmi ah ama tacliin ah wax afka hooyo aan
ahayn oo naga bixin karo ma jiro taasi markaan baranana cilmigii kale waa badan
yahay waana ballaaran yahay wixii lagu baran karo waa uun afka hooyo, mid kale
laguma baran karo saa darteed afkii hooyo ayaan dhigeynaa", ayuu yiri Mr
sead.
Kubiridii jamacada Carabta
1974 Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda taaso
u ahayad guul diplomasiyaded somaliya, maxaaayelay saan wadda ogsonahay geeska
afrika somaliya uunba muslimka ah marka lagayimaado Djbouti oo markaas frances
haystay,waxana odhankarna somaliya waxay heshay garab ay-ku tiirsato ugagana
gabato siyaasadihii dagaaalkii qabooba ee waqtigaas.
Shirkii
midowga Africa ee mugdisho
1974 Madaxweyne Barre
waxa uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika, Shirka Madaxeedka Afrika ayaa lagu
qabtay magaalada Muqdishu taasina waxay ahayd guulihii waaweyna ee saed barre
lagu aamaano, waqtigaaas waxayno joognay heer aad usareya marka somaliya
loobarbar dhigo wadamadakale ee africanka ah ee 54 dal ah.
Layntii
wadadda 1975
January 11, 1975 Madaxweyne Sead barre ayaa soo saaray
Xeerla Qoyska(New Family Law) kaas kahad layay dhaxalka raga iyo haweenka oo uu
carababay madaxweynuhu iney raga iyo dumarku siman-yihiin taaso dhalisay buuq
iyo gadood ay dad badan kahorbyimadeen sharcigan, buuqbadan kabacdi waxay
markii danbe isu badashay in culumo tobaneeyo ah la qababto kabacdina latogto
taaso keentay ina aad looga xumaado lagana bayadiido mamulkii saed barre laakin
dadku ay aad uga baqijireen sirdoonka NSSta fikirkoodana ay la gaban jireen
. Magacyada wadadda lalayay.
1. Cali Xasan Warsame
2. Cali Jaamac Xirsi
3. Aadan Cali Xirsi
4. Sheekh Axmed Iimaan
5. Sheekh Axmed Sheekh Maxamed
6. Xasan Ciise Iley
7. Maxamed Siyad Xirsi
8. Sheekh Muuse Yusuf
9. Saleebaan Jaamac Maxamed
10. Yaasiin Cilmi Cawl
Sameyntii xusbiga hanti waddaga
1976 dii waxaa la asaasay Xisbiga Hanti-wadaagga Kacanka
Soomaaliyeed, Waxaana ka soo qayb-gelay shir-waynihii lagu asaasay xisbiga 3000
qof oo la isugu geeyay meel Xero ciidan ah. Dadkaas waxa baddi laga soo xulay,
degmooyinka Dalka, xaafadaha magaalooyinka iyo hay’adaha dawladda meelihii lagu
magacaabi jiray Xarumaha Hanuuninta iyo ururada balshada. Dadkaas intooda badan
waxay ahaayeen, dad aan aqoon la hayn, oon waxna qorin waxna akhriyin, Waxaana
shirkaa asaasidda Xisbiga lagu magacaabay Gole-dhexe oo ka kooban 42 qof, oo
bar ka mid ahi yihiin golihii sare ee kacaanka inta kalana wasiiradii markaa
jiray iyo saraakiil ciidamada laga keenay Waxaa lagu soo daray tiro yar oo la
keenay Ururadii Bulshada sida ururada shaqaalaha, Hawaynka Dhallinyarada iyo
Iskaashatooyinka Golahaas-dhexe, wuxuu u doortay M.S. Baree Xoghayaha Guud ee
xisbga, Waxaa la baabi’iyay Golihii Sare ee Kacaanka Seddexdii Awoodood ee
qarank ayaa mar labadd loo soo raray Golaha Dhexe ee xisbiga Magac ahaan, dhab
ahaanna waxay mar kale loo soo raray gacanta Xoghayah Guud. Oo isku darsaday jagooyonkii
Dalk ugu sareeyay dastuuri ahaan oo kala ah_
1- Xoghayaha Guud ee XHKS.
2- Madax-waynaha jumhuuriyadda
3- Ra’iisu-wasaaraha Xukuumadda.
Xisbiga waxaa loo dhisay habkii Nidaamyada xisbi-kaliyeedka
ah ee ka jiray Waddamada Shuuciga ah One
Party system Oo aan la ogolayn xisbi kale iyo Ra’yi kale oo siyaasadeed. Waxaa
kale oo la mamnoocay wax Organisation ah nooc kastaba ha ahaado eh, haddoosan
ahayn ku Xisbiga ku xiran ama sidii loo yaqiin Baalasha Xisbiga. Dhamaan
ururadii bulshadana waxaa si toos ah loo hoos Islaam aheyd iyo aragtidan
Shuuciyadda iyo hantiwadaaga.
. Dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya.
Waxyaabaha kale ee lagu xusuusto xukumaddii kacaanka ee uu
hogaaminayay Maxmed Siyaad Barre waxaa ka mid ahaa dagaalkii Itoobiya iyo
Soomaaliya.
Dagaalkaas oo dhacay 1977-dii, waxay ciidammadii Soomaalida
ay markii hore gaareen guulo la taaban karo.
Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakishii
hoggaamineysay dagaalkii dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in
dagaalkaasi uu ahaa laba qeybod oo kala ah qeybtii jabhadaha iyo kii ay ku
galeen ciidamada dhulka Soomaalida Itoobiya, Dagaalka labo waji ayuu ahaa,
wajigii gobanima doonka iyo wejigii ay ciidamadu ku galeen ayuu yiri,
23 bishii July 1977 ayaan ku dhufanay dhanka koonfureed oo
dhan oo ah Godey, Qabridahar iyo Dhagaxbuur. Qabridahar isla maalinkiiba waan
qabanay", ayuu yiri Janaral Galaal
Inqilaabkii
fashilmay ee ciro hohgaaminayey 1978.
Markii laga soo noqday Dagaalkii 1977-1978, ee soomalida iyo
Xabashida, waxaa dalka soo foodsaaray dhibaatooyin dhaqaale, Siyaasadd iyo
Habbiso gudaha ah, Xagga dhaqaalaha waxa si xad-dhaaf ah u batay deenkii
Dibadda iyo kii gudaha waxaa mesha ka baxay gabi ahaanba kaalmadii dhaqaale iyo
Military ee Midawga Sofyeeti oo ahayd midda uu run ahaan ku tiisanyahay
dhaqaalaha dalku. Waxaa si aad u kurdhay kharashkii ciidamada, waxaa
qiima_jabay shilinkii Soomaaliga, oo intii Dagaalkaa ka horaysay ahaan jiray
lacag-adagg, waxaa ciriiri gelay maciishaddii dad-waynah. Xagga siyaasadda
waxaa mesha ka baxay taageeradii Sofyeetka oo ahaa quwadda Calami ah, firaaqo
ayaa halkaa ka dhashay quwaddii kale ee reer-galbeed ma booxinin kaalintaa
banaanaatay, marka laga reebo diplomaasiyadd Afka-baarkiisa ah Gudaha Dalka
waxaa bilaamay guux-dadwayne iyo caro xagga ciidanka ku baahday Guud ahaan la
liqi waayay natiijadii dagaalka oo loo arkayay in Soomaalidu military ahaan
guulaysatay laakiin siyaasad ahaan fashilantay,
Dareenkaa guud wuxuu dhaliyay isku day Inqilaabkii 1978ee uu
hogaaminayay Col. Maxamuud sh. Osmaan ( CIRO) iyo C/laahi Yuusuf axmed,
inqilaabkan waxaa looyaqan inqilaabkii fashilamay, dhamaan sarakiishi kulug
lahayd waa latoogtay C/laahi Yuusuf keneya ayuu ubaxsaday kanaradsaday
“Political Asylum” nabad-galyo siyaasaded,
Dilkii iyo toogashadii Saraakiishii ka qayb-gashay
Inqilaabkaa waxaa ku burburtay midnimadii Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo tii
Qabaa’ilka Somaaliyeed ee uu ka koobanyahay shacabku Dhaawicii soo gaaray midnimadii
ciidanka iyo shacabka waata abuurtay Jabhadaha qabaa’ilka ku dhisan oo taageero
ka helay Dalkii Itoopia ee dagaalka lagu la jiray waana tan ay manta la
dhutinhayso Umadda soomaaliyeed.
Magacyadda sarakiishi
latoogtay,
Col. Maxamed Sheekh Cismaan 'Cirro'
G/le. Saciid Maxamed Jaamac
G/le. Saciid Jaamac Nuur
Dhamme: C/salaan Cilmi Warsame
Dhamme: Ibraahim Maxamuud Xirsi
Dhamme: Cabdullaahi Nuur
Dhamme: Cabdullaahi Faarax
Dhamme: Caagane Axmed Yuusuf
Dhamme: Bashiir Abshir Ciise
S/xarigle: Faarax Xalwo
L/xarigle: C/Qaadir Geelle Cumar
L/xarigle: C/Raxmaan Macallin Bashiir
L/xarigle: Cabdi Ugaas Cismaan
L/xarigle: Aadan Warsame yare
L/xarighle: Maxamed Saciid Cabdulle
L/xarigle: C/Wahaab Axmed Xaashi
Xasuuqi Jazeera.
Xeebta Jazeera waxa kadhacay markey tariikhdu ahayd 1989
arin aad uful xun oo wuxuushnimo ah kana baxsan bil-aadanimada waxaa lagu
laayay niman gaadhaya 45 oo kasoo jeeda goboladda waqooyi sababta loolaynayan
waxay ahayd cida ay-yihiin heyb-ahan, waqtigaa mamulkii saed barre waxa ku
kacsanaa jabahdo badoonkodu ay kasoo jeeden waqooyi ayna ka biyadiidsanyeen
xukunka saed barre ee kali talisnimada iyo dadkaa rer-waqooyiga oo tirsanayay
in aaney helin saamigoodi dawalada lagasoo bilaabo markii ay labadda gobol ay
isku biireen ee lixdankii, raga lalayay waxa loo layay saan hore usoo sheegay
cida ay yihiin heeb-ahaan iyada xataa loo fiirina fikardood iyo waxa ay aminsan
yihiin badanaa raga lalayay waxay ubad nayeen arday jaamacded, aqoonyahanin iyo
ganacasato ragaa afartaneeyadda halnin ayaa kabad-baaday oo ilahy kabad
baadiyay waxaan oran karnaa tiisa uunban dhaman ee nolol looguma talagalin,
halkaas nin ayaa qaylo dhaan keney in ragii lalayay ee aan laxirin dhamaantodna
waxa lagala baxay guryha ay kunoolayeen habeen badh iyagoo iska jiifjiifa oo
warmaqabayaala, xataa hadii danbi aygaleen maxaa maxkamd loo soo-istaajin
waayay, qofka muwaadinka waxa uu xaq-uleyahay xataa hadii danbi lagu soo eedeyo
in maxkamad 24-saac lagu soo istaajiyo iskabadhaaf maxkamdda dad tiradoodu
intaas le’egtay sey umutesteen dila iyo in uu qabto hal-sharci oo ah
in-lalaayo, waxaan filaya inan u-isticmaalin case-kan ereyga ah dil ee aynu
u-isticmaalo ereyga ah xasuuq “genocide”
Liiska iyo titleka ragii xasuuqi Jazeera lagu-laayay,
1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-somalia
2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Besinessman
3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN
4.Yusuf Mohame Handulle – USAID
5.Abiwahab Farah Ahmed – Student
6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman
7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman
8.Abdi Osman Dubad – Trader
9.Mohamed Musa Mohamed – Trader
10.Mohamoud Bacadle – Civil servent
11.Daud SH. Ibrahim
12.Farah Ismail Awale – Student
13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader
14.Dayib Abdi Burale – Trader
15.Husein Omar Husein – Trader
16.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U
17.Musa Abdi Gaas – Businessman
18. Abdi Barre Osman – Graduate.
19. Barre Osman Abdi – Trader
20. Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader
21. Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr.
22.Ali Mohamed Abdi – Student
23.Abdi Mohamed Abdi – Technician
24.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman
25.Mohamed Abdi Hassan – Businessman
26.Ibrahim Hassan Ege – Technician
27.Abdi Muhumed Daud – Businessman
28.Jama Mohamed Abdi – Trader
29.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman
30.Rashid Mohamed Osman
31.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader
32.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent
33.Hussein Muhumed Farah – Civil servent
34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader
35.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Student
36.Hussein Osman Jama – Student
37.Khadar Mohamed Ahmed – Student
38.Bihi Ibrahim Ahmed – Student
39.Hassan Nur Hersi – Student
40.Abokor Mohamed Yousuf – Trader
41.Hassan Guure Abdi – Trader
42.Khadar nuur Jama – Trader
43.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader
44.Mohamed Osman Jama – Trader
45.Hassan Abdi Muhumed – Businessman.
46.Matan Abdi Habashi – Student
47.Fuad Abdillahi Ibrahimshicib
48.Hussein Ali Aden – Businessman
49.Saeed Nur Musa – Businesman
50.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman
51.Abdifatah Ahmed Jiir – Student
52.Ali Mohamed Dirie – C.Serv
53.Jama Aden (barosin) – Civil servent
54.Hussein Kheyre Abdi – shicib
55.Warsame Dugsiye Reydal – Trader
56.Muhumed Abdillahi Warsame – Trade
Qalinkii : abdikareem H Isse
Comments
Taarioqduna wa cashir lama dhaafaan ah Alle haki ziyadsho garaadkaga oyo maskaxdada