Xusus siyasadedkii somalida "Political memory of Somalia"

Qaybta: 1aad Curashadii ururka syl 1.1 Fikrad kasta oo lagu hormaro waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu asaasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa Allaha u naxariiste Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaarke oo mudan in si gaar ah loo xuso, Yaasiin wuxuu ahaa nin fiiro dheer oo aqoon yahan lagu tilmaami karo inkastoo uusan dhigan dugsi rasmi ah, wuxuu ahaa nin leh wacyi iyo maskax siyaasadeed iyadoo aan waqtigaas dadku u bislayn siyaasadda yaasiin wuxuu si fiican u yiqiin afka Talyaaniga, wuxuu kaloo yiqiin afafka Carabiga iyo Ingiriiska, dadaalka Yaasiin ka sokoow curashada fikradda waxaa saaciday arrimo dhawr ah ooy ka mid ahaayeen: Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga, Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dh...